Waxaa beryahan danbe dood ka imaanaysay habka halabuurkii hore haweenka u ammaanay ama adeegsiga halabuurka ee ekeeyayaasha afka kolka la joogo ammaanta dumarka. Suugaantu waa meesha ay ku jiraan oo laga dheehdo laguna kaydiyo dhaqanka iyo xeeldheeraanta afeed ee ay ummadi leedahay. Haddaba, halabuurka Soomaaliyeed kolkuu ammaanayo haweenka wuxuu adeegsadaa oo tilmaantiisa ku saleeyaa mudanayaasha dhaqanka Soomaalida kuwaas oo kala ah geel, gammaan, iyo geed. Geel iyo gammaan waxay ugu mudan yihiin xoolaha dhaqanka nolosha Soomaalida, geedkuna waa dhirta iyo degaanka oo halbowle u ah guud ahaanba nolosha Soomaalida. Soomaalidaa hore aad ayay ugu xeeldheeraayeen tadaburka degaanka; waxaad ka dheehan kartaa suugaanta degaanka ay ka tiriyaan iyo ekeeyayaasha ay kala soo baxaan ee ay haweenka ku ammaanaan, iyo isla markaas tebinta dareenka jacayl ee haya. Dersidda degaanku waa mid Ilaahay SWT uu Qur’aanka ku ammaanay; aayadaha ugu danbeeya suuradda Aala Cimraan, Ilaahay SWT markuu ka warramayo astaamaha dadka garaadka leh aayad ka mid ah waxa ay leedahay macne ahaan: waa kuwo eega degaanka, ka dibna yiraahda ‘Illaahayoow waxan baadil uma aadan samayn ee cadaab naga kori’.
Ha ahaatee waxaa isa soo taraya dadka Soomaalida ah, haweenkuna ku jiraan, ee doodda ka keenaya halabuurku sababta uu gabadh dhan oo qof banii Aadam ah ugu ekaysiinayo geed, neef xoolo ah, degaanka iyo dabeecadda. Haddaba su’aasha aan weydiin lahaa waxa ay noqonaysaa: Haddaad intaasba u diidday in gabadh lagu ammaano, adigu xaggaad u waddaa? Kuguma diiddani in noloshu socoto oo marba qiimaha iyo qaayahu meel gelayo, ha ahaatee, haddaad geedka iyo geenyada shuuftay oo saarku kuu diiday, iyagu halabuur xeeldheeraadnimo afeed sheegtay oo suugaan ku soo bandhigay ayay heleen e, adigu tareenka, diyaaradda, iPhone X-ka iyo fastfood-ka luuqaddaad u diyaarisay ee nafcigooda iyo qiimahooda i tusaysa, bal ii sheeg. Qiimaha iyo qaayaha gabadhu ma keliya jirkeedaa, illeen raggan danbe wax intaa ka xeeldheer gabadh kuma ammaanaan e?
Qormo uu qoray Maxamed Aadan Ciiraale oo uu Wargeyska Waxgarad faafiyey, cinwaankeeduna yahay “Indha deeraleeyeey, Dhexda geenyo ugubleey: Suugaanta iyo tilmaanta dumarka, aniga oo aan gelayn tafsiirka leexsan oo uu heesaha qaar siiyey qoraagu, haddana qodobka quseeya qormadaydan—ahna qodobka qormadu ka hadlayso—waa in halabuurka Soomaaliyeed kolkuu ammaanayo dumarka uu waqti badan geliyo ammaanta ekeeyayaasha oo uu iska illaawaba gabadhii uu u gol lahaa. Intaan ka arkay suugaanyahanka Soomaaliyeed labo qaab ayuu haweenka u ammaanaa:
Tan koowaad waa la ashqaraarka abuurta Ilaahay SWT. Gabadha ayuu dib ugu celinayaa oo hareer dhigayaa abuurta kale ee ashqaraarka leh oo uu markaas gabadha uu la dhacsan yahay u sheegayaa in ay la mid tahay. Mararka qaar waxa uu ka sare marinayaa geela, geenyada, udgoonka saxansaxada, waqalka, ubaxa, doogga iyo dureemada. In ay arrintaas waqti geliyaan in laga gallad celiyo ayay mudan tahay, laakiin haddii maanta ninka iyo gabadha qiimaynayaa yihiin kuwo nool nolol degdeg ah oo tareemadu ordayaan, diyaaraduhu duulayaan, uuna adag yahay fadhiga dhugashada iyo duuxidda leh, adduunkuna yahay ‘Global Village’, dee markaas waan ka garaabayaa in waqti ku qaadashada tebinta humaagyada halabuurku ku eedoobo. Dhoodaan, AUN, isaga oo aan ahayn gabyaa dumar ammaana ama godka jacaylka ka gabya, haddana si buu u sii ogaa in ay gallad celin la’aantu dhici doonto, hase ahaatee wuxuu isagu sheegayaa in uu hagar baxay:
“Gallad mooyi saad uga niqiye gaadashaan huraye”
Tan labaad ama habka labaad ee halabuurku gabadha u ammaano waxa weeye dadnimadeeda, isirkeeda, garaadkeeda, kartideeda, iyo quruxdeeda:
“Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illeen noloshu guul ma leh.”
—Hadraawi
Sidaan kor ku soo sheegnay waxaa jira qodob kale oo dood ah, oo la leeyahay raggaa hore waa in jidkoodii laga leexdaa oo suugaanta laga saaraa deedka iyo geenyada oo lagu xidhaa noloshan maanta la nool yahay. Haddiise taaba la sameeyo, toloow maxay soo baxaysaa? Cabdillaahi Xasan-Ganey ayaa sawiraya:
“Muuqa iyo aragtida
Screen touch baad tahay
Garashada iyo aqoontana
iPhone-ka qaar iyo
Malaa 5S baad tahay!”
Haddaba Gabadha lagu ammaanay aqoonteeda iyo garaadkeeda iPhone 5s, dee maanta iPhone-kii iPhone X ayuu marayaa, isagana haddaad maanta ku ammaanto, berri waxaa suuqa yaala iPhone Z. Duco, habaar, iyo deelqaaf midka ay noqonayso bal ii sheeg? Dhan kalena aan kaa tusee, haddii teknoolojiyadda xawaaraha isku beddelaysa halabuurku wax ku ammaano, macnaheedu waxa weeye miisaan cusub; waxaad aqbalaysaa in tilmaanta gabadha iyo xiriirka ragga iyo dumarku uu noqdo kanna siib kaana saar! Haddaad holisay cilmibaarista iyo buugaagta cilmiga bulshada wayba tahay oo teknoolojiyaddu aad ayay u saamaysay xiriirka ragga iyo dumarka. Daadka miyaad moosi mise waad soo dayn?
Bal ila yara dheeho aan dib kuu celiyee, halabuurka Soomaaliyeed aftahammadiisa, qiyamkiisa, iyo ku xeeldheeraanta dhaqankiisa, degaankiisa, iyo dabeecaddiisa, markuu tilmaamayo ammaanta haweenka iyo dareenka jacaylka.
Maansada Amal ee Hadraawi:
“Geed beer udgoon iyo
Ku dhex-yaal ugbaadoo
Ubax iyo man fuulaay
Ulihii madheedhkee
Iimey ku yaalliyo
Ilo wada xareedoo
Nafta lagu illaawaay
Dayaxoo iftiimoo
Arladoo dhan gadhoo
Afar iyo tobnaadaay
Qorraxdoo aroortii
Dhulka soo abbaartoo
Sagal iid dhex joogtaay
Waxaad tahay adduunyada
Dhexda udubka haystoo
Xejiyoo adkeeyoo
Af-gobaadsan maayoo
Qurux lama amaahdee
Ashkir geenyo ugubeey”.
Maansada Shan Ubaxleey ee Hadraawi:
“Timahaagan adhaxdiyo
Ka arooray dhabarkee
Garbahaaga ootaan
Erey lagu tilmaamiyo
Hadal lagu ammaaniyo
Wax asteeya waayoo
Afartaada waaxood
Indhal baysu haysoo
Luquntaadu inanyahay
Waa aaran geriyoo,
Sanku waa abuurtii
Fardo Adari joogiyo
Ashkirkii Nugaashoo,
Indhahaagu ruuxii
Sal-fudayd ku eegay
Ashqaraar ku ridayaan.
Afkaan midabka luulka leg
Mahadhada ilka furan
Labadaba Allaylehe
Ninka eeday waa ani.”
Maansada Carshigii Jamaalka ee Gaarriye AUN:
“Ma cawaa ma caanaa?
Ma cug baa ma cigashaa?
Ma ciirsaa ma calaf baa?
Ma cisaa ma culuq baa?
Ma daruur gu’ curatoo
Cir-caddaadi noqon baa?
Ma cigaalka feleggiyo
Cir-jiidhkii Mariikh baa?
Ma magool cusaybaa?
Ma cadceed arooryoo
Fallaadhaha casuusta leh,
Ku cabsiisay dhedadoo
Ceeryaanti didisaa?
Ma xareed is-celisaa?
Ma habeen cadda ahoo,
Balliyada cigaagani
Casuumeen xiddigahoo;
Cirka dayaxi kaa jirey
Dhulka kaa cawaray baa?
Cosob rayska xaadhiyo
Ma gargoorki Ceegoo
Calcalyada barkaday baa?
Alla samay cuddoonaa!
Uduggaa carfoonaa!
Samsam caynka loo dhigay
Citibaaro badanaa!”
Heesta Haadba Haad Kici ee Xasan-Ganey:
“Halalacda iyo muuqii
indhuhu waxay u haysteen
dayaxoo hogiisii ka soo baxay hal badhkeed
Shucaacoo higsanayeey
ma aday i hortaagnaa
Hiyiga udgoonkaan
Haqalka ula sara kacay
Ay moodey himiladu
Goor hiimse hiimse ah
Hawd iyo ka yimid bari
Misna ma adiguu ahaa
Waqalkii harqanayee
Hara waa tigaad
Jaroo aan ku hubsaday
Fad habeen da’ayaa
Ku haloosiyaaye
Hilaaciina ma adaa
Higilkana madawgii
Isa soo hadoodilayee
Ma timahan haldhaagee
Halafsaday daruurtiyo
Dabayshaa hirdamayoo
Hirgiina ma adiguu ahaa
Haadba haad kici
Haybadaadu noqotaye
Hodan baad ka tahay qurux
Hamano waa tan kugu ladhan
helistana nasiibkey!”
Iyo Sayla oo uu Xasan-Ganey midhaa suugaanta Soomaalida sawirka ugu cajiibsan ku sawirayo:
“Sagal gaaxday roob subax
Seermaweydo ku onkodey
Waaguna ku sarakacay
Sarajoog nin dhererkii
Cadceedduna la siman tahay
Nuurkuna sagootiyey
Oo waqal sindadab iyo
Guulaamo socotiyo
Kala soocday dhibicii
Oo midab sibaaqiyo
cadaan wada siraatiyo
madoow suul-dhalaal xiga
Seddexdaa miduun yahay
Qof suureeyey kala garan
Oo beel Sanaagiyo
Ku surmiday saraar godan
Saadaalinaysoo
bal halkuu ku simo iyo
Sugayaan inuu helo
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa”
Daaladii Yamyam AUN:
“Durduriyo xareediyo
Doogiyo ugbaadeey
Dalalnimada cadarkiyo
Dhibic iyo daruuree
Ubax daraya muusoo
Waaberi dilaacay
Halka maanku darari
Daalo aragtideedaay
Dayax iyo xidigahoo
Nuurka isku dara iyo
Dusha roob la dhaca iyo
Daa’uus la moodyeey”
Singub la yaab leh:
“Sida ayra geel baan, kuu ololoyaayoo
Sida ubad aan dhalay baan, kuu uurfayooboo
Sida olol la shiday baan, il dheer kaa arkaayoo
Sida ubax la beeray, indhihu kugu farxaanoo
Sida Aayad diinaan, afka kugu hayaayee
Adiguna aqoonsoo”
Qabile kama dhaco:
“Sidii Goray dhashiisii
Intuu meel banaan dhigay
Dhoolkii hilaacaba
soo dhababaceeyoo
Dhibicii ku hooraba
baalasha uga dhigayaan
dhibaatada adduunyada
anna kaaga dhawraa”
—Yuusuf Xaaji Aadan Qabile AUN
Eeg Cabdiqaadir Maxamed Shirwac:
“Qoraxdoo aroortii
Qaybisay falaaraha
Ama qaanso roobaad
Daruur midab ku qarisay
Qeymaheedii leedee
Qof meyda lama amaanoo
Qalad looma heesee
Qureyshtii haweenkaay”
Cabdi Iidaan ka tegid ma leh:
“Diinkuba ma dhuunyado
dureemada abaartoo
afka wuu u diidaa
hadduu gugii ku daaqee
anna dookhu yaab lehe
siduu iigu kaa diray
dawooy adiga mooye
dumar kale ma eegee!”
—Cabdi Iidaan Faarax AUN
Axmed S. Bidde waa ashqaraar:
“Markii aan dhab kuu dayay
Cadceed dhalatay waaberi,
ama dhool aroornimo
Dhanka bari ka soo kacay
Naasaha dhaxdoodiyo
Dooxii Hargeysiyo
Damashii ku dhererrayd
Uu Mayay ku dhaw yahay
Intoon kaala meel dhigay
Igu dhidhisay caashaqee
Markii aan ku dheehdaba
Ama dayo dhankaagaba
Soow kuguma dhayliyin”
Sahra Axmed AUN:
Cirku Sagal daruureed
Subaxdii u leeyahey
Waxa laga sugaa
Saadaasha roobkiyo
Xili Seermo-waydee
Innaguna sad iyo calaf
Iyo si Alle mooyee
Ka sal gaadhney caashaqa
Sanqashaduna waa hadal
Haddana waa si gooniya
Waxan sidaa Kalgacal
Aan kula sugaayee
Naftan ma isku sidignaa”
Dhanka gabayada, dheeho Maxamed Nuur Fadal AUN:
“Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso
Hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye
Dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye
Dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise
Hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
Meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda looyeelay
Dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageeda
Dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinkii moodayso
Cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
Dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e
Saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanaageeda
Sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
Waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
Dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho
Ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto
Dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso
Kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo
Dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe
Dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade
Inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye
Dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye
Dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde
Sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere
Inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya
Dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa
Dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya.”
Mise marka Maxamed Cali Burco leeyahay:
“Hadduu dhugato geel qabo
Ma dhadhamiyo geedaha
Waa godasho dhuubtaa
Anna cudurkan igu dhacay
Waa mid igu dhamaadoo
Waaba laygu dheeryahoo
ku dhadhabay aroos
aan dhinaca isa saarnee!”
Laari leeyahay:
“Sida jaawe geeloo
Ka jarmaaday hawdoo
Jeex wada caleenliyo
Jidhaan wada biyaahiyo
lagu foofshey jilaygii
Kurayguna la joogoo
Jadiirkiyo cawskiyo
Sogsogiyo maadhii
Jilawgiyo cadaaddii
Hadba jaad cunaysoo
Dhashii ay u jiiftaa
Naftu kuu jilbootoo
Kuu jiriiricootoo
Kaa joogi waydee”
Haddaba,
Intani goosan weeyee,
Guutiyo shan guutiyo,
Weli gaasas baa maqan!
Galabtana rag baa nool,
Gurmadna waa dambeeyaa;
Haddaan geeri loo badan
La afuufin geeskii,
—Hadraawi
Mid aan ka garaabayaa jirta: noloshani waa degdeg, waxaaba waqti looma hayo. Run!