Home / Caafimaad / Kansarka hunguri-mareenka oo ku soo badanaya Soomaaliya
© Samir CC BY-SA 3.0

Kansarka hunguri-mareenka oo ku soo badanaya Soomaaliya

Bukaannadda qaba kansarka ku dhaca hunguri-mareenka, ayaa si aad ah ugu soo badanaya dalka, sida ay tilmaamayso daraasad ay laga sameeyey cusbitaalka Turkida ee Muqdisho (Somalia-Turkey Education and Research Hospital, Mogadishu, Somalia), laguna faafiyey wargeyska Seminars in Oncology.

Kansarkan oo ku dhaca hunguri-mareenka, afka qalaadna lagu yiraahdo “Eosophageal Cancer”  wuxuu ku billowdaa buro yar oo ka soo baxda hunguriga, taas oo marba marka ka dambaysa weynaata ilaa ay xirto marinka hunguriga, waxayna badanaa ku dhacdaa qaybta hoose ee hunguriga.

Qofka xanuunkan qabaa wuxuu badanaa isbitaalka yimaaddaa marka wax liqiddu ciriiri ku noqoto, taas oo ah xaalad culus, balse, ka hor wuxuu isku arkaa: miisaanka oo dhaca, liqidda oo dhib ku noqota, codka oo xabeeb yeesha, qufac, iyo xabbad xanuun.

Ujeeddada daraasaddan loo sameeyay waxay ahayd, in la ogaado xaddiga iyo baahsanaanta bukaannada qaba noocyada kala duwan ee kansarka. Daraasaddan ayaa waxaa ka qaybgalay 403 bukaan oo qaba kansarka kuna sugan dalka, iyada oo la sameeyay muddada u dhexaysay bishii Jannaayo (Janawari) 2016’kii iyo Maarso (Maaj) 2017’kii, iyada oo la eegayo xogta ku saabsan: nooca kansarka, da’da bukaanka, iyo jinsiga.

403’da bukaan, dumarka tiradoodu waxay ahayd 200, halka ragguna yihiin 203. Da’da bukaannadu waxay u dhexaysay 18 ilaa 97 sano, celceliska da’duna waxay ahayd 53.4 sano.

Dhinaca kale, daraasaddan ayaa soo bandhigtay natiijadda tobanka nooc ee kansarka ugu badan, kuwaaso ku dhaca bulshadeenna. kansarka ku dhaca hunguri mareenka ayaa noqday nooca ugu badan ee ku dhaca bulshadeenna (130 bukaan), halka kansarka beerka (26 bukaan), naaska (24 bukaan) maqaarka (17 bukaan), qanjirka cunaha (13 bukaan),  maskaxda (12 bukaan), lafaha (11 bukaan), mindhicirka iyo maroorka (11 bukaan), iyo nudaha jilicsan (11 bukaan).

Khubarada sameeyey daraasaddan, ma aysan sheegin sabab cilmiyaysan oo ku wajahan badnaashaha kansarka ku dhaca hunguri-mareenka, in kasto oo ay carrabaabeen, in loo baahan yahay cilmi-baaris dhab ah, oo lagu ogaanaayo waxyaabaha sababa kansarka ku dhaca hunguri mareenka.

Kansarka ku dhaca hunguri mareenka waxaa loo arkaa, walaac ka soo shaac baxaysa Soomaaliya, marka lala barbardhigo noocyada kale ee kansarka. Habka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo ayaa ah, in marka isku aragto, in cunnadu ku dhibayso ama cadaadis xagga hunguri mareenka aad ka dareento, in aad dhakhtar si dhakhso ah u la xiriirto.

Waxyaabaha loo malayn karo, in kansarkaan ka qeybqaataan waxaa ka mid ah; wax kasta oo dhaawac gaarsiin kara hunguriga, sida: cabbidda khamriga, laab jeexa joogtada ah, cabbidda waxyaalaha kulkulul, sida: shaaha, cunidda miraha iyo cagaarka oo la yaraysto, gaas calooleedka, sigaarka, iyo raajo isa saaridda feeraha oo la joogteeyo.

Halkaas ka akhriso maqaalka daraasadda:-

https://www.seminoncol.org/article/S0093-7754(17)30031-3/fulltext

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *