Home / Qubane

Qubane

Haysasho iyo Hayn

Faysal oo magaalo ku weynaadey ayaa markuu 17 sano jirey u caano doontay miyiga oo uu degenaa adeerkii Jaamac. Wuxuu galay nolol ku cusub oo xitaa saacadihii iyo magacyadii maalmaha ayaa ka lumay ilaa uu garan waayey inta maalmood ee uga dhiman fasaxii iskuulka. Maalmo badan oo adag ayaa soo …

Sii akhri

Tusaalayaasha Qur’aanka

حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر Intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) ka madow (Aroortii) Eebbe —sareeyoo hufnaaye— waxa uu kitaabkiisa inoogu tilmaamay waxyaalo badan. Adduun iyo aakhiro wax badan ayaa la inoo iftiimiyey. Siyaabo kala duwan ayaa wax la inoogu sheegay si fahamku u soo …

Sii akhri

Qorshayn

Inta badan, marka wax la qorshaynayo waxaa caado laga dhigtaa in ‘bar-bilaw’ ilaa ‘bar-idlaad’ loo kala goosho. Tani waxa ay ka dhigan tahay in loo ruqaansado dhanka uu kaa xigo yoolka aad higsanaysaa. Sidani ma qaabka keli ah, uguna habboon, ee wax loo qorsheeyaa? Daraasad cusub ayaa ku andacoonaysa lidka. …

Sii akhri

Guuxa Dadweynaha

Sawirkan (hoos) oo uu Cabdullaahi Wacays u sameeyey kaftan ahaan ayaa aad ugu dhex faafay baraha bulshada iyo bogagga Soomaalidu ku leedahay internetka, iyada oo ay dad badani u qaateen tirakoob dhab ah, ayna warar iyo faallooyin ku saleeyeen iyaga oo aan—haba yaraatee­— wax dabagal iyo hubin ah ku samayn. …

Sii akhri