Home / Amni / Sirdoonka Maraykanka iyo Jaajuusidda Soomaalida

Sirdoonka Maraykanka iyo Jaajuusidda Soomaalida

Sidee  sirdoonka Maraykanku u dhiseen shabakadaha qarsoodiga ah ee Itoobiya ?

Wakaaladda Amniga Qaranka (National Security Agency) oo magaceeda loo soo gaabiyo NSA waxaa la aasaasay dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, si ay isha ugu hayso, u ururiso, una lafogurto dhammaan xogta sirdoonka ah ee ay heli karaan. Wakaaladdani waxa ay si qarsoodi ah uga qawlaysataa adeegga isgaarsiinta, sida dhagaysiga telefoonnada iyo aaladaha kale ee farriimaha la isku weydaarsado.

Xadgudubka ay wakaaladdani ku kacda heerka uu le’eg yahay waxaa shaaca ka qaaday Edward Snowden oo sir badan inta uu la baxsaday faafiyey. Warbaahinta caalamku, gaar ahaa The Guardian iyo New York Times, ayaa aad wax uga qoray. Wargeyska The Guardian waxa uu sheegay in sirdoonka Maraykanku ay dabagal ku sameeyaan baraha bulshadu ay ku wada xidhiidhaan, sida Facebook iyo Twitter, iyo iimayllada, sida Google, Microsoft, iyo Yahoo.

Warbixin uu wargeyska The Intercept ka qoray wakaaladdani xarumaha qarsoodiga ah ee ay ku leedahay Itoobiya ayaa aan doonayaa in aan idin la wadaago.

“Saaxiibtinimo qotodheer ayaa ka dhexaysa Maraykanka iyo Itoobiya.’’ Hadalka wargeysku waxa uu ka soo xigtay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson. Waxa uu ku sii daray, “waxaan sii wadi doonnaa inaan la shaqayno Itoobiya si aan u xaqiijinno xorriyadda, dimuqraadiyadda, iyo kobaca dhaqaalaha, una ilaalinno xuquuqda aadanaha, iyo sarraynta sharciga.”

Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya war saxaafadeed ay soo saartay oo lagu faafiyey boggeeda rasmiga waxaa ka mid ahaa “In Maraykanku mar kasta taageerayo beeralayda, caafimaadka, iyo kaabayaasha  dhaqaalaha,’’ Waxaa kale oo war saxaafadeedkaas ka mid ahayd, “Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka aan iska kaashanno horumarka, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, iyo ammaanka cuntada.’’

Hase yeeshee  Itoobiya iyo Maraykanku waxa ay iska kaashadaan arrimo intaa ka badan. Daaha gadaashiisa wax badan ayaa ku duugan. Shan iyo toban sano ka hor ayaa uu Maraykanku bilaabay in uu Itoobiya ka dhiso xarumo iyo shabakado sirdoon oo qarsoodi ah laguna qalabeeyey agabka tignoolajiyadda casriga ah. Xarumahan waxaa laga dhegaystaa oo lagu jaajuusaa dhammaan isgaadhsiinta Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Arrinkan ayaa ah arrin aan sinaba loola xidhiidhin karin iskaashiga ay afka ka sheegaan ee taageeridda beeralayda, caafimaadka, waxbarasha, iskaashiga dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iwm.

Si ay xarumahani ugu suuragalaan, NSA waxa ay u fidisaa Itoobiya tababar qarsoodi ah, isla markaana waxa ay ugu deeqdaa agab jaajuusid oo casri ah.

Iskaashiga Itoobiya iyo NSA waa mid aad u khatar badan, maxaa yeelay waxa uu taageero siinayaa ciidamada Itoobiya oo si joogto ah ugu kaca jirdil, xadgudubyo, iyo gaboodfal u gaystaan dad aan waxba geysan. “Xukuumadda Itoobiya shabakadahan sida qarsoodiga u hawlgala dagaalka ururrada argagixisada ah oo keli ah uma adeegsato, balse waxa ay uga faa’iidaysataa cabsigelinta iyo cabudhinta ay ku hayso cid kasta oo ay u aragto in ay  ka soo hor jeeddo.’’ ayaa uu yidhi Felix Horne, oo ah cilmibaadhe sare oo ka tirsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Watch). Waxa uu intaas ku daray, “asal ahaantii qof kasta oo ka soo horjeeda ama muujinaya diidmo ka dhan ah xukuumadda Itoobiya waxaa loo aqoonsan yahay ‘nabad-diid ama argagixiso’’’.

Bishii Febraayo, sannadkii 2002’dii, NSA waxa ay samaysay Xarunta Hawlaha Sirdoonka ee loo yaqaan “Lion’s Pride”—oo ku taalla caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Sida ku cad xog qarsoodi ah oo laga soo xigtay Edward Snowden, xaruntani waxa ay ku shaqo bilowday 12 shaqaale İtoobiyaan ah oo ka hawlgali jiray 12 goobood. Sannadkii 2005’tii hawlgalkeedii  waa uu ballaadhay oo waxaa udub dhexaad u noqday 8 sarkaal oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Maraykanka, iyada oo ay weheliyaan 103 shaqaale Itoobiyaan ah oo 46 xarumood oo shaqooyin kala geddisan laga fuliyo ka hawlgali jiray. Nuqulladan qarsoodiga ah waxaa ku cad in bartilmaameedku uu ahaa Soomaaliya, Suudaan iyo Yaman. Goobaha ‘‘Lion’s Pride’’ ku ka hawlgasho waxaa ka mid ah Gondar oo dhacda waqooyiga-galbeed ee Itoobiya.

“Geeska Afrika faa’iido  badan ayuu u leeyahay hawlaha NSA marka ay la macaamilayso dagaalka argagixisada.”   Sidaas waxay ku caddahay qoraal laga helay Katie Pierce, oo ahayd sarkaal ka tirsan hawlgalka shabakadahan qarsoodiga ah. “Faa’iidada xiriirkan waxa ay tahay in Itoobiya ay na siiso goobo aan ku hawlgali karno iyo cid aan isfahmi karno isla markaana annagu aan siinno tababar iyo agab casri ah.’’ Ayaa ay tiri.

Sida laga soo xigtay Katie,  Lion’s Pride waxa ay horray u soo saartay 7,700 nuqul iyo in ka badan 900 oo macluumaad la xidhiidha dadaalka iyo hawlaha shabakaddani sida qarsoodiga ah ay uga waddo gobolka.

Pierce, kolkii ay hawsha ka tagtay kaalinteedii halwgalkan waa ay ka gaabsatay. Mar wargeyska Intercept uu la xidhiidhay oo arrimahan uu wax ka weydiiyey warkeeda waxa ay ku soo koobtay, “arrimo amni ayaan u joognay gobolkaas.”

Reta Alemu Nega, waa sarkaal sare oo ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee magaalada Washington d.c waxa uu İntercept u sheegay in Itoobiya iyo Maraykanka uu ka dhexeeyo “xidhiidh iskaashi’’ oo dhanka sirdoonka iyo argagixiso la dirirka ah. Inkasta oo uusan wax badan daboolka ka qaadin su’aalaha la xidhiidha hawlaha Lion’s Pride. Alemu waxa uu sheegay in ay si joogto ah kulamo u yeeshaan saraakiisa sirdoonka labada dhinac isla markaana wixii aragti ah isu waydaarsadaan si wadajir ahna u fuliyaan hawlgallada.

Lion’s Pride ma ahan kii ugu horreeyey ee ay Itoobiya kaalin mug leh ka ciyaarto, se Itoobiya waxa ay door muhiim ah  ka ciyaartay shabakado sirdoon  oo hore. Sannadkii 1953’dii  Maraykanka iyo Itoobiya waxa ay kala saxeexdeen heshiis 25 sano ah oo u oggaalaanayo in uu Maraykanku saldhigga Kagnew ku yeesho magaalada Asmara.

23’kii bishii Abriil, 1965’kii Midowgii Soofiyeeti waxaa uu samada u diray dayax-gacmeedkii MOLNIYA-1. Bishii ku xigtay NSA waxa ay magaalada Asmara ka furtay guri la dhaho Guriga-dhagaxa (Stonehouse), halkaas oo ahayd xarun laga dhegaysto xogta Midowgii Soofiyeedka.

Stonehouse waxa la xidhay 1975’tii dagaalkii sokeeye ee Itoobiya aawadiis. hase yeeshee gebi ahaanba shaqadiisii ma joogsan. Maanta waxaa booskii galay xarumaha shabakaddan Lion’s Pride. Xarumahaas oo ay ka mid tahay mid ku taalla magaalada Diridhabe oo la hirgeliyey horraantii sannadkii 2006’dii.

STONEHOUSE intercept site, Asmara, Ethiopia, 1965-1975. (INSCOM). ©The National Security Archive.

Xaruntu waxa ay qaabilsan tahay dabagalka iyo dhegaysiga telefoonada Soomaaliya, gobolka Daarfuur ee Suudaan, iyo qaybo ka mid ah bariga Itoobiya.

Bishii Maayo sannadkii 2006’dii shir qarsoodi ah oo ay yeesheen labada dhinac ee Itoobiya iyo Maraykanku waxa ay ku heshiiyeen in iskaashiga la ballaadhiyo oo marxalad cusub loo qaado. Ujeedku waxa uu ahaa in dhegaysiga telefoonnadu uusan ku koobnaan “argagixisada”, iyo mucaaradka Itoobiya, sida onlf, iyo inta ku xeeran xudduudaha, ee ilaa madaxda sar sare iyo cid kasta in telefoonadooda la dhegaysan karo.

Ka dib duullaankii ay ciidanka Itoobiya ku galeen Soomaaliya,  NSA  waxa ay bixinaysay taageero 24’ka saac ah, iyada oo dabagal ku haysay dhaqdhqaaqa Maxaakimta, hoggaankooda sare, iyo waliba xulufadooda, isla markaana waxa ay macluumaadkooda la wadaagaysay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee  CIA iyo millatariga Maraykanka qaybahooda ku sugan Geeska Afrika. Sidaas oo kale waxa ay sirdoonku sheegeen in si joogto ah xog kasta oo NSA iyo CIA ay helaan ay ula wadaagayeen ciidanka Itoobiyaanka ee duullaanka ku galay Soomaaliya. Arrinkani waxa uu suurogalyey in la dilo hal ruux oo ku jiray diiwaanka dabagalka lagu hayey horraantii biishii Febraayo, sannadkii 2007’dii. Ruux kale oo diwaanka dabagalka lagu samaynayey  ku jiray ayaa lagu xidhay Kiiniya. Nuqulka qarsoodiga ah kuma cadda magaca, tilmaan ama astaanta lagu garto qofka la dilay, kan la xidhay, iyo weliba ciddii fulisay hawshan.

Ka dib markii ay meesha ka baxeen Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah waxaa beddelay Al-Shabaab oo 2012’kii si rasmi ah xubin uga noqotay Al-Qaacida.  “Maraykanku waxa uu Itoobiya siiyaa taageero aan qarsoodi ahayn taasi oo sii kordhinaysa khatarta iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha’’. ayaa uu yidhi Horne. Waxa uu ku sii daray, “Maraykanku waa in uu caddeeyaa mawqifkiisa ku aaddan shabakadahan qarsoodiga ah ee ka hawlgala Geeska Afrika, waa in ay jirtaa siyaasad cad oo laga leeyahay isla markaana waa in la xaqiijiyaa xukuumadda Itoobiya in aysan uga faa’iidaysan shabakadahan cid kasta oo ka soo horjeeda oo aysan u adeegsan falal aan sharciga waafaqsanayn.’’

Dhowridda xuquuqda aadanaha ee xukuumadda Itoobiya waa mid aad u hosaysa. Ciidamada ammaanku waxa ay geystaan dilal siyaasadeed oo sharci darro ah, jidh-dil,  khasab, iyo xadgub lagula kaco maxaabiista. Waxa ay ku xadgudubtaa xukuuqda muwaadiniinteeda sida dhowrsanaanta iyo qarsoodiga macluumaadka khaaska ah ee shaqsiga. Xukuumaddu waxa ay xakamaysay xorriyaddii saxaafadda iyo dhammaan xorriyadda hadalka. Waxa ay joojisay isku imaanshaha iyo shirararka xisbiyada siyaasadda iyo kuwa mucaaradka ah, waxa ay marar badan ciidamadu adeegsadaan awood xad-dhaaf ah oo ay ku kala dirayaan dibadbaxayaasha. Iyada oo ay intaasiba jirto, ayaa ay haddana dawladda Maraykanku taageero buuxda la garab taagan tahay xukuumadda Itoobiya.

Sida laga dheehan karo dhiraandhirinta dukumantiyadan sirta ahaa ee la faafiyey,  muddadii shabakadahan ay jireen waxaa tababar la siiyey in badan oo ka tirsan ciidamada sirdoonka Itoobiya  iyo weliba dad shacab ah oo si dhow ula shaqeeya shabakadahan.

Tixraac

HOW THE NSA BUILT A SECRET SURVEILLANCE NETWORK FOR ETHIOPIA, by Nick Turse.

https://theintercept.com/2017/09/13/nsa-ethiopia-surveillance-human-rights/

Check Also

Jibbada isbeddeldoon ee Bariga Afrika

Transformation Euphoria in the Horn of Africa By Abukar Arman Waxaa tarjumay Maxamed Saahid. Abuukar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *