Inaad qorto faallo ku saabsan buug waxay ku xidhan tahay inaad arkhriday buugga oo aad faahinsatay nuxurka buuggu xambaarsanyahay. Faahinsadkaagu wuxuu noqon kara mid kooban, sidoo kale wuxuu noqon karaa mid kaldhac tirran. Sidaa darteed, waxaan ku afeef dhiganayaa “shanfaroodle isku si wax uma wada arko.” Waxaan uga jeedaa, la arkee inaan wada gaadhi waayo ka faalloodka waxyaabaha buuggani xambaarsanyahay.
Intaa dabadeed, buugga Af-dhaab ee uu qoray quraar iyo halabuur Cismaan Cabdinuur Xaashi, oo loo yaqaan Khaliifka, waxa uu ka hadlayaa tooxda iyo taf-dheeraanta Af-ku-hadalka Soomaaliga. Wuxuu soo baxay, oo bandhiggii u horreeyay loogu sameeyay magaalada Laascaanood shinnadkan (sannadkan) 2018 horraantiisii. Buuggu wuxuu inoo soo gudbinayaa cilmibaadhis soo jiitamaysay amin ku siman 23 shineed (sannadood) tacabka iyo dhuudhiga soo socday amintarka intaa le’eg waxaynu ka dheehan karaynaa in qoraaga iyo ciddii ku wehelisay cilmibaadhistu aanay ku degdegin soo bandhigidda waxyaabaha ku duugan buuggan.
Cutubka 1’aad wuxuu inoo iftiiminayaa habdhiska ereyga. Waxaad dareemaysaa sida uu ugu dedaalay furfurka habka alanka, qodobka, laqbaha, laba aflaynta iyo ereyada ku kala baydha qaabka af-doceedka. Af-doceed wuxuu noqon karaa afka degaamadu ku kala duwan yihiin. Wuxuu sidoo kale wax badan ka qoray shibbanayaasha isdabo mara iyo kuwa dhantaalma.
Cutubka 2’aad wuxuu wax ka qoray sirta ereyga Soomaaliga, kala duwanaansha erey magaceedka, tubta wadaraynta, iyo shaqallada barabaxa. Intii uu ku guda jiray meesinkan ama cutubkan wuxuu qoraagu wax badan ka taataabtay shaqal iyo shibbanaha aan magacyadu ku dhammaan iyo firka qodobka.
Cutubka 3’aad wuxuu wax ka qoray habka magacaynta oo uu kow ka yahay: sirta ka dambaysa magac bixinta Soomaaliga, magac bixinta caqliga iyo magac bixinta qaababaka hadalka. Wuxuu sidoo kale wax ka taabtay magacyada loo yaqaan xubnaha jidhka. Waxaan iyana meesha ka madhnayn erey magaceedka loo adeegsado qaab dhismeedka qoyska, xigtada, xididka, iyo qaababka kala duwan ee guurka Soomaalidu u dhaco. Arrinta layaabkeeda leh ee lagu arki karo isla cudubkani waxa weeye erey magaceedka loo adeegsado haybta Soomaalidu tirsato iyo waxyaabaha ay erey magaceedyadaasi u taagan yihiin ama loola jeeday.
Cutubka 4’aad wuxu qoraagu innoogu ballaysimayaa erey magaceedyada oonta, ugaadha, aminta, roobka, iyo waddooyinka. Wuxuu si qoto dheer ugu lafagurayaa jaadadka xayawaanka iyo meesiyada xoolaha Soomaalidu dhaqato. Wuxuu sidoo kale wax badan ka yidhi, intii uu cutubkan ku dhex jiray, waxyaabo ku saabsan aqoonta dhirta, dhulka, iyo cimilada. Waxaan marnaba la illaawi karin midabbada xoolaha, dadka, iyo degaanka oo lagu ladhay waxyaabaha salkoodu ku suuraysan yahay.
Haddii aan intaa ku dhaafo kor-ka-xaadsiga buugga, wuxuu buuggani isku taxallujiyay inuu ka gun gaadho waxyaabo dhawr ah oo ay ka mid yihiin noolaynta af-ku-hadalka Soomaaliga, abuuridda ereybixinno cusub oo loo adeegsado waxyaabaha aan weli loo magac bixin ee afka la dhex jooga ereybixintii uu la dhashay. Wuxuu in badan buuggani doorbidayaa inuu soo banbixiyo kala duwanaanshaha erey magaceedka af Soomaaliga ee ka dhasha inta badan habka af-doceedka.
Waxa iyana xiise gaar ah yeelan karta habka isbarbadhigga afka “DH’da” iyo ka kale ee “RA’da” oo qoraagu dhankiisa uu mug yeelay dhinaca afka “DH’da” in kasta oo uu jiray xeer la dejiyay xilligii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Xeerkaas oo qeexayay in habka “RA’du” ku ekaado qaab qoraalka oo keliya halka xeerkani uu u gaar yeelay habka “DH’da” in warbaahinta iyo waranweryad loo adeegsado. Haddana, qoraagu wuxuu dhankiisa u tiirinayaa toolmoonaantu inay la jirto dhanka qaab dhigaalka “DH’da”.
Waxaan layaab ku tilmaami karaa iskudayga qoraagu uu uga gol lahaa in uu afka iyo aqoon-barashada af-ku-hadalka Soomaaliga ku soo kordhiyo waxyaabo cusub. Wuxuu kolkaa ku soo biiriyay afkeenan qaab uu ugu magac daray daahfurka hab xisaabeed cusub. Habkani wuxuu noqon karaa qaab miisaan iyo magac bixin hor leh oo lagaga bogan karo dheellitirka xisaabfallada aasaasiga ah ee hore u jiray.
Wuxuu gunta iyo gebegebada qoraagu ina rakaadsiiyay suugaanta Soomaalida iyo qaybaheeda. Waxaa sidoo kale lagu dhex arki karaa buuggan warbixin kooban oo ku saabsan soo-tiilladii nololeed ee qoraaga. Walaw, aniga aanay ila qurux badnayn in warbixinta qoraagu ka badnaato qaybta loo yaqaan “xogta qoraaga” ee inta badan lagu dhigo qaybta hore ee buugta. Haddana, kolkaad akhrido soo-tiillada qoraaga waxaad ka dheehan kartaa doorarka kala duwan ee uu qoraagu ka soo buuxiyay gol-daloolloyinka heer bulsho.
Waxaan ku soo gunaanadaya qorma-faalleedkan aan ugu talagalay inaan idin kula wadaago waxooga ku saabsan buugga Af-dhaab. Waxaa jiray buug hore loo soo saaray kuwaas oo wax ka qoray af-ku-hadalka Soomaaliga. Buugtan qaarkood waxay wax badan la wadaagayaan isla buuggan Af-dhaab halka ay qaarkoodna wax badan ku kala duwan yihiin. Tusaale ahaan, buugta uu qoray Maxamed Xaaji Xuseen Raabbi ee uu u kala bixiyay Naxwaxaha cusub ee Af-soomaaliga iyo Naxwaha sifayneed kuwaas oo uu soo kala saaray shineedaydii (sannadihii) 1995’tii iyo 1994’tii.
Dhambaal danab: Qarrog@live.com
Facebook: Xasan Burco