Home / Maanso / Baraarug

Baraarug

Cumaroow haldoor buuxa iyo baarri baad tahaye,

Baydariga aan waaban iyo buunibaad tahaye,

Nin Banaadir joogaan ihiyo xeebihii bariye,

Bulshadiyo dadkaygii hadduu Mawle kugu beego,

Inta aad bariidiyo salaan bilicsan gaadhsiiso,

Baydkaan ku sii faro u gee waan balamaynaaye,

 

Taariikhda baal qudha haddaan baro ka soo qaato,

Boqolaal sanoo hore haddaan soo guntima baadho,

Soomaalidu buruud bay lahayd baawar iyo xooge,

Bulsho kaliya iyo bay ahayd beelo wada yaale,

Boqoriyo Suldaamay lahayd xeerar loo bogaye,

Dalkeenoo barwaaqo ah markii layna kala boobay,

Baarliin heshiiskii la galay aramiduu beeray,

Gumaystuhu halaaguu nabaday bixisaduu gaystay,

Baaruud nin qaatiyo nin hadal ula badheedhaaba,

Waa tii balaayadu dhacdiyo baaska ololaaye,

“Maandeeq” bilaash laguma helin beecna haw filine,

Boqolaal halyaybaa u go’ay loona baaba’aye,

Lixdankii Buluugleey markii beerta laga taagay,

Bulshadoo walaalo ah dadkoo baal u wada jeeda,

Waa tii midnimo loo balamay bari samaadkiiye,

Taasiba bushaaray ahayd “Beder” sideediiye!

 

Taariikhda baal kale haddaan baro ka soo qaato,

Runta lagama badhee xaqqaa laga badheedhaaye,

Midnimadu bilaash may ahayn labada baaloode,

Hadaf buuxa iyo bay lahayd beydin gooni ahe,

Niman uu shisheeyuhu bokhraday balag na loo saarye,

Bari iyo wixii Mudug ka dhacay amase Boosaaso,

Burco iyo Hargeysaad ogtahay barakacoodiiye,

Baadidii maqnayd kaan u diray baaqigii dumiye!

 

Bartay maanta taalaana waa boqon go’eediiye,

Booraamo hadimuu ku dhacay hadafkii buurnaaye,

Barakaca sokeeyaha birtiyo baaqan dami waayay,

Dhulkan bololay daarahan burburay holoca baaruuda,

Bililiqadan baahdiyo dhaciyo xaajo bidixaynta,

Han bilaash ah buuqiyo mushxarad sheeko baraleeyda,

Isu bogida faan been ah iyo ballo la haasawga,

Boqno goynta gaaladu wadiyo bili la’aanteena,

Dhulkeenaa la baayacay baddoo horeba loo boobay,

Baxsanoow dalkeenii warmahan beerka kaga taagan,

Hooyadan baroortiyo ilmada baahidu u dheertay,

Baradaad istaagtaba dhulkaa cadawgu boobaayo,

Nin buruudli waa yaabanyiyo kii baraad lihiye,

Waa waxa bukaanka iga dhigay ciilkan biirsamaye,

 

“Ma beenbaa” in Soomaalinimo maanta laga baydhay?

“Ma beenbaa” in xeebaha badhkood beec la kala siistay?

“Ma beenbaa” in qarankii burburay nacaku boobaayo?

“Ma beenbaa” in Baydhaba Tigray bases laga siiyay?

AMISOM “Ma beenbaa” in ay dhaqankii baabiisay?

 

Tusaaluhu bilaash maaha iyo sheeko baraleeye,

Barriiriyo wixii Xamar ka dhacay laysku sii baraye,

Haddaad “Xalane” soo bookhataad bogan lahayd taase,

Anuunbaa Bulaaliyo Wardheer baafiyoon heline,

Burji malaha Soomaalidaa beledka joogtaaye,

Waa qaran bukoodoon dawiyo baano loo heline,

Ficil iyo haddaan lagu balamin dil iyo baaruuda,

Wallee hadal bilaashaan xornimo Biixiyoow dhaline!

Bulshayahay adaan kuu furfuray beydka maansada’e,

Intay beelo iyo beelo tahay laysna bixinaynin,

Gobannimo in aad beegsataan waa bar kuma taale,

Hadaydaan Baraarugin dalkaba waan u baqayaaye,

Is banbaani Soomaaliyeey bixiso waa yaabe!

 

Cabdi Samataroow qaran burburay beelo kala guuray,

Waxba yaanan boogtiyo nabraha baac u sii qodine,

Runta lagama badhee xaqqaa laga badheedhaaye,

Boqol sano haday gaadho oo baaqi lagu yeesho,

Haddii Buur la saariyo haddii Booyad lala raaco,

Haddii fule bariiqdiyo hadduu geesi baqan waayo,

Haddii samirku baaxaadegoo barasho iimawdo,

Nabaradu haddii ay bataan baanna lala waayo,

Balaayadu haday raagto oo laga bogsoon waayo,

Boqol calan haday yeelatoo laysu bixi waayo,

Ummadaydu in ay baaba’daa waa bar kuma taale,

Burco iyo Cadaadliyo Sanaag Boocamiyo Tuuyo,

Beledweyn Bulaaliyo Xalxalis Booramiyo Faafan,

Xeebaha Baraawiyo Nugaal tan iyo Boosaaso,

Badda xeeligeediyo Jigjiga amase Buuhoodle,

Bixin-duule Beer iyo Af-madaw Baaray iyo Qoyta,

Baki iyo ilaa Buur-xakaba tan iyo Baar-dheere,

Beled-xaawo buuraha Qandala’ guriga Buu’aale,

Balcad iyo Awaariyo Daroor amase Boon-dheere,

Baydhaba Bardaale Guracan tan iyo Buur-dhuubo,

Banaanada Wajaaliyo Af-meer Badhan intaa taala,

Waa bushaaro iyo guul ninkuu calaf ku beegaaye,

Soomaalidaa badan shacbigan Mawle iga beeray,

Maruunbay badhaadhaha aduun saari baalaha’e,

Maruunbay Baraarugi haday kala baqooleene,

Riyadiyo maruunbay ka bixi beela beelaha’e,

Been sheegi maayee wakhtigu ways bedelayaaye,

Bushaarayso wuu imanayaa bari samaadkiiye!

Check Also

Diinta iyo Sayniska

Ilaahay—kor ahaaye—markii uu uunkan sameeyey waxa uu ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *