Home / Mux39-Okt17 / Sirta guurka Nebi Muxammad SCW

Sirta guurka Nebi Muxammad SCW

“Haddii loo gabbalo dayo

gunta loogu sahan tago

guurka waa la mahadshaa

gumaradu lib weeyaan

godad baa la eegaa

iyo meelo kala guran

isgargaarku waa sees

qabyo waxa gufayn kara

laba guusha wada jecel”

Gelbis | Hadraawi

Markii la weydiiyey Caa’isha rc, “Nebi Muxammad scw siduu ahaa?”, waxa ay tiri, “Waxa uu ahaa Qur’aanka oo soconaya”.Sidaas ayaana uu ahaa Suubbanahu scw. Waxa uu tusaale nool oo ku barayey la noolaanshaha qayb kasta oo nolosha bini aadamka ka mid ah. Waxa uu Nebigu scw guursaday—oo qaatay darajada, Ummahaatul Mu’miniin— 11 haween ah. 11’kaas qoys waxa ay sidaan casharro iyo mabaadi’ ahmiyad weyn u leh nolosha guurka ee ummadda Muslimiinta ah. Waxa ay sahan u yihiin mawduuc kasta oo qoys Muslim ah soo wajihi kara iyo tabtii loola noolaan lahaa xaaladahaas nololeed ee kala geddisan. Halkan hoose waxa aan ku soo qaadanayaa qaar ka mid ah mabaadiidaas iyo casharradaas nolosha guurka Nebiga scw ku dhex jira, ayna tahay in bulshadu ka faa’iidaysato.

1. Maaraynta dhaqaalaha

Khadiijah rc hanti iyo ganacsi ayaa ay lahayd Nebiguna scw maamule ka noqday; marna maalkaas ma uusan sababin khilaaf, muran, iwm. oo Nebiga scw iyo khadiijah rc kala dhex gala. Nebi Muxammad scw kalsooni dhammaystiran ayaa uu siiyey Khadiijah rc dhanka maaraynta ganacsiga iyo dhaqaalaha. Faa’iidaday sugaysay iyo mid ka badanba miiska ayaa uu u saaray. Qodobka dhaqaalaha iyo maarayntiisu waa qodob xasaasi ah oo guryo badan ay u dumaan. In lammaanuhu isku fahmaan dhaqaalaha waa muhiim, waxaana dhabbada u jeexay guurka Khadiijah rc iyo Nebiga scw, gaar ahaan marka haweeneydu dhaqaalaha leedahay ama qayb ku leedahay, sida maanta loo badan yahay.

In uu ninku qaado dhaqaale ka wada dhexeeya isaga iyo xaaska, ka dibna uu baal maro ballantii ay isku ogaayeen; oo tusaale ahaan haddii ay isku ogaayeen guri ku soo iibi, uu aroos ku soo galo, mana aha manhajkii Nebi Muxammad scw.

2. Isku taakulaynta arrimaha ehelka

Nebi Muxammad scw markii uu Khadiijah rc guursaday ka dib, waxa uu keenay gurigiisa Cali bin Abii Daalib oo uu masuuliyaddiisa kala soo wareegay adeerkii si uu uga khafiifiyo culayska reerkiisa, maadaama adeerkii abaal weyn ku lahaa. Khadiijah rc waa ay aqbashay in Cali gurigeeda ku koro, diiqad iyo dhibna uma arag ee waliba garab buuxa ayaa ay Nebi Muxammad ku siisay.

3. Carruurtu in aysan ka tan  badan xiriirka lammaanaha

Qoyska Khadiijah rc iyo Nebi Muxammad scw waxa uu ahaa qoys ballaaran; Khadiijah carruur labo ah ayaa ay wadatay markii ay Nebiga scw isguursadeen, isagana waxa ay u dhashay lix carruur ah iyo waliba Cali iyo Zayd ibnu Xaarithah oo iyaguna guriga joogay. Intaas oo carruur ah wax saamayn ah kuma yeelan xiriirka wanaagsan ee Khadiijah rc iyo Nebi Muxammad scw. Korinta carruurta iyo daryeelka sawjku waa hawl aad iyo aad u adag, se ay Khadiijah rc tusaale u tahay sharaf aan haweeney kale la siinna ay Ilaahay agtiisa kaga heshay.

4. Abaalka oo ay lammaanahu isu celiyaan

Khadiijah rc intii aysan isguursan Nebi Muxammad scw waxa ay ku jirtay xaalad adag oo quus ah iyo welwel badan oo dhanka ganacsigeeda ah; waxa ay quus ka ahayd ruux ay aaminto. Mid walba oo ay shaqo u dirto khiyaano iyo sagsaag ayaa ay kala kulmaysay. Taas waxa ay gaarsiisay kalsoonidarro iyo shaki dhanka ragga ah, waxa ayna ku xambaartay in ay dhammaan ku gacansayrto raggii soo doontay ee guurkeeda ku taamayey. Ilaa ay kala kulantay Nebi Muxammad scw, isaga oo kalsoonida ka tagtay u soo celiyey, aammaanadiina u xafiday, isla markaasna horumarin dhaqaale waqti kooban ku gaarsiiyey ganacsigeedii.

Abaalkaas iyo wanaaggaas Khadiijah rc Nebiga scw waa ay u celisay markii waxyigu soo degay waxa ay noqotay qalbigii ugu horreeyey ee risaalada Nebi Muxammad scw rumeeyey. Tanna  Nebigu scw ma qarin mar walba afka ayaa uu ku hayey ilaa Caa’isha rc ay ka masayrtay iyada oo dhimatay.

5. Kaadsiin iyo waqti isa siin xaaladaha dheeraadka ah

Markii uu soo dhowaaday xilligii waxyigu soo degayey, Nebigu scw waxa uu jeclaaday in uu dadka ka dhex baxo, waxa uuna ku negaaday Qaar Xiraa’. Marxaladdan waxa ay ahayd marxalad adag. Xilligan Khadiijah rc da’deedu waa 55-jir waayo badan soo martay, heerar kala duwan oo nololeed soo noolayd, haatanse dhexda kaga jirta waayihii nololeed ee nolosheeda ugu adkaa. Nebigu scw waa uu ka haajiray gurigii ay sannado badan  ku wada noolaayeen. Buur ayaa uu figteeda saaran yahay. Halkaas ayaa uu u hoydaa. Waa aamusan yahay oo fekerayaa. Adduunkii uu 40 sanno ku noolaa ayaa uu hal mar ka dhex baxay. Sababta rasmiga ah ee uu sidaas u yeelay ma oga.

Waxaa hubaal ah in dadka magaalada la deggani su’aalayeen sababta uu u baxay, waxa ku dhacay, iyo waxa uu buurta ka hayo. Su’aalo ay iyaduba jeclaan lahayd jawaabahooda. Laakiin halkii ay su’aalaha ku mashquuli lahayd waxa ay ku mashquushay baahidiisa waqtina siisay!

Maanta ma jiro qoys waxyi ku soo degayo, laakiin casharka laga qaadanayaa waa in lammaanahu aysan degdegin marka xaalad dheeraad ah midkood ku timaaddo oo ay dulqaad, kaadsiis, ixtiraam, iyo waqti isa siin la yimaaddaan.

6. Ma aha waxaad rabtid ee waa waxaad u baahan tahay

Guurka Sawda rc Nebigu scw kama eegin dhanka quruxda kore, ee waxa uu ka eegay quruxda qarsoon oo ah dhaqanka iyo dabciga wanaagsan. Sawda waxa ay ahayd haweeneydii ugu habboonayd xilligaas Nebiga scw; murugo badan baa uu ku sugnaa geeridii Khadiijah rc ka dib. Sawda rc waxa ay ahayd haweenay haddii ay eray tiraahdaba ay qasab tahay in ruuxu qoslo.

7. Jacaylku waa ficil muuqda

Guurka Caa’isha ee Nebi Muxammad scw casharka ugu weyn ee laga baranayo waa jacaylka lammaanaha. Caa’isha rc iyo Nebi Muxammad scw waa ay wada qubaysan jireen, wax wada cuni jireen, isdhunkan jireen, wada ordi jireen, wada sheekaysan jireen, isdhegaysan jireen, wada safri jireen, iwm. Dadka ayaa uu u sheegayey in uu Caa’isha jecel yahay.

8. Jacaylka lammaanahu kama turjumayo xiriir dhammaystiran

Jacaylka badan ee dhexyaallay Caa’isha rc iyo Nebi Muxammad scw kama xirin albaabkii khilaafka iyo ismaandhaafka. Caa’isha rc masayr ba’an ayaa ay lahayd ilaa uu ku xambaaro in uu Nebigu scw furo xaasaskiisi.

9. Labada qof oo dad wanaagsan ah daliil uma aha guusha guurka

Guurka Xafsa rc iyo Nebi Muxammad scw waxa uu ina barayaa in wanaagga labada qof mid walba goonnidiisa u yahay qof wanaagsan in aysan keenin guusha guurka, laakiin guusha guurku ku jirto sida lammaanahu isu fahmaan. Xafsa rc, sida Caa’isha rc tilmaantay, waxa ay lahayd shakhsiyad u adag sida aabbaheed Cumar ibnul Khaddaab rc oo kale. Waa ay hadal caddayd waana ay la murmi jirtay Nebiga scw ilaa murankaas uu sababay in Nebigu scw xafsa rc hal dalqad furo, ka dibna uu Jibriil cs soo degay oo Nebiga scw ku wargeliyey in uu Xafsa rc soo ceshado maadaama ay ka mid tahay xaasaskiisa Jannada iyo in ay tahay mid cibaado badan oo soonta oo salaadda.

10. Isku dhaca iyo khilaafka lammaanaha waxaa sababi kara ku dayashada dad kale

Cumar ibnul Khaddaab ayaa markii uu ka war helay muranka Xafsa rc iyo Nebiga scw, uga digay Xafsa rc arrinkaas weydiiyeyna sababta keentay, waxa ayna Xafsa rc sheegtay in Caa’ishaba sidaas ula hadasho Nebiga scw. Cumar rc si kulul ayaa uu Xafsa rc ula hadlay waxa uuna u sheegay in aysan ku dayan Caa’isha rc iyo sida ay ula dhaqanto Nebiga scw. Xafsa rc iyo Caa’isha rc in kasta oo la wada qabay, haddana saaxiibbo aad isugu dhow ayaa ay ahaayeen.

11. Wanaagga aad samaysaa waxa uu ku gaarsiiyaa guur wanaagsan

Zaynab bint Khuzaymah rc waxa ay caan ku ahayd sadaqada, waxaana naanays u ahayd “Ummul Masaakiin”. Zaynab waxa ay dhimatay 3 bilood ka dib markii uu Nebigu scw guursaday. Waqti aad u gaaban ayaa ay Nebiga scw la qaadatay, hase yeeshee, culamadu waxa ay tilmaamaan in Zaynab rc Ilaahay swt cimriga ugu dheereeyey sadaqadii ay bixin jirtay awgeed (Nebiga scw waxuu yiri sadaqadu cimriga ayeey dheeraysaa), sidaasna ay fursad ugu hesho guurka Nebiga scw iyo ka mid ahaanshaha “Ummahaatul Mu’miniin” .

12. Shakhsiyadda iyo duruufaha oo laga run sheego si aan hadhoow iskudhac u imaan

Nebigu scw markii uu doonay Umm Salama, waxa ay ku tiri iska kay daa sababta oo ah (1) waan masayr badanahay, iyo (2) waxaan ahay hooyo carruur haysata oo macnaheedu ahaa, maadaama aan hooyo ahay waqtigayga iyaga ayaa iga qaadan doona adigana waqti badan kuuma heli doono. Nebigu scw Umm Salama rc daruufaheeda ayaa uu ku aqbalay.

13. Talada wanaagsan ee xaaska in uu ninku qaato

Sida la wada yaqaan Umm Salama waxa ay ka talisay xaalad siyaasadeed oo cakiran Nebiguna scw uu xal u waayey, ka dib heshiiskii Xudaybiyah.

14. Qaladka in dhaqso loo saxo

Markii uu Nebigu scw guursaday Safiyah bint Xuyey, ayaa dumar badan (koox xaasaska Nebiga ahna ku jiraan) geeska galiyeen maadaama ay ka soo jeedday qoys Yahuuud ah oo aysan Carab ahayn. Nebigu scw waa uu ka reebay xaasaskiisa in ay Safiyah ku dhahaan “yahuudiyadda”.

15. In lammaanahu aqoonta isu faa’iideeyaan

Maalin ayaa uu Nebigu scw ka tagey Juweeriya rc oo duco iyo dikri u fadhida waxa uuna u soo laabtay iyadii oo isla meeshii fadhida oo ducadii iyo dikrigii wadda. Nebigu scw waxa uu weydiiyey in ilaa markii uu ka tagey ay sidii u fadhiday, waxa ayna ku jawaabtay ‘Haa’! markaas ayaa uu Nebigu scw baray duco afar kalmadood ah oo u dhiganta saacadihii badnaa ay ducaysanaysay.

16. Xaaska wanaagsan gogosha ninkeeda uma oggolaato dadka xun in ay ku fadhiistaan

Umm Xabiiba rc waxaa maalin u yimi aabbaheed Abuu Sufyaan intii uusan islaamin, isaga oo doonayey in ay inantiisu kala hadasho Nebi Muxammad scw xaajo uu markaas u socday. Umm Xabiiba markii uu aabbaheed u soo galay ayaa ay la boodday gogoshii iyada iyo Nebiga scw oo dhaqso isugu laablaabtay, Aabbaheed waxa uu weydiiyey sababta ay gogosha isugu laablaabtay, “Ma darinta ayaan ii qalmin mise anaan u qalmin?’ ayaa uu weydiiyey, waxa ayna ugu jawaabtay, “Adoo kale xaq uma laha in uu ku fadhiisto gogosha Nebiga scw”.

17. In lammaanahu iska caawiyaan xadgudubka iyo xanta bulshada kaga timaadda

Safiyah bint Xuyey rc markii uu Nebigu scw Madiinah keenay, waxaa ku kacay dumarkii magaalada oo faquuqay maadaama aysan Carab ahayn. Waxa ay bilaabeen in ay ‘yahuudiyadda’ ugu yeeraan. Nebigu scw Safiyah rc ayaa uu garab istagaay kana difaacay xadgubkaas. Waxaa kale oo uu Nebigu scw Safiyah rc baray habkii ay isu difaaci lahayd, waxa uuna ku yiri, “Quraysh baan nahay markay kuugu faanaan, ku dheh: ninkaygu waa nebi, Aabbahay waa nebi, adeerkayna waa nebi,”.

18. Xaaska wanaagsan dad iskama keento guriga ilaa ay idan weydiiso ninkeeda

Maymuuna rc waxaa ka codsaday in uu guriga yimaado oo la seexdo Cabdullaahi ibn Cabbaas oo ay habaryar u ahayd; intii aysan jawaab siin waxa ay idan uga qaadday Nebiga scw.

19 Arrimaha qaar waqtiga ayaa xalliya ee hadal waxba kama taro

Mar uu buuq iyo khilaaf ka dhex aloosmay Nebiga scw iyo xaasaskiisa, waxaana dhacday in uu isaga tago oo uu ka dhex baxo, 29 habeenna ka maqnaado.

20. Sawjka wanaagsan waqti tayo leh ayaa uu siiyaa qoyskiisa

Nebi Muxammad scw waxaa caado u ahayd in uu guryihiisa isu soo maro waqtina la qaato mid walba salaadda casar ka dib—maalin kasta! Maanta waxaa loo badan yahay in guryaha laga baxo xilligaas.

Check Also

Ma Ogtahay in Darajada ugu Sarayso ee la gaaro ay tahay in Bulshada loo adeego?

Dhammaan aadanuhu waxa uu ka siman yahay jacaylka darajo sare iyo sumcad. Qof walba waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *