Home / Afkeenna / Baanise, Beeji, Bogdoox
©Warsame Yassin Osman

Baanise, Beeji, Bogdoox

Baanise

Baanise waa hadal kakan, cidda loo jeedinayo aan u roonayn, murti iyo tusaale ku dhisan, faan iyo gallad sheegasho miiran ah, gooddi shishana laga dhadhansan karo. Waagii ay Soomaalidu reer miyiga u badnayd ee dagaallada beeluhu joogtada ahaayeen ee geedaha lagu garrami jiray ayaa hadalka tilmaamahan lihina joogto ahaa.

Erayga baanise suugaantii hore aad ayuu uga buuxaa. Bal tusaalayaashan eeg:

1.      

Indhawaydba waa taan bannaday, baanisaha geed e

Bilcil waaban baan jiifi jiray, sida bakaylaad e

Niman bayga boolyaday halkay, badhidu ii tiil e

Allay lehe bardoodi iyo faan, iguma beegnayn e

Meerisyadani waxa ay arar u yihiin gabay uu Weerar Bulxan tiriyay, xilli uu tirsanayay in godkiisii biyo ugu soo galeen. Eraygii baanise waa ka baydka koowaad ku jira. Gabyaagu in aanu baryahaa geedaha “dood kakan” ka jeedin ayuu inoo sheegay.

2.      

Cid haddaad u baantee na tiri cara’e yaa sheega

Candho weeye oo waa naqaan caynka ay tahay.

Meerisyadani waxa ay ku jireen gabay uu Sayid Maxamed ku furdaamiyay xujooyin uu soo maleegay gabyaa la oran jiray Goonni Xaaji. Gabayga Goonni oo ku caanbaxay “Waa cajabe sheega”, faan iyo foolaadnimo ayuu ku dhammaanaya, lix iyo toban xujo oo xiriir ahna wuu ku dhammaanayaa. Ma u jeeddaan tilmaamaha gabaygu in ay shaabbahaan kuwii baanisaha. Sayidkuna arrintaa ayuu ka biyo diidsan yahay:

“Cid haddaad u baantee na tiri cara’e yaa sheega”.

3.      

Ararsame, bullada haygu tumo baanisaha geed e

Intuu burunjidaydii la tago, hayska baar lulo e

Bululixiska iyo faanku, waa buli inshaalleeye.

Meerisyadan, iyaguna gabay uu Sayidku lahaa bay ku jireen. Si toos ah ayaa loo garan karaa in Sayidka markan uu gabayga tirinayo laga gol roonaaday, dabadeedna uu oggolaaday in hortiisa ciyaar libineed lagu tunto, doodda geedka lagu jabiyo iyo in dakanadiisii lala tago. Baanise muran la mid aha oo dood wuu ka duwan yahay oo khudbad booskeeda ma buuxin karo. Intooda waxaa ka soocaya tilmaamaha uu leeyahay ee aan kor ku xusnay.

Beeji

Xarigga beeji; xarigga soohiddiisa qurxi.

Erayga beeji sida aan tusaalahan hore ba ka garan karro waa dhisaal qurxoonayn. Beeji; hagaaji oo shayga dhismihiisa bilic u yeel. Bal gabaygan hoose sida uu eraygani wax u taray eeg.

Wiil hadduu barbaar yahay talada beejin kari waaye

Wax uu baaxaddood garanin buu balaw yidhaahdaaye

Buuni uma dheg taagiyo ninkii, beri ka waynaa e

Marse baratan iyo loolan iyo bili hadday gaadho

Inaan bowsi biidkaa u tarin, ba’aha yow sheega.

Hal-abuur Hurre Axmed Maxamed la yiraahdo ayaa gabaygan tiriyay. Sida ka muuqata meeriska koowaad, hal-abuurku waxa uu qabaa aragtida Soomaaliyeed ee talada dhallinyarada bar-kuma-taalka ka yeesha, tan odayadana dhagaha u raaricisa. “Wiil hadduu barbaar yahay talada beejin kari waaye”; wiil, marba haddii uu dhallinyaro yahay, talada ma qurxin karo oo ma dhisi karo oo ma hagaajin karo.

Gammaanka iyo gaar ahaan fardaha, eraygan waa loo adeegsadaa markii taxaashkooda, kadlahooda ama xawaarahooda xarrago loo yeelayo. Tusaale: faraska oo kadlaynaya beeji Faaraxow, aannu aragnee.

Bogdoox

Bogdoox, waa magac loo aqoon jiray wadiiqooyinka yaryar ee jid weyn ka leexda, ujeeddooyin badanna loo maro, sida baqdin, tusaale ahaan. Sidoo kale, col meel fadhiya oo dhinac aanay filayn laga weeraro, eraygan waa loo adeegsan jiray. Sida ku xusan qaamuuska Cabdalle Mansuur iyo A. Puglielli, haweenay sidii dabiiciga ahayd u dhali wayday oo la qalay waa loo adeegsadaa. Mar afaraad, gabay uu abwaan hore lahaa oo loo bogay farsamada meerisyo ku jiray looga soo shaxaado waa la yiraahdaa bogdoox. “Sidii uu abwaan hore ba yiri hal aan ka soo dheegtay/ …”. Isku soo wada duub oo, afartaa ujeeddo ee erayga bogdoox loo adeegsado waxa ay wadaagaan astaan; tab ama xeel cusub oo arrin jiray adeegsigiisa lagu fududaysto.

Gasho booska SHORTCUT.

Tixraacyo

Qaamuuska Keenadiid | 1976

Qaamuuska Cabdalle Mansuur iyo Annartia Puglielli | 2012

Gabayaaga iyo xodxodinta Luun-Jeexa; Faarax Cabdullaahi (Faarax Geeydh); Maqaal.

Faallooyin Facebook-ga laga soo uruuriyey.

Check Also

Afkeenna: wadaraynta

Iyada oo ay jiraan gefaf badan oo laga galo dhismaha ereyada, haddana waxa aan isku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *