Home / Suugaan

Suugaan

Gabowga iyo halabuurka Soomaalida

Waxyaalaha Soomaalidu ay ka gabaydo waxa ka mid ah da’da iyo gabowga. Gabyaa dhawr ah ayaa si togan gabow iyo da’ ay gongaha dhigeen gabayo ku faalleeyey qarniyadii hore, iyaga oo is barbardhigaya dhallinyarannimada aadmigu soo maro iyo heerarka nolosha ilaa laga gaadhayo heerka hawlqabnimada iyo mararka qaarkood asaasagnimada. Waxa ka …

Sii akhri

Dillaal iyo Darwiish

Ismaaciil Mire Cilmi waxa uu ahaa gabyaa weyn oo maansaruug ah, waagiisiina si weyn loo wada yiqiinnay. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa maqaddimiintii horkacayay halgankii Daraawiisheed ee Sayid-Maxamed Cabdille Xasan odayga ka ahaa. Waxa uu ku dhashay ceelka la yidhaahdo Laasadaar oo degaanka Buuhoodle ka tirsan wakhti ku …

Sii akhri

Doollo iyo Hoygasuugaanta

Mar ay taariikhdu ahayd bartamihii 2000, ayaa waxaa jirey dagaal gabayo ka la sheegasho iyo ka beensheegid taariikheed oo ka dhexeeyey labada degel ee Doollo.com iyo Hoygasuugaanta.com. Waxa uu midiba kan kale ku eedaynayey in uu sheegtay gabayo nin reerkooda ahi lahaa. Maadaama aan maansada jeclahay, labada degelba waxa ay ii ahaayeen kuwo aan …

Sii akhri

Baraarug

Cumaroow haldoor buuxa iyo baarri baad tahaye, Baydariga aan waaban iyo buunibaad tahaye, Nin Banaadir joogaan ihiyo xeebihii bariye, Bulshadiyo dadkaygii hadduu Mawle kugu beego, Inta aad bariidiyo salaan bilicsan gaadhsiiso, Baydkaan ku sii faro u gee waan balamaynaaye,   Taariikhda baal qudha haddaan baro ka soo qaato, Boqolaal sanoo …

Sii akhri

Baaq

Nageeyoow abwaan buuxa oo loo bogaad tahaye Barakaale boqoliyo haldoor beel hagaa tahaye Isir bile bugtada dhaawacaa arar ku baan-baante Han balaadhshe beeliyo qabiil bahiyo reer diide Isku biirshe isku boogo dhaye wadajir boollayste Budhcad mariye boga uumiyaha nabad ku baaqbaaqe Ku boqraye banaadiriyo Xamar barada maan doojis Bariidiyo salaamaha …

Sii akhri