Home / Aragti / Ganacsato dhiigmiirato ah iyo siyaasiyiin bilaa damiir ah

Ganacsato dhiigmiirato ah iyo siyaasiyiin bilaa damiir ah

Sannadkii 2012 ayaan xajiyey. Waxaan mar la joogay xujaajta Kiiniya oo degganaa meel aad u wanaagsan oo nadiif ah, saddexda waqti cunto fiican loo karinayey, basaskoodu mar kasta diyaar ahaayeen, diyaaradda ay sii noqodka raacayaanna ay maalin la og yahay baxaysay.

Dhanka kale, xujaajta Soomaaliya meeshoodu waxay ahayd sidii waabab aad mooddid barakacayaal meel ka soo qaxay. Meel uskag ah, adeeggeedu liito, aadanna hawaysanayn inaad ku negaatid. Dadkaa habaarka ay shirkadaha soo kaxeeyey u miisayeen Ilaahay baa og!

Halkii Mina la dejin lahaa waxay joogeen Muzdalifa oo sharci ahaan ay tahay inay ka guuraan subaxa tobnaad (maalinta ciiddul adxaa), waana meel ka fog dhagaxtuurka jamaraadka. Halkii shirkaduhu cunto u soo diyaarin lahaayeen, waxaa ka ganacsada dumar reer Jiddah ah oo meesha wax ku walaaqa. Waxaana dhacda in buskudyo iyo waxyaalo kale oo dad sadaqaysteen loo soo uruuriyo oo la siiyo xujaajta Soomaalida ee lacagta ku bixiyey in cunto fiican loo diyaariyo. Basas iyo adeeg ku filan looma diyaariyo. Guryaha Maka laga dejiyaa waa kuwo aad Xaramka uga fog. Qolkii ilaa afar sariirood loogu talagalayna waxaa laga yaabaa inaad ugu tagtid 10 sariirood iyo ka badan.

Xujaajta Soomaalidu marka ay xajka dhammaystaan ee ay noqonayaanna ma laha maalin go’an oo ay ku xisaabtamaan. Ilaa saddex sano ka hor waxaan arkay xaaji $5000 laga qaaday oo xajkii oo dhammaaday Maka jooga maalin kastana xafiiska shirkadda taga isagoo sugaya bal in uu helo diyaarad celisa.

Waxaas oo silic ah waxaa dadka marinayey Daallo Airlines iyo Jubba Airways oo muddo dheer sida ay doonaan ka yeelayey xujaajta Soomaalida. Sababta ugu weyn ee keenta in shirkad ganacsi sidan u dhaqantaana waa in aysan lahayn cid la tartanta. Marka suuqu kuu xidhan yahay sidii aad doontaad yeeli kartaa, maxaa yeelay dadku inay adiga kuu yimaaddaan ayay ku khasban yihiin.

Shirkadaha dalka Ingiriiska xujaajta ka qaadaa waxay ku xisaabtamaan faa’iido ilaa 10% ah.  Dadkaa $4000 laga qaadayo ee adeegga sidaa u hooseeya la siinayo faa’iido intee le’eg ayaa laga samaynayaa?

Arrintan wax ka qabashadeedu waxay ahayd waajib saaran masuuliyiinta Soomaaliyeed, heer qaran iyo mid kaleba. Haddii maanta suuqii la ballaadhiyey oo shirkado kale wax laga siiyey, qiimihiina la dhimay, maxaa dhib ku jirta?

Daallo iyo Jubba waxay ku dacwoonayaan shirkadahan kale khibrad ma laha. Kaba soo qaad in aysan lahayn. Labadan shirkadood ee intaa meesha haystay maxay tartan hufan ula gali waayeen shirkadahan bilowga ah oo macaamiisha qalbigooda iyo jeebkooda u hanan waayeen? In kuwan kale bilaa khibrad yihiin sow Daallo iyo Jubba dheef uguma jirto? Maxay uga faa’iidaysan waayeen ee ay ciddiyaha ugu dagaallamayaan si suuqu labadooda ugu xidhnaado? Haddii $3300 ha ka badinnina la yidhi, oo aysan ahayn qiime faa’iido fiican laga helayo, miyeysan dheef ugu jirin shirkadihii hore uga soo shaqaynayey ee hantida badan haysta, halka kuwan cusub aysan qiimahaa yar kusii wadi karin hawsha? Midda kale, suuqa weli waxaa loo daayey 70%, halka saddexda shirkadood ee kale wadarta la siiyey ay tahay 30%.

Waxaase layaab ah, labadan shirkadood ee intaa meesha iska haystay dadka u doodayaa in ay ku dacwoodaan: “meeshii waxaa la keenay shirkado dawladdu naasnuujinayso.” Labadan shirkadood ee intii burburku jireyba meesha dadka dhiigga ka miiranayey ee xukuumadihii hore faraha uga qaadeen, maxaa lagu tilmaami karaa? Markii ay xukuumadihii hore lacagta ku aammusiinayeen ee waxay rabaan loo saxeexayey miyeysan ahayn naasnuujin?

Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa “Warbixin ku saabsan arrimaha Xajka sannadka 1439/2018” u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka 2’dii Julaay 2018.

Warbixinta Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Warbixintani waa mid si cad ula safanaysa labada shirkadood ee meesha kootadu ugu xidhnayd—Daallo iyo Jubba, shirkadaha kalena ka dhigaysa waxaan jirin. Waxaa ku qoran: “Si kasta arrintu ha ahaatee, waxaan soo jeedinaynaa in la fasaxo Shirkadaha Duulimaadka Daalo iyo Jubba oo tan iyo burburkii 1991 maamulaayeen hawlaha xajka, wax dhibaato haba yaraatee aan lagala kulmin, adeegoodana la mahadiyay, Hay’adaha u qaabilsan xajka ee Sucuudiga aad u amaaneen, shahaadooyin sharaf ah ee ku qotoma *hawl-karnimo iyo adeegga wanaagsan ay u qabteen xujeeyda dhawr jeer ka guddoomeen Hay’adahaas.”

Heer waxay gaadheen ay waxaan jirin sheegaan si ay shirkadaha kale booska uga saaraan: “3. Saddexdaas Shirkadood, looma oggola in ay kiraystaan Diyaarado ay xujeeyda TRANSIT ku gaarsiyaan Sucuudiga, maxaa wacay nidaamka xajka wuxuu dhigayaa in Xaajiga laga soo qaado Degaankiisa si toos ahna lagu dejiyo garoonka khaaska u ah ee Xujeeyda loogu tala galay, Waddan 3-aad Transit ahaan lama soo marsin karo;”.

Xujaajta adduunka in badan TRANSIT bay maraan, waxayna ku xidhan tahay diyaaradda ay raacaan. Qofka raaca diyaaradaha Imaaraadka ama Qadar, waa in uu ka degaa Imaaraadka ama Qadar oo ka dibna halkaa diyaarad kale ka raacaa. Qofka Yurub ka yimaadda ee diyaaradda Turkiga raacaa waa inuu Turkiga sii maro ka dibna halkaa diyaaradda ka beddesho. Tan Masarna waa la mid oo Qaahira ayaa laga beddeshaa… iwm.

Waxyaalo badan oo aan macno weyn ku fadhiyin ayay ku eedeeyeen shirkadaha kale, iyaga oo mar kasta dhinaca saaraya Daallo iyo Jubba. Tusaale ahaan, waxaa warbixinta ku jirta in shirkadahani aysan xisaab bangi Sucuudiga ku lahayn, laakiin Daallo iyo Jubba ay ku leeyihiin. Daallo iyo Jubba waxay maamulanayeen xisaabtii wasaaradda waana midda ay hadda wasaaraddu la wareegtay.

Xildhibaannadan baarlamaanku waxa ay wasaaradda ku eedeeyeen in ay “hareer-martay qaanuunka iyo hab-raaca u degsan *Tartan* (competition), xulashadaasna waxay ku salaysan tahay *Eex, Qaraabokiil iyo Musuq-maasuqba*, bacdamaa la qabanin tartan furan ee ku aadan adeegga xujeeyda Soomaaliyeed.”

Wasaaraddan ay ku eedaynayaan in aysan tartan furan qabannin oo ay eexatay, ayay haddana kula talinayaan in shirkadaha kale meesha laga saaro oo lagu koobo Daallo iyo Jubba!

“Maadaama lagu gudo jiro hawlaha xajka, isla markaana Shirkadihii kale khadka ka baxeen sharci la’aan awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in Wasaaraddu ay u fasaxdo Shirkadaha Daalo iyo Jubba isticmaalka akoontadooda si ay fursan u helaan dhaqaajinta hawlaha xajka aan weli la bilaabin”.

Xildhibaannadu waa wakiilladii metelayey shacabka, mana aha inay la kala saftaan shirkado ganacsi iyo dano gaar ah. Guddigan waajibkooda weeyaan in xujaajtu si habsami ah u gutaan waajibkan diiniga ah. Guddigan ayaa ka masuul ah la xisaabtanka shirkadaha xajka iyo wasaaradda awqaaftaba. Waxyaalaha aadka looga cabanayo waxaa ka mid ah qiimaha xajka. Kaasna halkii ay guddigu shirkadahan tallaabo ka qaadi lahaayeen, waxa ay warbixintooda ku dareen: “Inkastoo ay weli jiraan cabashooyin ku aadan qiimaha looga xajiyo oo aad u badan, Shirkadahana oggolayn in ay qiimaha ka dhimaan, haddana qofka soomaliga ah waxaa lagu yaqaana oo can ku noqday, mar haddii uu niyeysto in uu xajiyo lacag ma qiimeeyo, wuxuu hamigiisu noqonaayaa keliya in uu lugtiisu gaaro Dhulka barakaysan ee Makka Al Mukarama, sidaas darteed, qiimo kasta ha laga qaado, waa in loo fududeeya safarkooda, shirkadahana ka helaan adeeg ka sareeya kii sannadkii hore loo diyaariye xujeeyda.”

Danta xujaajta Soomaalidu kuma jirto in wakiilladii shacabku shirkado ganacsi qaar la saftaan. Danta xujaajta Soomaaliyeed kuma jirto in wasaaraddu u kala eexato shirkadaha, kumana jirto in dadweynuhu shirkadaha qabiil ahaan ula saftaan. Dantoodu waxay ku jirtaa suuq furan oo shirkaduhu ay ku tartamaan tayada adeeggooda iyo qiimaha ay macaamiisha ka rabaan. Shantan xitaa in lagu koobo ma aha ee waa in suuqa cid kasta loo furaa, iyada oo loo dejinayo shuruud ku habboon oo habaysa suuqa.

Waxaa kale oo lamahuraan ah in shirkadaha duullimaadka iyo kuwa xajka la kala saaro. Shirkadda duullimaadku waa in ay ku koobnaato qaadidda iyo soo celinta xujaajta. Halka shirkadaha xajku ay yihiin cidda xujaajtu la dhaqmayso adeegga xajkana ka dalbanayso. Shirkadaha xajka ayaa diyaaraddii ay rabaan tigidh ka iibsanaya.

Waa in wasaaraddu ay lacagta xujaajta qayb ka haysaa shirkadaha ilaa xujaajtu soo noqdaan. Shirkaddii waajibkeeda ka soo bixi weyda oo adeeg fiican siin weyda macaamiisheeda, waa in la ganaaxaa, xujaajtiina loo celiyaa qayb lacagtoodii ka mid ah. Sidani waxa ay shirkadaha ku khasbaysaa inay ku dedaalaan bixinta adeeg heerkiisu sarreeyo.

Mustaqbalka waa in lagu dedaalo sidii loo heli lahaa hay’ad aan faa’iido-doon ahayn oo fulisa hawlaha ay shirkadahani hadda qabtaan, taas oo yoolkeedu yahay inay xujaajta Soomaaliyeed u suuragaliso gudashada waajibka xajka, iyada oo qiimaha laga qaadayaa uu yahay mid ku filan daboolidda kharashaadka ee aan wax faa’iido ah laga samaynayn.

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *