Home / Amni / Riddo Dhagarqabe: Dhiillada Colaadda Oromada iyo Soomaalida!

Riddo Dhagarqabe: Dhiillada Colaadda Oromada iyo Soomaalida!

Sida taariikhda dheer iyo ta dhowba ku xusan, dhaqanka siyaasadeed ee Itoobiya, muddo dheer waxa uu ahaa dhuxul dambas huwan. Amda Seyon, ayaa lagu tiriyaa in uu ahaa aasaasihii dawladnimada kelitaliska ku dhisan ee Itoobiya. Soddon gu’ oo ka soo bilaabmaya 1314’kii kuna idlaanaya 1344’kii ayaa la sheegaa—in xukunkiisu goonyaha u fidiyey gacantiisa kululina—gawracaysay boqorro iyo bulshooyin badan oo taliskiisa ka hor jeeday.

Boqortooyooyinkii uu curdan-dhadhiyey waxa ugu tun roonayd saldanaddii Muslimka ahayd ee qarnigii saddex-iyo‑tobnaad Geeska Afrika ugu xoogganayd ee Ifaat. Jabkii boqortooyadaas iyo kuwii kale ee dhulka Xabashida (Abyssinia) ka jiri jirey ka dib, waxa barroosinka aastay nidaamka xukunka adag ee dawladnimada Itoobiya. Falsafadda nidaamkaas uu dhidibka u taagay Amda Seyon, waxaa astaan u ahayd in bahda laga saaro bulshooyinka taliska hoos yimaadda, iyo in cid kasta oo madaxa taagta ama maammulka dawladnimada il qalloocan ku eegta birta laga aslo. Dabeecaddaas, ayaa ilaa jeerkan ah habka keliya ee dawladnimada Itoobiya ku shaqayeeyo.

Xukun hadba qoomiyadi xoog ku qabsato iyo xukuumad jeerba qolo xuurtaysato, kuwaas, oo xilligooda geysta xasuuqyo aan xisaab la iska weyddiin ayaa ka caadiyoobay dalkaas. Ka dib burburka taliskii Dhargiga, waxa talada la wareegtay jabhadda tplf ee Tigreega. Sidii caadada u ahayd dhabbada siyaaseed ee dalka, jabhaddu waxa ay xukunkeeda ku socodsiisay qoorqabad iyo qori caaraddii. Dhuxul dambas huwan waa sidii laga filayaye, muddo dhawr sano hortood ah waxa bilaabmay kacdoon shacab oo taliska lagaga soo hor jeedo. Kacdoonkaa waxa hormood ka ahayd qoomiyadda ugu tirada iyo dhulka badan Itoobiya ee Oromada; waxaana gadaal kaga soo biirtay qoomiyaddii xukunka muddada dheer soo hayn jirtey ee Amxaarada.

Intii haddaba aanay kacdoonnadani bilaabmin, waxaa jirey kaartooyin door ah oo uu falkiyey hoggaamiyihii xeeladda durugsanaa ee Meles Sanaawi. Kaartooyinkaas waxa ugu mudnayd mid xididkeedu ku aroorayo xikmaddii Soomaaliyeed ee ay ahayd: lafo geri iyaga ayaa la isku jebiyaa—waxa aanay ahayd in qoomiyadaha taliska ka hor iman kara dhexdooda halase laga shido. Waxa intaas raacaysay, in haddii taliska udbaha loo siibo—godobihii uu galay lagu reebo—qoomiyadaha Soomaalidu ugu horrayso. Taas ayaa la odhan karaa, waxa ay ahayd sababtii ka dambaysay aasaaska ciidanka Liyuu Boolis-ka, oo si kasta oo ay diirka Soomaali uga yihiin, dadnimada bahalo uga ah!

Dharaarihii kacdoonku taliska gilgilay, Liyuu Boolisku waxa ay ka dagaallamayeen magaalooyinka ugu waaweyn galbeedka dhulka Amxaarada ee Goondhar, Goojaam iyo Baxardaar. Sidaas si la mid ah, waxa laga dagaal geliyay bartamaha Hararge, galbeedka Aarsi iyo koonfurta Shewa ee dhulka Oromada. Warbixinno ay wakaaladaha wararku qoreen waxa ay sheegeen in ciidankaasi dil baahsan goobahaas ka geystay, iyaga laftoodana dhibaato weyni ka soo gaadhay. Intaas dabadeed, waxaa bilaabmay iskudhacyo dhawr ah oo dhex maray qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida, iyada oo kuwii u dambeeyay ay ahaayeen dagaallo la sheegay in Liyuu Boolisku ku qaadeen kuna qabsadeen tuulooyin ka tirsan gobolka Nagayle, halkaas oo la sheegay in ay dad badan oo rayid ah ku laayeen.

Isla dagaalladaas iyo dhacdooyinkaa ujeeddaysan ee ka horreeyay, ayaa la dhihi karaa waxa ay sabab u ahaayeen dilkii foosha xumaa ee toddobaadkan Oromadu degaanka Haawaday ugu geysatay dadkii rayidka ahaa ee Soomaalida ahaa. Dad badan, oo warmoog ah, ayaa ku baraarugay dilkan u dambeeyay iyo qayladhaanta maammulka Kililka Shanaad. Dadkaasi, sida ay u warmoog yihiin, ayay uga dareenceliyeen dhacdadaa: in Oromada dhulka Soomaalida laga saaro ama laga aarsado, in loo diyaar garoobo colaad hor leh oo Oromada lagu wajaho iyo dhiillooyin la mid ah ayay weedhaaminayeen.

Haddaba, dareencelintas iyo falalka ka dhalan kara ayaa ah natiijooyinka uu colaaddan ka damacsan yahay taliska halabuuray, midhaha guushiisuna waa dabka isaga ku baxaya oo uu iskaga demiyo iscolaadinta labada qoomiyadood.

Dhinaca kale, waxa xusid mudan, xidhiidhka ganacsiga iyo ka dhaqaalaha ee gobolka sida colaaddani u saamayn karto. Xaqiiqooyinka ili-aragtayga ah waxa ugu horreeya: qaadka Itoobiya ee lagu cuno degaannada Soomaalida Kililka iyo Soomaalilaand, in uu ka yimaaddo dhulka Oromada. Sidaas oo kale, badeecadaha ganacsi ee ka soo dega dekedda Berbera, ee sida koontarabaanka loogu kala iibsado magaalada ganacsi ee Wajaale, cidda ugu badan ee iibsataa waa Oromo. Sidaa daraaddeed, haddii colaaddani sii hurto, cidda ugu horraysa ee khasaaraha dhaqaale soo gaadhayaa waa Soomaalida.

Dhanka kalena, danayn badan waxaa u baahan, waxa ka dhalan kara kacdoonnada abaabulan ee bulshooyinka Oromadu ugu horraysaa kaga hor jeedaan taliska. Haddii ay kacdoonnadaasi guulaystaan, oo xukunka ay la wareegaan Oromada ama Amxaaradu, dhaxalka Soomaalidu ka dambarsan doonto ayaa ah halxidhaale sida uu doono u furfurmi kara!

Check Also

Kalatagga Itoobiya

Inta badan, dhulalka iyo ummaduhuba waxay ku midoobaan qori caaraddii. Marar aan badnaynna ayagoo israba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *