Home / Suugaan / Doollo iyo Hoygasuugaanta

Doollo iyo Hoygasuugaanta

Mar ay taariikhdu ahayd bartamihii 2000, ayaa waxaa jirey dagaal gabayo ka la sheegasho iyo ka beensheegid taariikheed oo ka dhexeeyey labada degel ee Doollo.com iyo Hoygasuugaanta.com. Waxa uu midiba kan kale ku eedaynayey in uu sheegtay gabayo nin reerkooda ahi lahaa. Maadaama aan maansada jeclahay, labada degelba waxa ay ii ahaayeen kuwo aan joogto u booqdo, sidaa darteed dhaqdhaqaaqooda xurgufeed aad baan ula socdey.

Qolada Hoygasuugaantu waxa ay meeshooda ku daabaceen maqaal ay u bixiyeen: “Dhoohnaanta Dhoodaan.” Waxa ay ku eedaynayeen in uu Dhoodaan gabayo niman reerkooda ahi lahaayeen ku magcaabay kuwo reerkiisa ah oo weliba meerisyo uu isagu allifey inta ku dhex daray ku sheegay in ay gabayo xaafaddooda laga tiriyey ka mid ahaayeen. Haddii aan been iska dhawro, eedayntoodaas wax baa ka jirey marka aan kaashado garashayda iyo lahaanshaha gabayada ee aan hore u hayey. Tusaale haddii aan soo qaato, gabaygii Salaan ee ay ku jireen “haddaad dhimato geeridu mar beyu nolosha dhaantaaye” waxa uu duubay in uu tiriyey nin Bidhiidh la oran jirey oo degaankooda ah. Waxaa kale oo uu gabyaa reerkooda ah siiyey gabayga Calidhuux loo yaqaan oo ay ku jireen, “weyshaan u xiray reer Subeer wiil u fura waaye.”

Kolkaa ayey Hoygasuugaantu iyaga oo ka ficil qaadanaya tallaabooyinka ay Dhoodaan ku eedeeyeen, waxa ay si bareer ah degelkooda ugu soo qoreen in ay iyaguna arrintaba dhabqinayaan oo gabayo dad kale tiriyey siin doonaan gabyaa reerkooda ah. Gabayada ugu badan oo ay boolyeen waxaa iska lahaa Raage Ugaas, waxa ayna siiyeen Muxummud Liibaan Jadeer oo ay isku xilli ahaayeen. (Maalin dhoweyd oo Idaajaa Hargeysa tegey ayaan arkay wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Hargeysa oo Idaajaa ku eedaynaya in uu gabayo awowgiis Ina Jadeer lahaa siiyey Raage Ugaas. Dabcan wiilka yari markuu kacaamayey ayuu akhristay HoygaSuugaanta ama warkoodii oo faafay baa soo gaarey, kolkaas ayuu run u qaatay arrin iyo gabayo si ulakac ah loo boolyey, waase gartiis oo isagu markii wax la xumaynayey goobjoog ma uusan ahayn,… sidayda.)

Gabayada uu Hoygasuugaantu boolyey – iyaga oo Doollo.com ku xumaynaya ama ka falcelinaya – waxaa ka mid ahaa: meeriska ah “rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye” oo uu Calidhuux lahaa ayse siiyeen Faarax-Laanjeer. Markii ugu horraysey oo ay meeriska boolyayeen waxay u qoreen sida tan: rag caddaalad waa sidii cawshu diriraaye – Laanjeer. Kolkii aan arkay, anigoo dareensan in ay meeriska boolyayaan ayaan waxaan is iri maxay si toos ah ugu qaadan waayeen oo ay meeris candadawlan oo aan sida kii asalka ahaa micne weyn u lahayn meesha ugu soo qoreen? Show qorshahoodu wuxuu ahaa in ay bal marka hore meeriska meel labada xaafadood u dhexaysa dhigaan oo muddo u daayaan, dabadeed mar dambe guryo geeyaan. Meeriskii aakhirkii waxaa lagu dhex daray gabay uu Laanjeer lahaa oo waxaa lagu kakabiyey meel uu macnaha gabayga la jaanqaadi karo oo aan laga garaneyn in uu soogalooti ku yahay gabayga.

Aw Jaamac Cumar Ciise buug uu qoray horraankii 90aadkii oo la yiraahdo “Qaranjabkii Soomaaliya” ayuu ku qoran yahay gabayga Calidhuux oo meerisku ku jiraa iyo weliba gabaygii Sayidka ee uu ka jawaabayey. Waxay ahaayeen sida tan:

Iga carare nimankaan lahaa waa cad kaa baxaye
Cududaha ka jaba oo Ilaah idin ma caynaansho – Sayidkii.

Jawaabtii Cali-Dhuuxna waxaa ka mid ahaa:

Rag caddaalad waayaa sidii cawsha ka la yaacye
Haddii cayaayir lagu laynayoo coodki laga qaaday
Miyuu ciidmayaa awgayow cararye maad deysid
Colkaba Hiirad baa kuu garwada waana cadowgaaye
Cabbanidaa wadaadkoow maxaa kaa calaacaliyey?

Aw Jaamac Cumar Ciise runtii ma filayo in uu gabayo rag lahaayeen rag kale siiyey, maxaa yeelay, waxa uu ahaa nin naftiisa qaddarin u haya oo aan magaciisa u xumayneyn maanso ama meerisyo uu nin reerkooda ah u boolyey. Gabaygii Salaan oo qaybtiis ay dadka qaar ku sheegaan Cali-Dhuux, ayna ka mid ahaayeen “Haddaad dhimato geeridu mar bey nolosha dhaantaaye” isaga ayaa caddeeyey in Salaan lahaa. Markaas uu Salaan gabaygiisa u qiray dadka Salaan degaankiisa ka soo jeedaa waxa ay dareemayaan in Aw Jaamac yahay nin ammaanada xafida oo aan wax isdaba marin. Laakiin marka uu sheego in meeriska “rag caddaalad waayaa…” uu Cali-Dhuux lahaa, isla dadkii uu Aw-gu la fiicnaa ayaa dhegaha ka furaysanaya oo Laanjeerkooda iska la si dhuuhaynaya, kuwa ugu roonina waxa ay iska dhigaan kuwo wardi raatib ah haysta oo arrinta kama hadlaan.

Sideedaba maadaama maansooyinka aan la qori jirin, waxaa jira kuwo si daacadnimo ah u khaldama oo ay keento qoris la’aantu. Waxaase mushkilad ah kuwa si ulakac ah loo boolyey,dabadeedna beentaas yaryarkii ku indhadillaacsaday aan laga fujin karayn in waxa loo sheegay ay khalad ahaayeen.

Haddaba, sidee loo xallin karaa gabayada la isku haysto, sababtu ama xumayn ha ahaato ama khalad dabiici ah ha ahaatee? Ma ku habboon tahay in dad loo fariisiyo daacad ah oo kala hufa sheegashooyinka si ay u galaan diiwaannada taariikhda iyaga oo la isla oggol yahay cidda tirisay?

Check Also

Baaq

Nageeyoow abwaan buuxa oo loo bogaad tahaye Barakaale boqoliyo haldoor beel hagaa tahaye Isir bile …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *