Home / Aragti / Ma dad dhoohan baa nahay?
Aan is ixtiraamno oo aan samaysanno iskaashi iyo xidhiidh ganacsi. 

Ma dad dhoohan baa nahay?

In arrinta taagan ee buuqa badan dhalisay uu Madaxweynuhu waraysi dheer dhexda u galiyo oo dhawr daqiiqadood la siiyo waxay muujinaysaa sida uusan Madaxweynuhu waxba isaga tirinayn dareenka shacabka ee uu isu arko Mahdi loo soo diray oo barwaaqo u jiidaya iyaguna ay ku khaldan yihiin in aysan “waayahay”-da iyo ammaanta Madaxweynaha badin.

Xalay waxaynu aragnay Madaxweyne Farmaajihii diidi jirey in diyaarad loo kireeyo, oo toshay bulbulshii lagu yaqaannay ragga ammaanta iyo madax salaaxa laga badiyo. Durba waa kaas aan innala hadlayne innaga dul hadlaya (talking AT us not TO us). Waxaan sugnaaba waa “Man antum!“. Ninkii tawaaduca badnaa inuu sidaa u hadlo isaga oo aan Muqdisho ka wada talin, shacabkaa gaadhsiiyey, iyagaana midhaheeda qadhaadh guran doona.

Itoobiya heshiis maalgashi baan la galnay dhaqaalena ma haystaan annaguna ma haysanno, miyeysan ahayn labo qaawan isma qaaddo! Sow macnaheedu ma aha waa albaab kale oo Imaaraadkii laga soo galinayo, oo halkay Itoobiya markii hore 19% Berbera ka heleen ay hadda saami ka weyn ku yeelanayaan afar dekadood?

Tartan baa Kenya iyo Suudaan nagu la jiraan waxaan u fahmay in Abi Axmed u sheegay maadaama uu dalwadahaa soo maray oo uu uga dan leeyahay ruxruxasho iyo gorgortan waana ay u shaqaysay oo waa taa aynu masayrkii afar dekedood ku dhiibnay afar saacadood gudahood. Ma annagaa Suudaan iyo Kiinyaati nala tartami karaan! Alla hayaay maxaa wax la ismooday. War afartanba qaado annagaa Ilaahay ku hadhaynee.

Madaxweynuhu wixii lagu xaman jirey iyo wax ka badan buu innoo xaqiijiyey. Waxaase cad in uusan ahayn Iftiinkii Waaberi ee ay ummadda Soomaaliyeed sugaysay ka dib habeen dheer oo mugdi badan. Kartidii iyo garashadii looga fadhiyeyna waa lagu hungoobay.

Hadalladii Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa:

“Xaqiiqatan waxaan ka arkay… Prime Ministerku weji fiican oo uu u arko Soomaaliya inaan soo gaadhnay meel aan iyaga wax tari karno, iyaguna ay wax na tari karaan. Markaa taasaa waxay keentay Soomaaliya waxaan offer-garayn karno… maxaan dhaqaalahooda ku kordhin karnaa? Waa dekedo. Dekedahaasna annagu dhaqaale uma haysanno iyaguna dhaqaale uma haystaan ay ku dhistaan….”

“…Inaan noqonno dal istaraatiijiggiisa ka faa’iidaysan kara oo uga faa’iidayn kara deriskooda…”

Dhib kasta oo ay soo martay iyo si kastoo ay u taag darrayd, ummadda Soomaaliyeed mabda’ bay ka taagnayd cadowga Xabashiyeed. Laakiin madaxweynuhu wuxuu u heellan yahay halganna ugu jiraa sidii uu u bakhtiin lahaa intaa yar ee dadnimadeennii ka sii nool–waana inta la innagu mari la’aa 30 sano oo aynu burbursanayn. Hub ka dhigistii ugu khatarsanayd weeyaan. Madaxweynuhu yeydii buu xariir u xidhayaa ka dibna rabaa in uu adhiga innoo raaciyo, laakiin waxa uu baraarugi doonaa marka ay dabeecaddeedii la soo baxdo illeen doofaar ma daahiree.

Madaxweynuhu arrintii midaynta labada dal waxba kama uusan odhan. Ma uusan beenayn hadalkii RW Abi Axmed. Waana labo mid: in ay jirto oo uu ka leexanayo iyo in aysan jirin laakiin uusan dareensanayn ahmiyaddeedaba oo uusan u arkin wax mudan in laga hadlo. Weligood bay Xabashi dhulkeenna sheeganayeen. Menelik baa sheegtay dhulkeenna. Melez baa laga hayaa waanu midoobaynaa. Kii ku xigay ee Hailamariam baa laga hayaa aanu midowno. Kan immika jooganaa waa kaas hadlay. Jeneraalkii Sucuudiga ahaa ee hadlayey waad maqasheen in Geeska Afrika lagu mideeyo hoggaamin Itoobiya ah.

Wax baa i leh qorshanba Villa Somalia ayaa lahayd ujeedkuna wuxuu ahaa in maamul goboleeddada ay ku xakameeyaan kuna wiiqaan, oo iyadaa casuuntay Abi, waxaadna mooddaa in waxan hore loo diyaariyey oo la hor dhigay, isna waa kii farxaddii is-hayn waayey ee yidhi labadaba dal baan isku daraynaaba!

Labo maalmood ka dibna wasiirro Puntland ka tirsan baa Adis Ababa aaday!

Itoobiya dedaal dheer bay u gashay inay Soomaali taladooda gacanta ku dhigto. Askarteedii baa dalka jooga. Xafiisyo ayay ku leedahay maagalooyinka waaweyn ee dalka. Madaxda maamul goboleedyadana iyadaa Kacbadii u ah, amarkeeda ayaana ka weyn midka Xamar. Ma aha dawlad shalay dhalatay ama hal nin jeebkiisa ku jirta e, waa imbaraadooriyad soojireen ah oo meelo fog ku abtirsata, han sare iyo higsi fogna leh. Wixii ay muddo dheer ku taamaysay oo ay midhihiisi guranayso, uma kala daadinayso quud aan jirin oo Farmaajo u ballanqaaday, laakiin waxaa u caddaatay inay meel dhow ka fekeraysay oo wixii ay qorshaysatay wax ka badan loo oggol yahay. Weel yar bayba Alle ku baryayeen!

Tiisaba daryeelaa tu kale ku daree, ninka bangigiisu haawanayo ee aan 3 bilyan loogu yaboohayaa xaguu maalgashiga ka keenayaa? Haddii Imaaraad aynu ku diidnay qarannimadeenna ayuu faragalin ku hayaa, ma cid baa ka faragalin iyo hagardaamo badan Itoobiya? Sow lama odhan ushaada nimaad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa? Milyan Imaaraad ah oo casiir ka dhergay oo masaafo dheer innoo jira, iyo 100 milyan oo dhinaceenna jooga, dhexdeenna jooga, dalka si dadban u maamula, 700 oo sanana uu dagaal innaga dhexeeyey oo higsigoodu yahay siday innoo gumeysan lahayeen, kee bay ahayd inaan wax u dhiibanno waxna ku darsanno?

Ilmo yar oo cunto barad ah iyo qawsaar gaajaysan ninka bariis kulul meel ugu wada ridaya ee ku dacwoonaya “social integration” muxuu uga jeedaa?

Economic integration with a more dominant partner is a quick road to political subjugation and indirect colonisation, to say the least.

Abi Axmad waxa uu marar badan ka hadlay maraakiibtooda iyo baddeenna. Waxa uuna dhisayaa ciidan badeed. Dadka ku dacwoonaya heshiis lama galine waa is-afgarad uu, waxaan leeyahay ereyada saaxiibkay Cabdiraxmaan Axmed: “War Akhyaareed iyo is afgarad saw waxa [b]addeena ICJ geeyey ma ahan?”

Soomaali aafadeedu waxay ku jirtaa:

“Haddii ay jirto aafo qur ah oo qarankii Soomaaliya la degtay, waa takrifalka awoodeed ee siyaasiyiin dammiir xilkasnimo ka arradan. Nasiibdarro, xadgudubkoodaa xargaha goostay waxaa si cad u sii dhiirrigeliya bulsho aan innaba baraarugsanayn oo u sacabbatumaysa.” Ismaaciil Cali Ismaaciil, Governance, b.195.

Shalay iyo maanta

Intii u dhexaysay 1884-1886 bay odayaal sida Madaxweynaha daacad u ahi aamineen sheegashadii Ingiriis ee waanu idin ilaalinaynaa xidhiidh ganacsina waanu idin la samaynaynaa. Wixii xigayna waa la ogaa. Waxaan shaki ku jirin in doodda maanta socota mid la mid lagu difaaci lahaa berigaa! Maalgashi, horumarin, wada-shaqayn,…

Heshiiskii ay odayaashu Ingiriiska la galeen ee gumeysiga u xuubsiibtay waxaa mid walba ku jiray qodob si cad ula xidhiidha dekadaheenna iyo maraakiibta Ingiriiska:

1884

ART. II. All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within the territories of the Gadabursi tribe.

ART. II. All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within the territories of the Eesa tribe.

ART. II. All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within the territories of the Habr Toljaala, and the tribe is bound to render assistance to any vessel, whether British or belonging to any other nation, that may be wrecked on the above-mentioned shores, and to protect the crew, the passengers, and cargo of such vessels, giving speedy intimation to the Resident at Aden of the circumstances, for which act of friendship and good-will a suitable reward will be given by the British Government.

ART. II. All vessels under the British flag shall have free permission to trade at the ports of Berbera, Bulhar, and other places in the territories of the Habr-Awal tribe.

1885

ART. II. All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within the territories of the Habr Gerhajis, and the tribe is bound to render assistance to any vessel, whether British or belonging to any other nation, that may be wrecked on the above-mentioned shores, and to protect the crew, the passengers, and cargo of such vessels, giving speedy intimation to the Resident at Aden of the circumstances, for which act of friendship and good-will a suitable reward will be given by the British Government.

1886

III. The Warsnagali ere bound to render assistance to any vessel, whether British or belonging to any other nation, that may be wrecked on the shores under their jurisdiction and control, and to protect the crew, passengers, and cargo of such vessels, giving speedy intimation to the Resident at Aden of the circumstances; for which act of friendship and good-will a suitable reward will be given by the British Government.

Dhoodaan AHUN waxa uu yidhi:

Ujeedada dhankii loo wadee, layska dhaadhiciyey

Inta dhinac marsani waa kuwaan, garasho dheereyne

Caqligay ka dhaawacan yihiin, waana shay dhab ahe

Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo’e

Haddaan eegno dhuunyaalihiyo, anigan Dhoodaana

Billow aadmigii aan u dhashaan, yara ku dhaamaaye

Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo, igaga dheereeye

Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

Ee uu dundumada uga dhigay, amuu u dheeraystay

Waa jidhacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye

Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin

Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto

Dhirif iyo cabaad sida runta ah, kaama dhiciyaane

Dharbaaxadu intay kaa fogtee, soo dhabbacanayso

Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye

Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye

Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacamo waaweyne

Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa

Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline

Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye

Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

Dhoodaan- Dhugasho

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *