Home / Aragti / Dawladnimadu Waa Dogob la Wada Sido
©Freepik

Dawladnimadu Waa Dogob la Wada Sido

“Haddaan weynay waaligu inuu ina walaaleeyo,

Oo waa ku leenee sidii weled inoo dhawro,

Miyaan weyney weeyada cid kale ula wareegeeda?”

Yuusuf Sharmaarke (Shan-ku-Kibir)

 

Qarni ka hor intii aan gumeystuhu maamullada ka samaysan dhulka Soomaalida, dadku waxa uu ahaa qabaa’il xeer ku wada nool. Labo qabiil oo walba waxaa ka dhexeeyey xeer u gaar ah oo ka dhashay dhacdooyinkii dhex maray labadaas qabiil. In xeerkaas isbeddel lagu sameeyo waxa ay ku xirnayd in qolo u dhaqanto si ka baxsan xeerkii la isku ogaa. Falkaas ayaa qolada kale u qaadanaysay in uu yahay xeer cusub ee iyaga iyo ‘reer hebel’ dhexyaal. Colaadda ka dhalata daaqa, dhiigga, hantida la kala qaado iyo wixii kale ee qolo u qaadato in uu meel-ka-dhac ku yahay waxaa lala tiigsan jirey xeerkaas.

Dhibka ugu weyn ee qabiil soo mari karaa waxa uu ahaa in ciidan ka xoog weyn ka laayo ragga, ka qaado xoolaha iyo degaanka ama dumarka kaga xad gudbaan. Intaas waxaa lagaga hortagi jirey in la isu diyaariyo dagaal. Wiilka qaangaarka ah iyo odayga xoogga lihiba waxa ay ahaayeen ciidan hubaysan oo waagii beryaba u war haya colaad. Qabiil walba waxa uu lahaa nin col-wadeen ah oo lagu yaqaan hoggaaminta dagaalka. Waxaa jirey gabyaa ka jawaaba qabaa’ilka kale wixii qadaf ah ee ka yimaadda.

Ninka col-wadeenka ah ayaa marmar loo bixin jirey magac lagu sharfo sida Ugaas, Boqor, Garaad, Suldaan, Malaaq, Yabar, iwm. Ma jirin heshiis ka dhexeeya qabiilka iyo qofka hoggaanka u haya. Sidaas awgeed haddii laga eed sheegto hoggaamiyaha waxaa adkayd in si sahlan looga wareejiyo talada oo waxaa taariikhda ku badnaa in talada lagu dagaallamo.

Gumeystuhu markii uu yimi waxa uu watey magacyo maamul oo aan degaanka horay looga aqoon. Tusaale ahaan, Ingiriiskii xukumayey qaybtii waqooyi ee dhulka Soomaalidu waxa uu sameeyey maamul uu u bixiyey ‘Local Authority’. Soomaaliduna waxa ay u bixiyeen ‘Lug Atoor’! Waxaa maamulkaas mar haystay nin la oran jirey Archer oo ahaa nin dheer. Soomaalidu waxa ay u taqaanney Caarshe Dheere. Sidaas oo kale magaalada Ceelbuur waxaa ciidan ku haystay nin Talyaani ah oo la oran jiray Donadolli. Waxaana loo yaqaanney Daldalool. Soomaalidu waxa ay raadinayeen si ay isu qabadsiiyaan dhaqankoodii iyo magacyadii iyo dhaqankii saancadduhu la yimi.

Dawladnimadu waa ka duwan tahay qabiilka. Qabaa’ilku ma laha qoraallo iyo hab sugan oo loo raaco xallinta khilaafaadka. Ma jiraan jagooyin qeexan oo dadka qabaa’ilka talada u haya lagula xisaabtamo. Haddiiba ay qabaa’ilku jagooyin leeyihiin waa kuwo dhaxal lagu helo dhimashana lagaga dego. Ninna dhaxalkii aabbihiis in lagula xisaabtamo ma oggola.

Dawladnimada waxaa saldhig u ah heshiis ka dhexeeya madaxda iyo shacabka. Madaxda waxaa saaran xil ay ballan qaadeen in ay ka soo baxaan shacabkana waxaa saaran in ay hoggaansamaan haddii madaxdu xilkooda gutaan. Madaxdu waxa ay madax ku tahay oggolaasho ay ka heleen shacabka iyo hoggaankooda. Madaxdu waxa ay ku shaqeeyaan dhismayaal laga dhisay hantidii shacabka. Madaxdu waxa ay ku nool yihiin oo mushahar u qaataan hanti laga qaaday shacabka. Gaadiidka madaxdu waa hanti shacab.

Madaxdu waa adeegayaal shacab. Waa la shaqaaleeyey. Waxaa lagu yiri ‘Waxaan kuu dhiibaynaa jago aan ANNAGU leenahay: madaxweyne, wasiir, guddoomiye, iwm. Waxaan ku siinayanaa degaan aan ANNAGU leenahay, oo la yiraahdo madaxtooyo, saldhig, xarun, iwm. Waxaan ku siinayanaa hanti aan ANNAGU leenahay oo la yiraahdo mushahar, gunno, kharashaad, iwm. Waxaan kuu dhiibaynaa qoraal qeexaya sidii aad noogu adeegi lahayd oo la yiraahdo dastuur, sharci, xeer, iwm. Waxaan kuu ballan qaadaynaa wixii aad u baahato oo ah inaan ku sharafno, cashuur ku siinno, amarkaagana u hoggaansanno si hawshu kuugu fududaato. Waxaan kaa doonaynaa in aad ilaaliso sharafta waddanka, inaad dadka isu hayso, nabadda iyo xasiloonida ilaaliso, hantida guud dhowrto, wixii ummadda wanaag u ah ka shaqayso”

Dawladnimadu waa heshiis labo dhinac ah. Marka madaxdu og tahay in ay yihiin adeegayaal shacab, ayaa ay filan karaan in la siiyo qaddarintii ay mudnaayeen ee loo ballan qaaday.

Sidee loo xisaabtamayaa? Yaa la xisaabtamaya dawladda?

Maraakiibtu marka ay safar dheer galayaan waxa ay dhawrkii saacba hubiyaan in ay ku socdaan khadkii saxa ahaa. Haddii ay sidaas yeeli waayaan ma gaarayaan meeshii ay u socdeen. Dawladda aan lala xisaabtamin waxa ay reerka ku furaysaa xero baas iyo meel aan la mahadin. Dhinaca kale, la xisaabtanka dawladdu waxa uu u baahan yahay kaadsiimo, aqoon iyo in la eego waxa ka dhalanaya xisaabtanka. Ma habboona in sharafta guud ee dawladanimo loo waayo qalad ay dawladdu gashay ama qof jago dawladeed hayaa galay. Ma habboona xisaabtan dhalin kara colaad iyo kalaguur shacab oo lagu waayo nabadgalyada.

Qoraallada dawladnimo ayaa caddeeya habka loo maro la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dawladda. Iyada oo shacabku u siman yahay in ay ka qayb qaataan dawladnimada, ayaa haddana waxaa inta badan jira waxgarad iyo odayaal loo asteeyo in ay u dhowaadaan dawladda oo ka war qabaan sida wax u socdaan kana bixiyaan jawaabta ku habboon marka la baal maro heshiiskii ka dhexeeyey shacabka iyo dawladda. Waxaa kale oo iyaduna jirta in hay’adaha dawladda loo dhiso qaab miisaaman oo ay midba midda kale xoojiso oo qaladka ka qabato. Tusaale ahaan garsoorka ayaa laga soocaa golaha shacabka, golaha wasiirrada ayaa iyaguna ka soocan garsoorka.

Warbaahintu waa tiir muhiim ah oo qayb fiican ka qaadan kara dawlad wanaagga iyo la xisaabtanka dawladda. Waxaa kale oo warbaahinta lagu dumin karaa dawlad dhisan, waxaa lagu abuuri karaa colaad aan demin, waxaa lagu dhalin karaa nabad lagu negaado, waxaana lagu ifin karaa horumarka socda. Weriyaha maanta jooga waxaaba habboon in marka uu shaqada bilaabayo loo dhaariyo sida dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka, waayo weriyaha maanta joogaa waxa uu abuuri karaa xaalad ay ku dhintaan dad ka badan kuwa dhakhtarku dili karo. Taas oo jirta, ayaa haddana waxaa warbaahinta loo maamuli karaa hab lagu muujiyo qaladaadka laga galayo shacabka masaakiinta ah, waxaa lagu tebin karaa gaabiska iyo guulaha dawladda si wixii ay guteenna loogu ammaano wixii u dhimanna loo weydiiyo sababta ay u gudan waayeen.

Aqoonyahan la oran jirey Arnold Toynbee oo daraaseeyey taariikhda madaxdii adduunka soo martay ayaa waxa uu yiri, “Siyaasigu markuu u socdo kursiga wuxuu wataa qorshe uu isbeddel ku samaynayo. Markuu hirgaliyo isbeddelka, haddaanu xukunka wareejin, waxaa ka dhammaada qorshayaashii, markaa haddii la weydiiyo ‘maxaa kuu qorshe ah’ wuxuu ku jawaabaa ‘eega waxqabadkaygii’ oo noloshii la soo dhaafay ayuu ku faanaa oo ku gorgortamaa. Wuxuu gaashaan ka dhigtaa taariikhdiisii. Wuxuu farta ku fiiqaa maalmo la soo dhaafay.”

Siyaasiga sidaas ah haddii uu ku adkaysto xukunka waxaa dhalan kara xasilooni la’aan, waayo ma xallin karo mushkiladaha cusub. Taasna waxaa lagu joojin karaa isla xisaabtanka oo haddii uu og yahay siyaasigu in aanu jagada hayn karin qorshe la’aan, oo shacabku ka sugayaan qorshe lagu maamulo mustaqbalka, waxa uu ku khasbanaanayaa in uu ama qorshe keeno ama qof qorshe wada ku wareejiyo talada.

Dawladnimadu ma aha in siyaasiyiin daraajooyin la siiyo oo markaa wax walba iyaga laga sugo. Dawladnimadu waxa aanay ka maarmi karin in la helo shacab la maamuli karo oo dareensan xaqa uu leeyahay iyo kan lagu leeyahay. Dawladnimadu waa ‘Madaxdooy Adeeg, Shacabkoow Adeec’.

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *