Home / Maanso / Baaq

Baaq

Nageeyoow abwaan buuxa oo loo bogaad tahaye

Barakaale boqoliyo haldoor beel hagaa tahaye

Isir bile bugtada dhaawacaa arar ku baan-baante

Han balaadhshe beeliyo qabiil bahiyo reer diide

Isku biirshe isku boogo dhaye wadajir boollayste

Budhcad mariye boga uumiyaha nabad ku baaqbaaqe

Ku boqraye banaadiriyo Xamar barada maan doojis

Bariidiyo salaamaha ku hano ciida barakaysan

 

Belo laga xijaabyoow tixdaad baahisaan helaye

Bogan waayay jiifkoo qalbigu way belbelayaaye

Balamaha qabyoobaa rajada beeniyo roga’e

Amaanada barriga iyo cirkiyo diide buuruhuye

Bani aadamkii qaaday yidhi waan ubaqayaaye

 

Alleylehe bad buu galay ninkii loo banaanbaxaye

Inkastuu Nin baariya yahoo laga burhaanaysto

Boqolaal ka hooseeya oo baabaa jira’e

Niman baadi-dhiciyaha gataa bayd lasoo degay

 

Himilada bidhaantay rabeen inay bakhtiiyaanne

In bulshadu nacdaa baa la rabay oo bilaahiye

Baraad li’i isana wawgu dhacay bohoshii dheerayd.

 

Siyaasiga bilaash xaytahee buunka tuma reerka

Baho qarana ciidaa kabadan calamo beeleysan

Intaasoo beliyo baasa iyo boqol kunoo jaana

Iyo diin kabeen kasheegatada uunka boqon gooyay

Iyo baad ku naax baa hantiyay beledkii Soomaal

 

Basaas iyo amxaar baa arlada baaba’shoo rogaye

Berberiyo Hargeysiyo Togdheer Booramiyo Awdal

Bandarbayla boosaaso luuq Bariyo Nuugaasha

Ku badbaadi waa geesigii buulashii Muduge

Wadnihiyo bu’dii wadajirkay bahalo jiifaan

 

Bulshayahay bah qudha baad tihiyo beelo wadayaale,

Cadow kuu bahoobaa jiroo baaba´aa raba’e

Naf kuwaad bidaysee usii baratamaysaani,

Waa bahaladii shalayto galab baabah kaa dhigaye ,

Badh ba maalin bay cunahayaan baaqigii hadhaye,

Intaad barakacaysee colaad buun utumanayso,

Birlabta iyo geesiga intaad boqonta goynayso ,

Miyaa calan bir laga taagayaa midab buluuglaa?

Ama ay dadkaygoow boogsoon boogta nagu taal?

 

Shimbirkaba haddii baal la jaro biibi kari waaye,

Lama jaro boqnaha ruux hadduu kuu gargaar-baxo’e,

Nin walaalkii beegsanahayaa waa bar kumataale

 

Goortii halyeygii bilnaa xabashku boobaayay

Isagoo birjeebada ku xidhan Goortii lala buubay

Baydhaba markii loola kacay Baayna lala aaday

Barqo Goortii laga duuliyee laga baqoolsiiyay

Raggii Xamar balwaynaayay ee bixiyay ee dhiibay

Taariikhda baal madaw ku qora baranay tiigtiiye

 

Rabbi baa badbaadshaha ah aan laga badbaadayne

Isagana baryada iyo ducada ugu bil roonaada.

Inagana waxay nala banaan beratan weeyaane

Hooy yaan wixii inaga ba’ay dani ubayhoofin

Waxa baaqigaaye nabdoon aynu badhi-taarno

 

Bulshooy wadajir baa lagu hantaa libin barwaaqaaye,

Biyihii dhaqaaqee socdaa riixi kara buure ,

Caqligii is wada biirsadaa guulo beegsada’e ,

Talo lagu bahooboo midaa lagu badhaadhaaye ,

Mar hadduu ra’yigu kaa banjaro waad bahdilantaaye,

Waa inaad dhulkiinii bishaan oo badh-qabataane,

Ubirmada dalkiinii ayaa baahi wayn qaba’e ,

 

Is baxnaansha isku biirsha talo guusha wada baafsha,

Hana kala baqooline bulshooy gees isugu baydha

Check Also

Diinta iyo Sayniska

Ilaahay—kor ahaaye—markii uu uunkan sameeyey waxa uu ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *