Home / Caafimaad / Waa maxay Xummadda Dooxada Rift?

Waa maxay Xummadda Dooxada Rift?

Sannadahan danbe waxa aan warbaahinta ka maqalnaa xoolaha Soomaalida oo laga soo celiyo Sucuudiga iyada oo lagu sheegayo inay qabaan cudurka Xummadda Dooxada Rift (Rift Valley Fever), taas oo bulshada Soomaalida ku keenta dhibaato dhaqaale. Haddaba waa maxay cudurkani? Maxaa sababa? Maxay yihiin calaamadaha lagu garto iyo kahortaggiisa?

Waa maxay Xummadda Dooxada Rift (Rift Valley Fever (RVF))

RVF waa cudur ku dhaca xoolaha iyo dadka, waxaana lagu arkaa dhulka Jasiiradda Carabta iyo waddammada Afrika ee saxaraha ka hooseya. Waxaa sababa fayraska loo yaqaanno RVF virus oo ka tirsan duulka (genus) Phlebovirus. Kaneecada ayaa ka mid waxyaalaha qaadsiiya xoolaha. Cudurkan waxa uu sababaa dhimashada xoolaha iyo in ay ilmuhu ka so dhacaan. Markii ugu horraysay waxaa laga helay xoolo ku dhaqnaa Dooxada Rift ee Kiiniya sannadkii 1910’kii.

Calaamadaha lagu garto

Xoolaha qaba caabuqan ayaa lagu arkaa qandho xad-dhaaf ah iyo diif. Waxaraha iyo naylaha uu ku dhaco caabuqan ayaa ku dhinta 36 saacadood gudahood. Sidaa oo kale xoolaha qaba caabuqan ayaa lagu arkaa xummad, illin, diif, majiirasho, matag, saxaro dhiig leh, iyo ilmo soo ridid. 

Kahortaga iyo xakamaynta caabuqa

Waxaa lagaga hortagi karaa in la tallaalo xoolaha, in xoolaha socodkooda la xakameeyo, iyo in laga daweeyo degaanka kaneecoyinka faafiya cudurkan. Degaannada uu ka jiro cudurkan marka xoolaha laga dhoofinayo waa in xoolaha 30 maalmood la galiyaa karantiin, halkaasna lagu baaraa maalin walba, ka dibna xoolaha aan lagu arkin tilmaamaha cudurka halkaa laga sii dhoofiyaa.

 

Akhris dheeraad ah

https://www.cdc.gov/vhf/rvf/index.html

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *