Home / Aragti / Waxaan noqonnay dad ammaan u oomman!

Waxaan noqonnay dad ammaan u oomman!

Waxa aan maqli jiray shisheeyaha Soomaaliya yimaadda oo Soomaalida ugu yeera ‘Qaranka Gabayleyda –Nation of Poets. Imminka sida ay wax u socdaan waxa aynu noqonnay Qaranka Qalinleyda.

Dadka Soomaaliyeed waxaa ku dhacay wax aad mooddo in ay yihiin ‘Hargab Qoraal’ oo aynu is qaadsiinaynno. Dadka in badan oo ka mid ahi wax bay qoreen ama iminka ayay u diyaar garoobayaan in ay buug qoraan. Waxaa ina qabsaday—Bandhigga Buugaagta, Carwada Buugaagta, iwm, oo magaalooyin badan ka socda. Waxa aan ka qaybgalay dhowr ka mid ah, buugaagtii la keenayna waxa ay u badnaayeen qashin aan u qalmin in waqti lagu lumiyo!  Maxaa dhacay?

Dadka inta badan iyaga oo aan wax baran, oo aan wax akhriyin oo aan tababbar ku qaadan sida wax loo qoro bay wax qorayaan. Waxa ay raadinayaan ammaan, aqoonsi iyo magac. Arrimahaasi waa kuwo u baahan aqoon badan, dedaal iyo samir. Sheekada Qalinleyda Soomaaliyeed inta badan waxa ay ku soo ururtay ‘i ammaan aan ku ammaanee!

Maxaa layaab leh? Dad badan oo isku sheegaya in ay yihiin aqoonyahanno oo magacooda hore ama gadaal ka raaciya Dr. iyo PhD aanse la aqoon jaamacadda bixisay aqoonsiyadaas baa dhex fadhiya bandhigyada buugaagta oo aan ku biirinayn shirarka hal eray oo waxtar ah. Waxa aad arkaysaa ‘qoraa’ gaboobay oo ammaanaya 15 jir dhawr buug baan qoray leh. Waxaa kale oo layaab leh hay’ado iyo dawlad goboleedyo kharash badan ku bixinaya martiqaadka ‘qalinleyda’ si ay uga soo qaybgalaan bandhigyada. Waxaa ka sii yaab badan buug-ku-sheegga la keeno ee aan ka hadlayn waayaha bulshada iyo ‘qoraaga’ iyo wax la mid ah.

Maxaa ka sii yaab badan? Dadka wax qorayaa badankoodu ra’yi kama haystaan tubta u jeexan hab-qoraalka. Badankoodu ma garanayaan farsamada ka la horta qoraalka—sida naxwaha, astaamaynta, iwm. Ma sheegi karaan erayga xarafka weyn qaata. Kuwo badani ma garanayaan wixii aan ku magacaabi lahaa xubinta hadalka (paragraph). Waxa aan arkay buug dhan oo hal ‘paragraph’ ah! Waxyaabaha asaasiga ah ee aan badanaaba la garan waxaa ka mid ah in buug ka bilowdo, iyo in tusmada buuggu ku dhacdo bog tiro dhiman.

Waxa aan soo jeedinayaa:

In qoraalka ka hor uu qofku wax badan akhriyo. Ha darso farsamada qorayaasha waaweyn sida Chinua Achebe, Nuuraddiin Faarax, Hemingway, Toni Morrison, Khalil Gibran, iyo kuwo kale oo badan, oo ha fahmo sida ay u isticmaalayaan erayada, weeraha, halkudhegyada, iyo xubinta hadalka, iwm.

Qofka wax qorayaa ha ka fekero su’aalaha ka iman kara waxa uu qoray, oo ha uga jawaabo cidda ay ka yimaaddeen su’aaluhu. George Orwell isaga oo ka hadlaya waajibka hor yaal qoraaga fiican wuxuu yiri, “Qoraaga dhiifooni waa in uu jumlad walba oo uu qorayo iska wayddiiyaa ugu yaraan afar su’aalood, isaga oo mid walba qummaati uga baaraandegaya: waa maxay waxa aan doonayo in aan iraahdo? Waa kuwee erayda sida ugu habboon u qeexi karaa? Waa maxay hummaagga ama hawraarta sharrixi kartaa? Hummaagu ma yahay asal saamayn reebi kara? Si kale oo ka urursan sidan ma u dhigi karaa? Foolxumo laga baaqsan karay (ama la maldihi karay) miyaan sheegay?

Waxa aad qorayso tixraac ha lahaadeen.

Waqti badan iyo fikir badan gali waxa aad qorayso, waayo akhriste ayaad waqtigiisa duullimaad ku tahay.

Faa’iido waa in ay leeyihiin waxa aad qoraysaa.

La tasho dadka aad aqoonta ku tuhmayso. Waxa aad qoraysaa waa in ay noqdaan wax la soo shiilay.

Qoraalkaagu yaanu noqon mid marna lagu qoslo marna laga caroodo oo cilladahaaga markhaati u noqdo.

Tababbar sida wax loo qoro ku saabsan gal inta aanad wax qorin.

Fiiro Gaar ah: erayada xanafta leh waxa aan uga jeeday canaan ee raalli ha laga ahaado!

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *