Home / Aragti / Tusaalayaasha Qur’aanka
©Nasa

Tusaalayaasha Qur’aanka

حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر

Intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) ka madow (Aroortii)

Eebbe —sareeyoo hufnaaye— waxa uu kitaabkiisa inoogu tilmaamay waxyaalo badan. Adduun iyo aakhiro wax badan ayaa la inoo iftiimiyey. Siyaabo kala duwan ayaa wax la inoogu sheegay si fahamku u soo dhowaado ujeedadana loo garto.

Hababka uu Qur’aanku isticmaalo waxa ka mid ah tusaalayaal, isu ekaysiin labo shay oo is-shabaha, iyo kuwo kala tagsan oo isku liddi ah, sida habeen iyo maalin, mugdi iyo iftiin, iyo kuwo kale oo la mid ah. Ujeeddada ka danbeysaa waa in la ina dhacsiiyo arrimo waaweyn oo la rabo in aynu dhug u yeelanno. Mararka qaar waxa la inoo soo tebiyaa qisooyin hore u dhacay si loogu cibro qaato. Marar kalena kuwo aan dhicin ayaa la rabaa in aynu sawirno oo malayno si iyaga laftooda casharo looga qaato

“…Sidaasaa Eebe mataallo ugu sheegaa dadka in ay fikiraan darteed”

al-Xashr: 21

Intaa marka laga yimaaddo waxa la ina faray in aynu Eebbe caabudno, waqtiyo go’an, siyaabo gaar ahna u caabudno. Cibaadadaa waxa in badan lagu xidhay waqti u gaar ah oo u baahan in la hubiyo. Sida: amminta Salaadaha, Soonka iyo Xajka ayaa ka mid ah cibaadoyinka waqtiga gaarka ah ku xidhan ee la rabo in loo fiirsado marku bilaabanayo iyo markuu dhammaanayo.

Aayadda kor ku xusan waxa la inagu barayaa waqtiga la rabo in la bilaabo soonka, maalintu halka ay ka bilaabanayso iyo halka ay ku dhammaanayso. Waxa la ina siiyey tusaale aad u yaab badan. Kala siibanka habeenka iyo hiirta waaberi ayaa la inoogu shabahay ‘labo dunood’ oo labo midab leh. Waxa la isweydiin karaa sidee loo kala arki karaa labada khayd ee samada ku dheraran midabkooda. Ujeeddada laga leeyahayse waa in la ina tuso sida uu u miiqan yahay farqiga u dhexeeya habeenka aakhirkiisa iyo maalinta awalkeedu. Waa cibro la inagu dareensiinayo farqiga labo shay u dhexayn karaa sida uu u fiiqan yahay. Mar kasta oo aan aayaddan akhriyo waxa ii soo baxa: in nolosha oo dhan ayaadan lagu miisaami karo.

Farqiga u dhexeeya waayaha noloshu waa sida duntaas oo kale; Maxa u dhexeeya runta iyo beenta? maxa u dhexeeya xaqa iyo baadilka? Xaaraanta iyo xalaashu intay isu jiraan? Doodo badan iyo umuuro badan oo adduunka la isku maan dhaafsan yahay haddaad dhab u fiiriso, waxa kuu soo baxaya in ay adag tahay in si fudud loo kala saaro. Sida labadaa dunood ee Eebbe waaberiga iyo habeenkii madoobaa inoogu sifeeyey.

Waxa la wariyaa in markii ay aayaddaa qaybteeda hore soo degtay in saaxabada qaar ay soo qaateen labo miiq oo kala midab ah (caddaan iyo madow) oo ay isku gunteen dabadeed sugeen inta ay si wanaagsan u kala muuqdaan! Markii danbe ee la raaciyey ‘من الفجر’ ayaa la gartay in loo jeedo ‘waaga’ ee aan ujeedadu ahayn labo midab oo la kala saarayo (Ibnu Kathiir).

Tusaalayaasha iyo halhaysyada Qur’aanka oo dhamina waa sidaa: waxa looga gol leeyahay in macnaha la soo dhoweeyo si ujeeddada loo garto marka danbena loogu dhaqmo. Garashadu waa cilimigii la inagu dhiirigeliyey raadintiisa iyo barashadiisa, camalkuna waa kii la ina faray ee markii horeba loo gol lahaa.

“Waxad dhahdaa camal fala wuu arki Eebbe camalkiina iyo Rasuulkiisu iyo mu’miniintu waxana la idin celin xagga (Eebbaha) og Waxa maqan iyo waxa jooga idiinkana warrami (abaalmarin) waxaad falaysaan.”

at-Tawbah: 105

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *