Home / Aragti / Tixraaca Qormadii Muxammad Yuusuf

Tixraaca Qormadii Muxammad Yuusuf

Waxaan akhriyay qormo cinwaankeedu yahay “Ma dad dhoohan baan nahay?” oo uu inala wadaagay  Muxammad Yuusuf. Waa qormo qurux badan oo qiimigeedu waarayo qarniyo badan . Aan uga mahadceliyo dadaalka badan ee aniga iyo in badan oo bulshada ka mid ah uu ugu yahay macallin joogto ah Muxammad shakhsi ahaantiisa.

Intaas markaan ka tago waxaan rabaa inaan is-dultaago dhowr qodob oo kamida qormada. Kana cabbiro fikirkayga, si nacfigeedu u ballaadho, halbeegga aragtiyadeenana aan ugu cabbirno qoraalo waari kara oo faallo faysbuug laga dhiibtay ka manfac iyo maamuus sarreysa. Maadaama qaddiyadda qormadu ku saabsantahay maalmahanba socotayna ay u noqon karto dood cid walba ay soo geli karto, si cilmaysanna la isu qancin karo.

Qodobka kowaad ee qormada waxaan ka dhadhansaday Farmaajo qof ahaantiisa, ama hogaamiye ahaantiisa shalay iyo manta in uu in badan kuu kala fogaaday. Waa adigii lahaa “Xalay waxaynu aragnay Madaxweyne Farmaajihii diidi jirey in diyaarad loo kireeyo, oo toshay bulbulshii lagu yaqaannay ragga ammaanta iyo madax salaaxa laga badiyo”. Waaba aan kugula yaabanahay haddii aad run u qaadatid hadalada ay jeediyaan nimanka kuraas doonka ah, kolka xaraaraddu ay hayso. Mar kale waa adigii yidhi “Ninkii tawaaduca badnaa inuu sidaa u hadlo isaga oo aan Muqdisho ka wada talin” . Tawaaduca wax qabad uma aqaan oo waa sifo shakhsiyadeed, balse “Aan Muqdisho ka wada talin” maxaad uga jeeddaa? Ma dowladda Soomaaliya ayaan Muqdisho wada haysan? Mise waxaad Dowladda u jilcinaysa inta burushka wasakhaysan la daba taagan ee aan jeclayn horumarka lagu tillaabsaday sannadkii 2011. Markaas oo hayd kolkii gacan-kuhaynta magaalada lagala wareegay alshabaab?

Qodobka labaad bal aan kula eego, sida aad ula yaabtay maalgashade  aan maal haysan! Waxaad ku doodday “Itoobiya heshiis maalgashi baan la galnay dhaqaalena ma haystaan annaguna ma haysanno, miyeysan ahayn labo qaawan isma qaaddo”! . Maalgashigu Itoobiya ka imaan maayo, oo waa kii Madaxweynuhu yidhi “Dekaduhu waxay u baahanyihiin dhaqaale lagu dhiso, oo lagu horumariyo. Dhaqaalahaas la gelinayana Itoobiyana malahan Soomaaliyana malahan. Wuxuu ka imaan karaa meel walba, wuxuu ka imaan karaa Eeshiya, Ameerika, Khaliijka, Afrikada kale iyo xitaa ganacsatada Soomaaliyeed” taas iskuma diidanin. Laakiin waxa aad doonaysid waa maxaan Itoobiya ka dheefaynnaa haddaysan maal haysan? Maxay tahay maalgashiga ay nala wadaagi karaan? Jawaabteedu waa: Itoobiya waxa ay haysataa isticmaalayaal [consumers] badan. Waxay haysaa boqol milyan oo aan deked qudha lahayn. Awoodda shacabku “Man power” waa waxyaabaha ugu waawayn ee kobcinta dhaqaalaha marka lajoogo lagu gorgortami karo. Marka haddii la helo isticmaalka Itoobiyada aan badda lahayn waxaa fududaan karta in la helo cid lacag haysata oo maalgalin samayn karta, si fududna dheeftoodii u heli kara maadaama la hayo isticmaal sare, marka loo eego xoogaaga Soomaalida ah ee meel walba dekeddu uga furantahay.

Qodobka saddexaad waxaad xustay arrintii Imaaraatka adigoo yidhi “Sow macnaheedu ma aha waa albaab kale oo Imaaraadkii laga soo galinayo, oo halkay Itoobiya markii hore 19% Berbera ka heleen ay hadda saami ka weyn ku yeelanayaan afar dekadood?” Waxaad mar kale ku doodday “Haddii Imaaraad aynu ku diidnay qarannimadeenna ayuu faragalin ku hayaa, ma cid baa ka faragalin iyo hagardaamo badan Itoobiya? Sow lama odhan ushaada nimaad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa? Milyan Imaaraad ah oo casiir ka dhergay oo masaafo dheer innoo jira, iyo 100 milyan oo dhinaceenna jooga” Bal aan ku su’aalee “Markii ay socotay doodda  ah Imaaraatku faragelin bay nagu hayaan” haddii aanan khaldanayn waxaad ku jirtay raggii sida xooggan u hiifayay imaaraatka e, ma wxaad diiddanayd inuu Imaaraatku maalgashado Dekedaha Berbera iyo Boosaaso? Haddii aad sidaas u jeedday adaa ka jawaabi doona, laakiin diidmadii heshiisyadaas ee Dowladda Soomaaliya ma ahayn diidmo bilaa doonis ah “Absolute rejection”. Waxay ahayd diidmo ah “War maalgalintiina diidi maynee, albaabka saxda ah soo mara”. Waa tii Madaxweynuhu Baarlamaanka hortiisa ka lahaa “Soomaaliya diyaar waxay u tahay maalgashi iyo ganacsi ay la wadaagto wadamada caalamka. Si kastaba ha ahaatee cid kasta oo rabta inay maalgashato dalka waa inay ogolaansho rasmi ah ka haysato hay’adaha distuuriga ah ee Dowladda federaalka ah, Waxaana uga digayaa dowladaha iyo shirkadaha shisheeye  inaysan ku xadgudbi Karin qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed..”. Halkaas waxaa si cad oo waafi uga fahmaynaa diidmada Dowladda Soomaaliya in uu ahaa diidmo wax-kareebis “Exceptionals” leh.

Markaa dooda ah “Maxaa Imaaraat loogu diidanaa Boosaaso ama Berbera, Itoobiyana loogu afgartay in heshiisyo laga geli karo dekedo badan”? Waa dood jaban oo aan hayn dow sax ah.

Qodobka shanaad: Waxaad xustay arrintii Abi Axmed ka hadlay ee ahayd midaynta labada dal inuusan ka hadlin Madaxweynuhu. Waan kugu  raacsanahay taas. Waxay u badantahay in maadaama warbaahinta waraysatay ay ahayd tii dowladda uu markii horeba ka sii afeeftay inaan la waydiin su’aal la xidhiidha. Sidoo kale waxaan kugu raacsanahay labada qodob ee aad u sababaysay ka hadal la’aanta Madaxweynaha ee arrintaas. Waxaana kuugu sii darayaa qodob saddexaad oo ah “Inuu baqdin ka qabo in hadalkiisu uu yeesho colaad diblomaasiyadeed, iyo in loo arko in khilaaf cusub ka dhex curtay labada dal. Taas oo runtii uusan qarankiisu “Soomaaliya” qaadi Karin wakhtigan.

Laakiin waxaan kaga qancay beenintii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu arrintaas ku naqdiyay.

Qodobka lixaad: Waxaad ka hadashay faragelinta Itoobiya inagu hayso, gacan-dhaafka maamul goboleedyada iyo sheegashoodinkeeda qadiimka iyo xadiithkaba ah ee ay ku hammiyayso mar uun inay dhulka Soomaalida gacanta ku dhigto.

Sheegashada Itoobiya waxaan aaminsanahay inaysan ahayn wax afku ka xaday ee ay tahay siyaasad fog wakhti badanna  soo socotay iyo istiraatiijiyad khamsiinaad ah oo in badan Itoobiya ku hammiyaysay. Waxaan hadda ka hor idinla wadaagay qormo yar oo qayb ka mida sheeko na dhex martay aniga iyo nin Tigree ah aan kusoo gudbiyay. “Tigreegii Indhaha Adkaa!”  Akhri bal.

Ugu dambayntii faragelinta iyo fadqalalaynta ay daba maryayso Itoobiya hadba nidaamka inoo dhisan waa caado bilaabatay burburkii dowladdii Dhexe ee Soomaaliya. Waa dhaqan-xumo siyaasadeed oo  toddobo iyo labaatan jirsatay. Waa dhaqan fool xun oo adduunka lagula dhaqmo ciddii laga adagyahay. Markaa inaga ayaa ay tahay inaan noqonno dad aan laga adkayn,  dad aan la yasin iyo dad karaamadoodii la soo noqda. Sida keliya ee aan ku soo ceshan karnaana waa inaga oo soo Celina midnimadeennii. Inaga oo soo Celina wadajirkeennii. Waa marka aynu qaadanno taladii Faylasoofkeenii waynaa ee Cabdullaahi Suldaan timacadde markii uu lahaa:

  “Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

        Ooy duul walaala  ah tahay ooy duunka ka heshiiso

  Dadka kama yaraateene ways    dabar jaraysaaye

  Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise

  Goortay is wada dooxatay baa   daad u soo geliye”

Kana tagno tii uu inooga digay markii uu lahaa:

        “Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”.

 

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *