Home / Amni / Khatarta uu leeyahay heshiiska Itoobiya lala galay

Khatarta uu leeyahay heshiiska Itoobiya lala galay

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu ku noqday dalkiisa booqashada Muqdisho ka dib wuxuu u warramay Tvga dalkaasi Itoobiya wuxuuna sheegay qorshaha ay doonayaan in uu yahay sidii marka ugu danbaysa ay shucuubta Geeska Afrika u midoobi lahaayeen oo ay u noqon lahaayeen hal dal. Hadalladiisana waxaa ka mid ahaa:

“Booqashadii maalinta badhkeeda ahayd ee aan ku tagay Muqdisho, waxaan kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Afhayeenka, iyo dhammaan Golaha Wasiirrada, kulankaas oo ku saabsanaa wadahadal iyo xidhiidhka labada dal.

Sidoo kale waxaan ka wada hadalnay sidii aan u samayn lahayn isdhexgal dhaqaale ugu dambayntana aan u midoobi lahayn. Soomaaliya waxay leedahay dekado badan dekadahaasna hal markab kuma isticmaasho innaguna waxaan nahay dal aan dekad lahayn.

Tusaale nin wax bartay oo aysan aqoontii wax u tarin oo aan wax akhrinaynin iyo nin aan wax baran waa isku mid. Iyagu dekadihii ayey leeyihiin mana ka faa’iideystaan, innaguna dekad la’aan ayaynu nahay marka ma aha inaan halkan joogno ee waa inaan sida Mareykanka ama EU dalka Imaaraatka oo kale mid noqonaa. Dadka Bariga Afrika waa badhka dadka Mareykan. Halka ugu dambaysa oo aan higsanayno waa sidii Bariga Afrika ku noqon lahaa hal dal.” Ayuu yidhi Abiy Axmed.

Hadalkan Ra’iisal Wasaare Abiy wuxuu dabo socdaa labo hadal oo isaga ka horreeyey. Mid waxaa hore u yidhi Xuseen Caydiid oo soo qaaday sidii Geeska Afrika hal dal looga dhigi lahaa xilligaas Xuseen Caydiid wuxuu la kulmay weerar dhinac walba ah. Waxaa isaguna muxaadaro uu ka jeediyey Israa‘iil ka sheegay in Geeska Afrika looga baahan yahay hal dal, dalkaas oo Itoobiya ah ninka lagu magacaabo Anwar al-Cishqi oo ah Janaraal Sucuudiya oo ah lataliyaha Boqorka Sucuudiga, qorshuhuna wuxuu ahaa dood ku saabsanayd qaabka cusub ee Bariga Dhexe, waxaanay dooddaas ku soo gabagabeeyeen in dawlado kooban ay noqon karaan kuwa sii jiri kara, Sida Turkiga, Sucuudiga, Iiraan, Masar, iyo Itoobiya, dalalka hadda jira ee u dhowna lagu kala daro.

Arrinta ugu werwerka badan ee soo food saartay qawmiyadda Soomaalida ayaa waxay tahay iyaga oo aan xilligan lugaha ku taagnayn oo dawladdii ay lahaayeen ee kaliyana dhaawac weyn la tiicayso ayaa waxaa bilaabmay loollan ganacsi oo baaxad weyn oo u dhexeeya dalal badan oo dillaaliin iyo wax soo saareba leh, iyo dawladaha Afrikada Bari iyo badhtamaha oo koboc bulsheed iyo mid dhaqaaleba yeeshay, loollankaas oo u dhexeeya kan ugu xoogga weyni Shiinaha iyo Imaaraadka oo dalal badanna la kala safan yihiin ayaa waxay sababtay in dalkan bukaan jiifka ah ee Soomaaliya mar kaliya uu noqday hilib wadhan oo aan marnaba laga jeesan karin sidii loo dafi lahaa.

Tirada dadka ee sii kordhaysa waxay sababtay in maalgashi lagu sameeyo Itoobiya, gaar ahaan dalalka Shiinaha iyo Turkiga, Imaaraadkuna wuxuu ogaaday in dekedahaas Soomaaliya ee baylahda ah cidii gacanta ku dhigtaa ay raad weyn ku yeelan doonto ganacsigaas kobcaya ee Geeska Afrika ka hanaqaadaya. Loollanka ugu weynna maanta ka taagan yahay dalka Soomaaliya. Itoobiyana isu diyaarinayso sidii ay dekadahaas boobka ka socda uga qayb gali lahayd una qalab qaadatay sidii ay ciidan badda ah u samaysan lahayd.

Soomaaliya iyada oo xaaladdan ku jirta ma gali karto heshiisyo sannado dhaadheer qaata, heshiiska ugu yar wuxuu socon karaa 30 sano, ilaa 100 sano, wayna adag tahay in dawlad hay’adaheedii oo dhami aanay hanaqaadin oo aan lahayn nidaamkii dawlad lagu yaqannay, sida ciidan difaaci kara dalka kaas oo isugu jira mid cir, bad iyo barri oo haddii Soomaaliya heshiiskaas ka baxdo ay isku hallayn karto. Waddaniyadii bulshada Soomaaliyeed oo aad xilligan u hoosaysa oo aan iska difaaci karin qawmiyadaha kale iyo arrimo badan oo kale ma dhiirigalin karaan heshiisyada noocan oo kale ah.

Intaa waxaa sii dheer heshiisyada maalgashiga oo shuruudo ad-adag wata, Jabuuti ayaa markay xamili kari weyday ka baxday heshiiskii DPWorld, haddii heshiiskaas ay hore ula saxeexan lahayd Itoobiya siday ugu dhiirratay in ay DPWorld u erido ugumay dhiirrateen ciidammo Itoobiya ayaa la soo dul dhigi lahaa, sidoo kale heshiiska DPWorld ay la gashay Dekadda Berbera wuxuu ka kooban yahay 4000 (afar kun) oo bog, waxa jira shuruudo aan ilaa hadda la ogeyn waxa kaliya oo hadda la og yahay in aan dekado kale la dhisi karin, taas macnaheedu waa in ay wax walba gacanta ku dhigaan.

Xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya xilligan awgood in Soomaaliya lagu tuuro laabta Itoobiya wax laga filayey dawlada “Nabad Iyo Nolol” ma aha, waan baahanahayna looma bahalo cuno, waxaana waajib waddaniyeed ah in aan Itoobiya laga oggolaan maalgashi ay ku samayso dekadaha Soomaaliya. Hasa yeeshee ,mustaqbalka alaabadu uga soo degi karto cashuurtana iska bixiyaan, waxaase muuqata in dilaalnimo xoogweyni socoto.

Heshiisyada Itoobiya lala galo khatartooda waxaad ku ogaana kartaa dhiibitaankii Qalbi-Dhagax waxay xukuumaddan maanta joogtaa isku difaacday in uu jiray heshiis lagu saxeexay Jigjiga oo xildhibaan iyo wasiirro dawlo ku saxeexeen magaalada Jigjiga, isla markaana heshiiskaas aan meelna lagu ansaxin. Maxaad u malayn heshiis baaxad weyn oo dekado iyo dhul ku saabsan oo labo hoggaamiye saxeexeen, baarlamaannaduna ansixiyaan oo tobonnaan sano soconaya. Itoobiya dhulkii hore in mid kale loogu daro bulshada Soomaaliyeed ma qaadi karto.

Maanta heshiiska Itoobiya lala galay waxaa Soomaaliya uga wanaagsanaan lahayd iyada oo DPWorld lala galo, Imaaraadkana heshiis dhow lala yeesho, si berri haddii lays qabto aanay saamayn khatarteeda leh kuugu yeelan.

Check Also

Kalatagga Itoobiya

Inta badan, dhulalka iyo ummaduhuba waxay ku midoobaan qori caaraddii. Marar aan badnaynna ayagoo israba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *