Home / Afkeenna / Afkeenna: Halgelin

Afkeenna: Halgelin

Halgelin:

Ereygaan muddo aad u fog baa iigu dambaysey araggiis iyo maqalkiisba. Xalay ayaan Youtube ku arkay qof qoray hees uu qaaday Maxamed Mooge xilli uu jabhad ahaa. Meerisyadaan oo uu Maxamed ugu xogwarramayo raggii ay asxaabta ahaayeen oo weli Hargeysa ku dambeeya, ayaa sidaan loo qoray:

Hadal iga dardaarana
An idiin hormariyee
Harreedkiyo garkii baa
Hamash iigu baxayoo
Cirraday halgeysoo*

Meeriska u dambeeya ayuu qofkii miraha heesta qorayey si khaldan u qoray. Sababtu waxay noqon kartaa maqalka oo aan saaxi ahayn, waxaanse u badinayaa in qofka heesta qorayey uusan aqoon ama horay u maqlin ereyga ‘halgelin’. Maxaa yeelay, haddii uu ereyga aqoon lahaa waa uu fahmi lahaa oo erey aan jirin oo ‘halgeysa’ la yiraahdaa in uu meesha ku jiro ma moodeen.

Haddaba, isla markii aan akhriyey miraha qoran, heestiina dhegeystey, waxa aan fahmey in ereyga Maxamed ku heesayo, meeshana ku habbooni uu yahay ‘halgelisoo’. Dabadeed waxa aan eegay saddex qaamuus oo af Soomaali ah (Keenadiid, Saalax Xaashi Carab, Beleloo), laakiin, midkoodna ereyga ‘halgelin’ kuma jiro ereyada galay. Sidaas darteed ayaan qoraalkan idiin la wadaagay, si qofkii ereyga yiqiin oo hilmaamayna u xusuusto, qofkii aan hore u aqoonina u ogaado.

Ereyga waxaa loo adeegsadaa marka laga hadlayo wax bilawday oo sii socon doona. Tusaale ahaan, markii reer aad u abaarsaday ay xooluhu ka jilcaan oo muddo ka dib ay bilaabaan in ay caato u bakhbakhtiyaan ayaa la oran karaa ‘waa halgeliyeen’ oo macnaheedu yahay in ay le’daan bey bilaabeen.

Ereygu sida la malaynayo wuxuu ku bilawday geedaha miraha la cuno leh. Haddii qof ku yiraahdo mid kale “hebelow geedkii canjeelka ahaa oo dooxada ku yiil mirihiisii ma bislaadeen?” Kan kalena ku jawaabo “waa halgeliyey,” macneheedu waxaa uu noqonayaa in geedku muujiyey mirihii ugu horreeyey oo bislaada, inta hartayna la filayo ama la hubo in ay si isdabajoog ah u bislaan doonaan.

Dhisme ahaan ereygu waxa uu ka kooban yahay labo erey oo kala ah ‘hal’ iyo ‘gelin’. Kolkaa ‘hal’-ka laga hadlayaa waa xabbadda miraha ah, ‘gelin’-tana waxaa laga wadaa in geedku bisayl geliyey. Kolkaa haddii aan heesta dib ugu noqonno, waxa uu Maxmed Mooge saaxiibbadiis u sheegaya in: harreedkii iyo garkiiba ku baxeen, cirradiina ku bilaabatay si isdabajoog ahna timihiisa ugu soo badaneyso.

Harreedkiyo garkii baa
Hamash iigu baxayoo
Cirraday halgelisoo,

…ayey heestu ku saxsan tahay.

Qoraalkaan kore ka dib ayaa waxaa faallo ka bixiyey Cali Daad Shirdoon Ololiye oo ina ku soo biiriyey gabay uu ku jiro ereygu. Faalladii uu bixiyey waa tan:

Nin reer Geesaley oo Caluula hoos timaadda ahaa ase aanan magaciisa hayn ayaa waxa soo martiyey nimeey saxiib iyo gabay wadaagba ahaayeen, xilli beertu aysan weli wada bislaan balse aan lagu qatanayn.
Waxa la sheegaa in ninkan oo dhawr jeer oo hore soo martiyey meeshana timir uga bartay uu quud mooyee timir uu horay u sii qaato u waayey, is la jeerkaasna ka baqay inuu arrintaas ugu gabyo.

Kolkaas ayuu tiriyey gabay dheer oo saddexdaan bayd caan ka noqdeen:

Marti kuu habeen-dhaxay anfaco waw hurti la’aane.
Hammuun-tirasho mooyee wax kale waanan heli hayne
Weli waa halgelis timirti aan kuu hibayn jiraye.

Halgelis: marka timirta geedka saarani aysan wada bislaan balse mirmir ka mid ahi bislaatay.

©Franzfoto CC BY-SA 3.0

FG:

Halgelin: waa ereyga asalkiisii.
Halgelis: waa geedka halgeliyey laftigiisa.

Check Also

Afkeenna: wadaraynta

Iyada oo ay jiraan gefaf badan oo laga galo dhismaha ereyada, haddana waxa aan isku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *