Home / Aragti / Sidee loo Tayeyn karaa Tacliinta Sare?

Sidee loo Tayeyn karaa Tacliinta Sare?

Mar kasta oo aan arko arday ka qalin jebinaysa jaamacadaha dalka waan ku farxaa; isla markaa hadana waa ka naxaa! Su’aalo badanina waa ay igu soo dhacaan.

Jaamacadaha Somaliland ka jiraa waxay gaadhayaan ilaa 30 jaamacadood in ay sii bataana waa la arkaa. Waxaa sannadkii ka qalinjabiya arday lagu qiyaaso 4000–5000 oo arday.

Su’aalaha igu soo dhaca, ama la isweydiin karo waxaa ka mid ah: tolow waxbarashada ay ardaydaa faraha badani barteen ma u aayi doonaan? Ma noqon doontaa mid baahi tirta maskaxdooda iyo muruqooda? Ma noqon doontaa mid u iftiimisa dariiqa dheer ee nolosha?

Haddaba si su’aalahaa iyo kuwo kale oo badanba jawaab loogu helo, sidee kor loogu qaadi karaa tayada wax barashad sare si loogu aayo tacabka ardaydaa kumanaanka gaadhaya ee sannad walba ka baxa jaamacadaha iyo kulliyadaha kala duwan?

Qormadan gaabani waxa ay si guudmar ah toojka ugu ifininaysaa dhibaatooyinka jira, isla markaana waxa ay si kooban u soo jeedin doontaa talooyin ku wajahan tayeynta tacliinta sare1.

Dhibaatooyinka jira waxaa ka mid ah:

  1. Ardayga oo aan u diyaarsanayn heer aqoon sare.
  2. Qorshe jiheyneed maqan (career advice).
  3. Tayada macallimiinta iyo agabka waxbarasho oo kala dhiman.
  4. Manhaj dhammaystiran ama qiimayn guud oo maqan.
  5. Nidaam la’aan iyo is barbayaac

Waxaa lagu doodi karaa in dhallinta waxbaranaysaa aanay iyagu eed iyo dhaliil midna lahayn, mar haddii ay la yimaaddeen dedaalkii laga rabey, wixii loo dhigayna ay ka soo dhalaaleen.

Si wax looga qabto dhibaatooyinkaa kor ku xusan, ugu horreyn baahida tacliineed ee la rabo in loo gudbiyo dhallinta maanta, waa in ay ka jawaabtaa su’aalahan: maxaa ku habboon ee ay tahay in la baro ardayga marka uu dugsiga sare dhammeeyo? Ardayga laftiisu waa in uu isweyddiiyaa: maxaan ku wanaagsanahay ama aan xiiseeyaa? Xirfadda aan baranayaa xaggee ayey i geynaysaa?

Inkastoo arrinkan ay la qaybsanayaan waalidka iyo mas’uuliyiinta waxbarashadu. Waxaa lagamamaarmaan ah in la sameeyo laamo kala taliya ardayda xagga waxbarashada, marka danbena ku jiheeya halkii ay xirfaddooda kaga xammaalan lahaayeen. Waa in ay jirto aragti mustaqbal oo ardayga ka caawisa ifafaalaha mustaqbalka.

Dhinaca kale, waa in fursadaha shaqada ee dalka lagu saleeyaa karti iyo aqoon, si ilmaha yar ee intaas oo sano soo dedaalayey uu u helo meel qiimaysa waxbarashadii uu u soo dhididey.

Agabka waxbarashada sare u baahan tahay oo kooban ama aad u yar—haddii ay ahaan lahaayeen maktabado, shaybaarro cilmibaadhis loo adeegsado, iwm. Heerka aqoonta la gudbinayo lafteeda ayaa la is weydiin karaa tayadeeda. Iskaashiga iyo gacan‑qabadka ay la leeyihiin xarumaha iyo jaamacadaha dibadda oo xaddidan, arrimahaa iyo kuwo kale waxay sababeen in waxbarshadii—magac mooyee—aanay macne muuqda ku lahayn bulshada dhexdeeda, waxsoosaarkeedii iyo tacabkii looga fadhiyeyna uu maqan yahay.

Su’aal kalena waxay tahay: yaa qiimeynaya saameynta taban ama togan ee ay tacliinta sare ku leedahay jiilasha soo koraya.

Qof kasta oo la socda xaaladda waxbarasho ee dalku waa uu dareemayaa in ay u baahan tahay in la nidaamiyo, tayadeedana kor loo qaado. Haddaba si taasi u suurto gasho, waxa lagamamaarmaan ah in la sameeyo arrimahan soo socda:

  1. Siyaasad qaran oo qeeexaysa ujeeddada waxbarshada guud ahaan, si gaar ahna isha u galinaysa ta sare, si loo helo waxbarsho tayo leh oo awdda baahida jirta.
  2. In la helo hay’ad si cilmiyeysan u qiimaysa (academic evaluation) oo ka baaraandegta barnaamijka waxbarasho iyo macallimiinta gudbinaysaa in ay gaadhsiisan yihiin heer u qalma waxbarasharo Jaamacadeed.
  3. In la mideeyo ama la isku xidho kulliyadaha waxbarasho ee jira, si ay u wadaagaan, agabka xirfad baridda, macallimiinta iyo waayo-aragnimada si ay isu kaabaan ee aanay isu “koobi”-yeyn.
  4. In la yagleelo xarumo cilmi baadhid oo mideeya aqoonta jaamacadaha dalka, cilmibaadhistoodana lagu dhaqmo lana dhiirrigaliyo.
  5. In loo hawl galo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka jamacadaha dibadda, gaar ahaan xagga caafimaadka,   waxsoosaarka, beeraha, kalluunka, xoolaha, iyomacdanaha kala duwan, si loo helo aqoon aayatiin leh oo dadka iyo dalka hore u marisa.

1 Qoraalkani kuma salaysna baadhitaan dhammaystiran, waa indha-indhayn guud.

 

Check Also

Iswaafajinta Aqoonta

Kala sarraynta baahiyaha ee Maasloow (Maslow’s Hierarchy of Needs), waa aragti Cilmi-nafsi oo ku qotonta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *