Home / Uncategorized / Ciidammada RRU-da
Sawirkan xuquuqdiisa cidda leh in aan helnaa nooma suuroobin

Ciidammada RRU-da

Ciidammada RRU waa ciidammo si gaar ah u carbisan oo ku soo biiray xooggaga ciidammada kala geddisan ee ka alkuman geyiga Soomaalilaan sannadkii labaad ee xukuumadda Axmed-Siilaanyo ay talada waddanka haysay, xilligaas oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Muxammad Nuur Carraale (Duur). Ciidankan sida aynnu magaciisaba ka arkaynno waa ciidan loo sameeyey in uu galo hawlgallo degdeg ah iyo falcelinno dhaqso badan oo ku jihaysan aagga iyo degmada dhiillo ka soo yeedho.

RRU waa saddexda xaraf ee ugu horreeya saddex erey oo lagu soo koobay magaca iyo nuxurka ciidankan, saddexdan xaraf ayaa u taagan Rapid Reaction Unit— Ciidankan RRU ayaa ah ciidan hela taageero kala geddisan oo dhinacyada tababarrada, dhaqaalaha, saanadda, iyo farsamada ah. Taageeradan oo ah mid dibadeed ayaa uga timaadda waddammada reer galbeedka, gaar ahaanna waddanka Ingiriiska oo qayb weyn ku lahaa dhismaha iyo shaqada ciidankan labadaba.

Ciidankan RRU ayaa ah ciidan bulshadu ka qabto dareen cabsi iyo baqdin badani ka buuxdo iyaga oo kolka ay arkaan muuqaalka ama ay maqlaan magaca ciidankan bixiya dareenno feejignaan iyo taxaddir ballaadhani ku dheehanyahay, tan ayaa noqonaysa mid ka dhalatay waxa ay kala kulmeen, arkeen, ama maqleen muddadii koobnayd ee ciidankani geyiga joogay.

Shaqada Ciidammada RRU 

Ujeedkii aasaaska ciidankani waxa uu ahaa ciidan loogu talo galay in uu qabto hawlgallada degdegga ah ee lagaga jawaabayo cid walba oo khatar amni ku haysa bulshada. Middaa waxa tilmaamaya magaca loo bixiyey ciidanka iyo xogaha ay bixiyeen wasiirrada amniga iyo arrimaha gudaha ee Soomaalilaan oo uu ugu horreeyo wasiirkii ciidankan xilligiisii la aasaasay ee Muxammad Nuur Carraale (Duur) oo tilmaamay in ay sameeyeen ciidan jawaabo amni oo dhaqso badan ka bixin kara xaaladaha amni ee waddanka la soo gudboonaada, maalin uu tababar u soo afmeerayey cutubkii ugu horreeyey ee samayma ee RRU-da.

Haddaba kolka la eego hawlgalladii ay ciidammada RRU-du sameeyeen intii ay jireen waxaa kuu soo baxaya muuqaal iyo hummaag ka geddisan midka uu muujinayo magaca iyo ujeedkii aynnu tibaaxnay in ay masuuliyiintii aasaaskiisa bud-dhigay sheegeen oo ahaa in ay bixiyaan jawaab dhaqso ah oo ku aaddan cid walba oo cadow ku ah amniga qaranka una baahan in tallaabo degdeg ah laga qaado.

Inkasta oo aynnaan immika hayn ama soo wada bandhigi karin dhammaan hawlgalladii ay sameeyeen ciidammada RRU-du haddana inta ugu waaweyn ee ay wada garan karaan dhammaan bulshoweynta reer Soomaalilaan ma ahayn hawlgallo u baahan in la geliyo cududda iyo awoodda la adeegsaday ee intaa le’eg.

Haddii aynnu tusaalayaal ka soo qaadanno hawlgalladii ciidammadani sameeyeen waxa ay noqonayaan intooda badan kuwo lagu soo qabqabtay qofaf ka mid ah bulshada reer Soomaalilaan oo isugu jiray culimo iyo siyaasiyiin Soomaalilaan aad looga yaqaanno, kuwaas oo weligoodba bulshada reer Soomaalilaan ka mid ahaa, badankooduna qayb weyn ka qaatay dhismaha iyo ilaalinta nabadda Soomaalilaan.

Hawlgalladii ay sameeyeen ciidanka RRU intooda ugu badani waxa ay ka dhaceen magaalada Hargeysa, waxaana ku soo labaysa magaalada Burco, halka Boorame ay noqonayso midda saddexaad oo hal hawlgal oo qudha ay ciidanka RRU ka sameeyeen—inta ogaalkay ah. Tusaalayaasha waxaa ka mid ah

Sannadkii 2014’kii, bishii shanaad,  waxa ay goor saq dhexe ah ka qabteen guriga uu ka degganaa magaalada Hargeysa wasiir ku xigeenkii hore ee amniga, Cabdullaahi Abokor Cismaan. Waxaa xusid mudan in wasiir ku xigeenkani uu ahaa raggii dhidibbada u taagey ciidankan ee la sameeyey xilligii uu ahaa wasiir ku xigeenka amniga, hase ahaatee Cabdullaahi waxa uu ka mid noqday qofafkii ugu horreeyey ee ciidankii uu qaybta ka ahaa dhismihiisa iyo siyaasaddii samayntiisaba ay saq dhexe gurigiisa kala soo baxaan iyaga oo weliba u qabtay qaab aad u fool xun.

Sannadkii 2013’kii bishiisii lixaad, hawlgal ay sameeyeen ciidanka RRU waxa ay goor saq dhexe ah magaalada Hargeysa ka qabteen siyaasiga la yidhaahdo Cismaan Awr-Liqe. Cismaan waxa uu hore uga mid ahaa shaqaalaha madaxtooyada Soomaalilaan immikana waa xubin ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye mana jirin khatar amni oo uu Soomaalilaan ku hayey xilliga ay ciidankani qabanayeen.

Sannadkii 2013’kii bishiisii siddeedaad, waxa ay ciidanka RRU-du ka qabteen isaga oo gurigiisa magaalada Burco ah jooga goor saq dhexe ah Sh. Siciid Cabdi Jaar oo ka mid ah culimada iyo ganacsatada Burco. Sh. Siciid weligii waxa uu ku noolaa Soomaalilaan ilaa immikana uu ku nool yahay, marka laga reebo in uu yahay qof muwaadin ah oo waddankiisa jecel wixii gef u muuqdana sheega ma jirto dhibaato amni oo uu Sh. Siciid marna u geystay ama ku hayey Jamhuuriyadda Soomaalilaan iyo bulshadeeda midna.

Sannadkan aynnu ku jirro (2017) waxa ay ciidanka RRU gurigiisa magaalada Hargeysa goor saq dhexe ah ka qabteen Sh. Aadan Cabdi Warsame ( Aadan Sunne) oo ka mid ah culimada Soomaalilaan ee weligood ku dhex noolaa bulshada Soomaalilaan kana mid ahaa raggii qaybta weyn ka qaatay dhismaha nabadda iyo dejinta bulshada.

Sannadkii 2014’kii bishiisii kowaad waxa ay ciidanka RRU goor saq dhexe ah ka qabteen gurigiisa ku yaalla magaalada Burco siyaasi Guuleed Daahir Samatar. Guuleed waxa uu hore u ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer xilligii ay talada waddanka haysay xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin immikana waa xubin ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Guuleed  weligii waxa uu ka mid ahaa raggii Soomaalilaan joogay mana jirin ama aan idhaahde ma dhicin khatar amni oo uu Soomaalilaan ugu hayey qofnimadiisa.

6. Sannadkii 2014’kii, bishii Ramadaan dhammaadkeedii, waxa ay goor saq dhexe ah gurigeeda magaalada Hargeysa ka qabteen marwo Bariira Xasan Cabdullaahi. Marwo Bariira waa marwo maamuusan oo ka mid ah ganacsata magaalada Hargeysa waana xaaska iyo marwada Sh. Muxammad Cali Biixi oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaalilaan iyo guud ahaan ba culimada Soomaalida. Waa xubin ka mid ah Midowga Culamada Muslimiinta, waa mufasir muddo aad u dheer ku bixiyey sharraxaadda iyo fahamsiinta bulshada la fahamsiiyo hadalka Rabbi. Marwo Bariira waa xaas iyo marwo ganacsato ah oo weligeed degganayd kana mid ahayd bulsho weynta reer Soomaalilaan ee amnigooda iyagu tiirka koowaad u ah dhismihiisa iyo ilaalintiisaba.

Qaabka ay u hawlgalaan

Waxa ay fuliyeen dhammaan hawlgallada ay sameeyeen muddadii ay jireen goor dambe oo habeenkii ah—waa xilliyada ay ugu horrayso kow iyo tobanka habeennimo ilaa laga gaadhayo labada iyo badhka ama saddexda habeennimo (11:00 pm – 2:30 am). Waa goor dambe oo habeennimo ah dadka intooda badanina ay hurdaan.

Ciidankani waxa ay goobta yimaaddaan iyaga oo hubaysan kuna gaashaaman noocyada gaadiidkooda ay gaarka u adeegsadan.

Qaabka ay u hawlgalaan marka la eego waa qaab aad u adag una arxan-daran kaas oo ugu horraynba ciidanku iyaga oo adeegsanaya qalab kala duwan ayaa ay guriga u dhacayaan, marka ay ka hor yimaaddaan albaabbo xidhan waxa ay adeegsadaan xoog ay ku burburiyaan albaabka iyaga oo aan isku dayin in ay gaaraacaan albaabka si looga furo.

Ciidankani waxa ay marar badan adeegsadaan rasaas farabadan oo ay ka ridaan agagaarka goobta ay hawlgalka ka wadaan goortaa dambe ee habeenka ah, iyaga oo dhammaan aaggana ku daadiya ciidammo tiro badan oo kala gala aagga ay hawsha ka wadaan iyo nawaaxigeeda si ay u ilaaliyaan ammaanka guud ee meesha inta ay hawshu ka socota goobta ay markaa ka hawlgalayaan. Hawlgallada ay sameeyaan ciidanka RRU-da waxa ka dhasha dhaawac iyo burbur soo gaadha guryaha iyo goobaha ay ka hawlgelayaan mana jirto cid magdhow ka bixisa burburkan hantiyeed ee ay geystaan ciidanka loo yaqaanno RRU-du.

Muxuu yahay waxa ay Soomaalilaan ka dhaxli karto hawlgallada saqda dhexe loogu dhacayo guryo ay deggan yihiin dad ka mid ah bulshada Soomaalilaan, sida culimada iyo siyaasiyiinta? Maxay tahay waxa ay Soomaalilaan ka dheefi karto in saq dhexe guryaha albaabbadooda lagu jabiyo si xoog ah iyada oo la adeegsanayo awoodda ciidammada bulshadu cashuurtooda ku bixiyaan biilkooda iyo noloshooda? Maxay Soomaalilaan ka dheefi kartaa in saq dhexe la toosiyo oo hurdada loo dacareeyo ummad dhan oo deggan?

Maxay Soomaalilaan ka dheefi kartaa saska iyo didmada carruurta iyo waayeelka biri-ma-geydada ah ee habeen walba oo ciidammada RRU hawgal sameeyaan goor saq dhexe ah hurdada laga kiciyo ee dibadda u soo booda iyaga oo naxdin iyo anfariir u malaynaya in qiyaamihii dhacay suurtiina lagu afuufay? Maxay Soomaalilaan dhaxalsiin doontaa ilmada iyo oohinta haweenka ee habeen walba ka dhacaysa hooyo, xaas, inan, iyo walaal iyada oo arkaysa horteeda indhaha lagaga xidhay xoogna lagu kaxaystay inankeedii, saygeedii, aabbeheed, iyo walaalkeed goor aanay tallaabo qaadi karin, goor aanay xataa ka wardooni karin halka qofkan waagu ugu beryi doono?

Suurayso oo maankaaga si miiggan u dhex dhig waxa ay dareemi doonaan ubad yaryar oo fiidkii nabad ku seexday hase ahaatee inta ay saq dhexe seleeleen oo hurdadii ka yaaceen iyaga oo arkaya aabbohood ciidammo afka duubani laba-dible u xidheen, indhaha iyo madaxa inta maro loo geliyey lala baxay xilligaas? Ma kula tahay in ay dib u seexanayaan ama hurdo ka dambe ku soo dhacayso? Ma isleedahay carruurtaa iyo ubadkaasi ciidammada kala geddisan waxa ay u arki doonaan adeegayaal bulsho mise waxa maankooda degi doona arxandarrada iyo cadaawadda ay u qabaan ciidanka iyo guud ahaanba madaxda waddanka iyo xataa bulshada kala geddisan ee waddanka la joogta? Sawir noocee ah ayaa uu kaga tagi doonaa xasuusta maguurtada ah ee dhallaannimo? Dhaawac intee le’eg ayuu se gaadhsiin doonaa maskaxdooda u baahan ilaalinta iyo daryeelka balaadhan ee marka hore abuurka iyo dabeecadda nabadda ahi dhibaatooyin badan ku hayaan?

Muwaadinkii waddaniga ahaa, Soomaalilaan jeclaa ee geed dheer iyo geed gaaban u koray dhismaha nabadda dalkiisa hooyo marka laga dhigo hororka iyo cadowga koowaad ee nabadda waddanka bulshada xaggee loo wadaa ujeedku muxuu yahay Soomaalilaan se maxay ka nuugi doontaa?.

Maxaa ay samayn doonaan qoyska saq dhexe lagala baxay masuulkii guriga, aabbihii, saygii, inankii ama walaalkii guriga joogay ee laga dhaqaaqay dumar iyo carruur iyada oo albaabbadii gurigu burbursan yihiin, ma naxdin-tirasho awgeed ayaa ay hurdo iska baadh-baadhaan si ay anfariirka ugu yareeyaan mise gaadh ayaa ay noqdaan inta waaga-berigiisa ka hadhay oo albaabbada ayaa ay ilaaliyaan?. Hantida iyo dhaqaalaha ku burbura hawlgallada RRU sameeyaan dhab ahaan yaa magdhowgooda laga doonayaa yaa se bixinaya xoolaha laga baabi’inayo bulsho dhammaanteed sabool ah oo nolol-maalmeedkeeda caadiga ah ku hesha ama ba ku weyda halganka bini aadam bixiyo midkiisa ugu adag?.

Aniga oo daacadnimo warramaya waxa aragtidayda ii soo baxay kolkii aan weydiimahan isu dhii-dhiibay warcelinahan soo socda: Soomaalilaan waxa ay ka dhaxli kartaa falalka ay sameeyaan ciidammada RRU waxyaabo aan dheeftooda la mahadin doonin oo ay ugu horrayso nacsiin bulshada la nacsiiyo magaca, maqalka, iyo aragga ciidammada nabadgelyada iyo guud ahaanba xooggaga waddanka ee kala geddisan, waxa ay dhaxalsiin doonaan dhaawac bulsho oo kala ah dhinacyada kalsoonida iyo isku xidhnaan bulshada iyo dawladda, waxa ay dhaxalsiin doonaan bulshada oo dhankeeda baylihisa dhismaha iyo ilaalinta nabadda ay bulshadu tiir dhexaadka u tahay, waxa ay dhaxalsiin doonaan inkaaro iyo masiibooyin ka dhasha dulmiga iyo tacaddiga loo gaysanayo addoon muslim ah oo laga yaabo in isaga iyo Rabbigii uu xidhiidh weyni ka dhexeeyo.

Waxa ay dhaxalsiin doonaan dhaawac maskaxeed iyo burbur dhanka maanka ah oo soo gaadha ubadka iyo guud ahaan dadka ay hawlaha noocan ahi habeen badhka qabsadaan oo laga yaabo qaar badan in dhaawaca uu arrinkan oo kale u geysto uu ka dhaxlo waalli iyo in uu xiskiisa waayo.

Waa midhaha aynnu ka goosan karro geedka qadhaadhka badan ee ka beerma ilmada iyo oohinta ubadka, haweenka iyo waayeelka kowda ama labada habeennimo daaradda guryaha albaabkii laga burburiyey dhex taagan ee naxdinta, baqdinta iyo ciilka ay dareemayaan haddii uu miinooyin noqon lahaa sanqadha ka baxda iyo halaagga uu geysan lahaa ay yihiin kuwo aan immika maankeennu qiyaasi karayn.

Gunaanad

Ugu dambayn waxa aynnu u baahan nahay in aynnu garanno oo garwaaqsanno qaabka shaqo ee ciidammada RRU in aanay ahayn qaab ummaddan iyo waddankan midna dantiisu ku jirto; in aanu ahayn qaab ay bulshada Soomaalilaan u dulqaadan karto; in uu yahay mid bulshada soo xasuusinaya xilligii taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Waxa aynnu u baahan nahay in aynnu si wada jir ah u waajahno toosinta iyo sixidda qallooca aadka u weyn ee ku jira ciidammada RRU-da iyo qaabkooda shaqo.

Waxa aynnu u baahan nahay in aynnu hawshan qaran u istaagno innaga oo ilaalinayna akhlaaqda iyo nidaamka sixitaanka intii innagala gudboon. Aqoonyahanka, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, iyo dhammaan haldoorka bulshada ee dalkan iyo dadkiisa jecel waxaa la gudboon in ay hawshan u istaagaan waajibkoodana gutaan.

Ugu dambayn waxa aan naawilayaa in gefafka jiraa sixmi doonaan qalloocuna meesha ka bixi doono Soomaalilaanna aanay dhabbaha horusocodka ka soo jeesan doonin.             

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *