Taraawiixdku waa salaad sunne ah oo Ramadaanta la tukado. Abuu Hurayrah RC iyo Caa’isha RC waxay soo weriyeen in uu Nebigu SCW dadka ku boorrin jirey in habeenka Ramadaanta salaad loo istaago, laakiin amar adag kagama uusan dhigin. Nebigu SCW waxa uu odhan jirey:
مَن قام رمَضانَ إيمانًا واحتسابًا غُفِر له ما تقدَّم مِن ذَنْبِه
Qofkii [salaad u] istaaga Ramadaanta, iyada oo ay iimaan iyo ajar xisaabsi ka tahay, waxaa loo dhaafaa dembigiisi hore.
Xadiis uu Abuu Darr RC werinayo ayaa sheegaya in uu Nebigu SCW bil Ramadaan saxaabada tujiyey dhawr habeen, oo uu weliba salaadda aad ugu dheeraaday ilaa ay ka baqeen in suxuurtu dhaafto. Nebigu SCW waxa uu Abuu Dar ku yidhi: qofkii salaadda la dhammaysta imaamka waxaa loo qoraa ajarkii in uu habeenkaas oo dhan salaad u taagnaa.
Caa’isha RC iyaduna waxa ay soo werisay in Nebiga SCW oo habeen Ramadaan ah masjidka ku tukanaya ay qaar saxaabada ka mid ahi ku dabo xidheen salaaddii. Subixii bay dadkii u sheegeen, markaasaa habeenkii xigay dad badan ku soo biireen salaaddii, habeenkii saddexaadna sidii baa dhacday, ilaa habeenkii afraad uu masjidkii dadkii qaadi waayey. Laakiin markan Nebigu SCW uma soo bixine gurigiisuu iska joogay. Salaaddii subax markii la tukaday buu dadkii la hadlay waxaana uu u sheegay in sababta uu ugu iman waayey ay ahayd cabsi uu ka qabo in salaaddan faral lagaga dhigo, dabadeedna dadku ka bixi waayaan. Sidaas ayuusan mar dambe u tujin jamaaco, laakiin waxa uu ku boorrinayey in ay tukadaan habeenka Ramadaanka, sida xadiiska kore ku xusan.
Markii uu Suubbanuhu SCW geeriyooday, Abuu Bakar RC ma dhihin jamaaco ha la tukado. Abuu Bakar RC qorshihiisu waxa uu ahaa in uu sidii Nebiga SCW wax u wado oo uusan waxba beddelin oo xitaa ururinta Musxafka waa uu diiday bilowgii ilaa Cumar RC ku qanciyey mar dambe. Taas waxaa u sii dheerayd in isla markiiba dad badani diintii ka baxeen kuwo kalena ay diideen in ay sakadii bixiyaan. Labo sano iyo bilo ayuu khaliif ahaa wuxuuna ku dhammaystay inuu Islaamkii ku celiyo intii Nebigu SCW kaga geeriyooday, wuxuuna bilaabay in uu ku faafiyo dhulal kale.
Cumar waxa uu dhaxlay khilaafada iyada oo dhulkii Muslimiintu xasilay oo Islaamkii xooggan yahay, oo halkii xilligii Abuu Bakar RC bilowgiisi laga cabsi qabay in Madiina la soo weeraro, hadda ciidammadii Muslimiintu ay albaabbadii Suuriya iyo Ciraaq garaacayaan. Xasilloonidaa gudaha iyo muddadii dheerayd ee uu talada hayey ayaa u suuragaliyey in uu wax ka qabto arrimo badan. Waxqabadkii Cumar RC waxaa ka mid ahayd in uu dib u bilaabay in salaaddii taraawiixda jamaaco lagu tukado.
Imaam Bukhaari waxa uu soo werinayaa in habeen Ramadaan uu Cumar tagey masjidka, ka dibna uu la kulmay dadkii oo tukanaya— mid baa keligii tukanaya, mid baa dhawr qof tujinaya, kuwo kalaa iyaguna dhankaa jamaaco kale ku jira… markaas ayaa uu yidhi waxaa ii muuqata in ay uga fiicnaan lahayd in aan hal imaam u sameeyo. Sidaas ayaa uu Ubay ibnu Kacab RC ugu magacaabay in uu ragga tujiyo, halka Tamiim ad-Daarii RC isna loo xilsaaray tujinta dumarka.
Culamadu waxa ay yidhaahdeen: maadaama Nebigu SCW dhawr habeen tujiyey saxaabada, ka dibna uu u joojiyey baqdin uu ka qabo in faral laga dhigo, uuna sheegay in qofkii imaamka la dhammaystaa uu ajar badan helayo, laakiin geeridiisii ka dib aysan cabsidii faralnimadu jirin oo waxyigii joogsaday, in halkii qof-qof loo tukan lahaa jamaaco midaysan lagu tukado oo ajarkii imaam la tukashadana la helo ayaa la qummanaatay Cumar RC.
Abuu Bakar RC iyo Cumar RC waxay leeyihiin mansilo aan cid kale lahayn. Wax aan dadka kale laga oggolaadeen baa iyaga laga qaadanayaa. Maxaa yeelay Nebiga SCW ayaa inna faray:
اقتدوا باللذين من بعدي أبي بكر و عمر
“Ku dayda labada iga dambeeya: Abuu Bakar iyo Cumar.”
Waxaa weriyey Tirmidi [3991].
Mar kale waxa uu Nebigu SCW yidhi:
فإن يطيعوا أبا بكر وعمر يرشدوا
Haddii ay addeecaan Abuu Bakar iyo Cumar way hanuunayaan.
Waxaa weriyey Muslim [681].
Dib u bilaabiddaas uu Cumar RC ku sameeyey in jamaaco lagu tukado salaaddan Ramadaanta la tukado, iyada oo markii hore uu Nebigu SCW sameeyey, haddana waxaa qummanaanteeda xujo kale u noqonaysa in saxaabadii oo ay ku jiraan Cuthmaan, Cali, Cabduraxmaan ibnu Cawf, Zubayr ibul Cawaam, Sacad ibnu Abii Waqaas, Abuu Cubaydah ibnul Jarraax, iyo Dalxah ibnu Cubaydillaah, Saciid ibnu Zayd — kuwii Jannada loogu bishaareeyey, Ahlu Beder, iyo maqaawiirtii kaleba, ay oggolaadeen, kuna raaceen. Saxaabadu RC diintii ay naf iyo maalba u hurayeen marna ma ay oggolaadeen in Cumar RC uu ku daro ama jideeyo wax aan jirin. Cid diintan uga daacadsanayd ugana ilaalin badnayn ma aysan jirin. Waxyaalo ka yaryar ayay Cumar RC ku qabsadeen oo ay ku khasbeen in uu go’aankiisi ka noqdo e, ma salaad aan raad diinta ku lahayn ha la tukaday ka oggolaan lahaayeen! Qofkii sidaa aaminsani waxa uu saxaabadii RC ku tuhmayaa in ay gabeen waajibkii ka saarnaa ilaalinta diinta.
Habka taraawiixdu u dhaqan gashay waxaa innoogu sugan cashar dhanka maamulka iyo siyaasad dejinta (policy making) ah. Nebigu SCW waxa uu ku bilaabay dhiirrigalin iyo boorrin uu dadka ku jeclaysiinayo in ay habeenka Ramadaanta salaad u istaagaan. Waxa uuna u raaciyey faa’iidada ka dhalanaysa haddii ay sidaa sameeyaan. Iyada oo ay dadku aad u rabaan, ayaa uu haddana Nebigu SCW uusan jamaaco in lagu tukado sii wadin, maxaa yeelay waxa uu ka cabsi qabay in waajib kale oo culays dadka ku noqdaa uu ka dhasho. Dhibtii iyo dheeftii ay shareecadu ku dhisnayd isu miisaamiddooda ayaa halkan ka muuqata. Iyada oo sidii ah, markii ay duruuftii saamaxday oo dhibtii ka dhalan kartay laga aamin qabo, ayaa uu Cumar ku kacay tallaabadii fulinta, ka dib markii uu arkay baahida loo qabo (masjidkii oo qof-qof iyo koox-koox loogu tukanayo). Siyaasad cusub marka la dejinayo waa lamahuraan in laga fekero natiijooyinka aan xisaabta lagu darsan ee ka dhalan kara (unintended consequences).
Salaadda taraawiixdu waa sunne, waxaana lagu tukan karaa guriga e, khasab ma aha in masjid iyo jamaaco lagu tukado. Waxaa nasiibdarro ah in dad badani ay taraawiixda ugu dedaalaan si aysan salaadaha waajibka ugu dedaalin.