Home / Falanqayn / Sooyaal Cusub ayaa ka samaysmaya Geeska Afrika

Sooyaal Cusub ayaa ka samaysmaya Geeska Afrika

Halkan Soomaalilaan waxa ay dad badani soo celcelin jireen “Itoobiya waa walaalaheen” iyo “Xamar waxa ka dhow Addis Ababa.” In kasta oo aragtidaas lagu kala qaybsanaa, oo la fili karo in dadka qaar u arkayeen in cidayow gaar ihi “awrkooda ku kacsanaysay”, waxa ay haddana u muuqatay ifefaale ah in isbeddel ku soo fool leeyahay Geeska Afrika.

Itoobiya, xilli aan sii fogayn, in kasta oo dhaqaalaheedu xawli layaab leh ku socday, haddana farta ayaa wadnaha lagu hayay. Waxa la isweyddiin jiray: Toloow, Itoobiya miyey ka nabad geli qalalaase iyo burbur la fili karayay in uu ka dhasho gadoodka Oromada?

Haa. Waa ay kolkan ka badbaadday, waxana ay u muuqataa in ay sii karaar gelinayso xaqiijinta himiladeedii ahayd in ay noqoto awood aan la dhayalsan karin oo ka soo dhex mudha Afrika. Erey hadalka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ku soo noqnoqda waxa uu yahay: “regional integration” oo ulajeeddadiisu tahay “qaab ay dalalka jaarka ahi wada galaan heshiisyo xoojinaya iskaashiga, kaas oo keeni kara in hay’adaha iyo shuruucda qaarkood la mideyn karo.” Ereygaas waxa aan ka maqli jiray Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHUN) oo aan filayo in uu rumaysnaa qaab-siyaasadeedkaas. 

Labadii qudbadood ee ay kala jeediyeen Madaweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, oo weliba dadka qaarkood magaciisu ugu dhadhamay magac-Soomaaliga “Caabbi”, waxa ku dhex jiray erayo dabo socda ama sii xoojinaya “walaalowgii” ay bilaabeen reer Soomaalilaan.

Farmaajo waxa uu yidhi: “Waxa aynu wadaagnaa sooyaal, dhaqan, iyo dhiig. Ma jiri doono wax qaybin doona labadeenna dal ee walaalaha ah. Qaddarkeennu (our fate) waa isku sidkan yahay.” Caabbi Axmedna waxa uu yidhi: “Waxa aynu wadaagnaa dhiig, dhaqan, diin iyo sooyaal…”

Itoobiya yoolkeedu waa u cad yahay. Nafhurka iyo tanaasulka ciddii middida daabkeeda haysay ay sameeyeen ee ay ku sadqeeyeen danahii qoowmiyaddooda iyo kuwoodii gaarka ahaa waxa ay muujinaysaa bislaanshiiyo iyo ilbaxnimo. Waxana laga yaabaa in ay go’aannadaas dhiirrashada leh ku sii tamariyaan ugu yaraan ammin ku siman konton gu’. Haddii ay ammintaas la gaadhana ay la iman doonaan hal-abuur cusub oo ay geeddi-socod cusub ugu guuraan hir doog leh.

Haddaba waxa isweyddiin mudan, ma noqon karnaa —Soomaali ahaan— ummad dheellitir ku samayn doonta awooddaas dhaqdhaqaajinaysa muruqeedii dhaqaale, millateri, iyo siyaasadeed? Mise waxa aynu ka dhammaan waayi murannada, ismaandhaafyada, iyo islahadhka joogtada ah ee aan cidina cid kale wax u oggolayn, ka dibna noqon doonnaa bulsho aan miisaan lahayn oo ku dul wareegta falagga Itoobiya? Meesha ugu halista badanina waxa ay tahay in aynnu noqonno Kilillo cusub! Walaaltinnimadii Carbeed ee Badda ka tallowsanayd, ma laga yaabaa in ay noqoto mid uu beddelay mid isbahaysigan samaysmi raba dhinac uga soo wada jeestaan ilaalinta danahooda iyo kheyraadkooda?

Check Also

Kalatagga Itoobiya

Inta badan, dhulalka iyo ummaduhuba waxay ku midoobaan qori caaraddii. Marar aan badnaynna ayagoo israba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *