Home / Aragti / Maanta Maya!

Maanta Maya!

Doodda ummadeed ee ka aloosantay wadaxaajoodka “degdegga” heshiiska loogu rogi doono ee dhex maray Md. Farmaajo iyo Rw. Abii Axmed labo kooxood ayaa loogu qaybsamay, sida loo badan yahay.

Koox qabta in Soomaaliya iyo Itoobbiya uu iskaashi dhex mari karo, laakiin ku kala taggan in iskaashigaasi maanta munaasab yahay iyo in aanu ahayn.

Iyo koox qabta in sideeda ba aanu Itoobbiya iyo Soomaaliya dhex mari karin wax ka duwan colaadihii waligood ka dhexayn jiray ee xitaa ka da’ weynaa dowladoobidda casriga ah.

Kooxda danbe dooddu way ka jaban tahay oo waxa aysan xitaa ogayn in ay Soomaaliya iyo Itoobbiya maanta ba leeyihiin iskaashi, oo ururro caalami ah iyo kuwo goboleed ba ku wada jiraan. Kooxda hore ayaa se dooddu u hagaagsan tahay oo eerabboor dhisan ka duulinaya, iyaga ayaanan wax ku darsanaynnaa.

Marka la qiyaasayo in Soomaaliya iyo Itoobbiya uu dhex mari karo heshiis gaarsiisan maalgashi dekadeed oo muddo dheer socon kara iyo midow ganacsiyeed, waa in horta aad loo darsaa xaaladaha labada waddan.

Dowladnimada Soomaaliya sal adag kuma taagna, waa lix jir dhalatay kadib xukun kalitalisnimo iyo dagaallo sokeeye oo muddo socday… gobollo Soomaaliya ka mid ah waxa ay ku doodayaan in ay dalka ka go’een, arrintoodana wali dhinac looma ridin… awoodda dowladda ama dheh awoodda Farmaajo ee waddanka dhexdiisa ka hirgali karta way yar tahay… dastuurka dalku ma dhammaystirna oo waa qabyo… xudduudaha dalku ma sugna oo bad, berri iyo cir ba waa baylah la farataysanayo, ciidan lagu hallayn karo xudduudahana ma uu jiro… tirada muwaadiniinta Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa inta u dhexaysa labo iyo toban illaa shan iyo toban malyan, waxa ayna u qaybsan yihiin beelo hubaysan oo marka ay doonaan isu gacan qaada… dhibaato argagixiso oo halis ah ayaa waddanka ka jirta oo weliba ku baahsan (maamulgoboleed kasta argagixisadu way joogtaa)… dhaqaalaha waddanku wuu sirirsan yahay, waxsoosaarka dalku wuu suuxsan yahay, ganacsi kan Itoobbiya la macaamili karana Soomaaliya ka ma jiro… federaalnimada Soomaaliya sharci ma aha oo afti dadweyne ma ay helin… maamulgobolleedyada qaarkood waxaa dastuurka ugu qoran in ay sidii dowlad madaxbannaan u dhaqmi doonaan tan iyo goorta dastuurka dalku afti dadweyne helayo… Soomaaliya meelo ka mid ah beeluhu waxa ay isku dagaalaan kartoonno buskud dhiiq ah oo ay hay’ad samafal ahi keentay, dowladduna BAAQ kali ah ayay u dirtaa (anigaa u soo joogay dagaal sababtiisu intan ahayd 2014’kii)… qabkii dadweynuhu wuu dhintay oo maanta ma jiraan ama way yihiin qab iyo hiraal ka dhexeeya umadda, waxaana suuragal ah in la arko beel Soomaaliya deggen oo beel kale ximinaysa, dabadeed iska tiri: “Itoobbiya ayaan ku biiraynnaaye afti ha nala ka qaado, sida ay dimuqraadiyaddu qabto” … sii wad adigu… Itoobbiyana ugu yaraan waa Soomaaliya caksigeeda!

Marka ay sidaas kala yihiin xaaladaha Soomaaliya iyo Itoobbiya, waxaa cad in ay maanta gef tahay in Soomaaliya iyo Itoobbiya uu dhex maro heshiis maalgashi dekedeed ah oo muddo dheer socon kara, iyo midow ganacsiyeed. Waayo, waxaa muuqata in ay Soomaaliya beerbeer dhulka u taallo, Farmaajo oo loo doortay in uu soo sarajoojiyana wuxuu u muuqdaa in uu ku leeyahay “adiga oo jiifa durduri dal yohow xumi”.

Sooyaal ahaan waxaa la og yahay in boqortooyooyinkii Itoobbiya ka arrimin jiray ay waligood ku taami jireen in ay Soomaaliya iyo dadkeeda liqaan oo dalkooda iyo dadkooda ku darsadaan, dabcanna damaaciga caynkaas ahi dunida aad ayuu uga jiraa, xitaa maanta oo sharciyo xarrimaya la samaystay wuu nool yahay.

Sidoo kale, waxaa la og yahay in boqortooyooyinkii Itoobbiya ka arrimin jiray ay waligood xiriir adag la lahaayeen awoodaha masiixiga ah ee maanta dunida ugu quwad weyn. Hadda waxaa soo kordhay oo Itoobbiya xiriir adag la yeeshay awoodo carbeed oo lacago faro badan iyo shidaal daacaya, sida Imaaraadka iyo Sucuudiga. Itoobbiya weli kama ay tanaasulin himiladeedii, waxaana cad in awoodaha masiixiga ah iyo dowladaha carbeedi ba ay kala shaqaynayaan sidii ay u hirgalin lahayd himiladeeda.

Xitaa haddii aan iska dhigno dad aan maqlin hadalladii ay dhawaan yiraahdeen Anwar Alciqshi, Haylamaryeem Disaliin, iyo Abii Axmed ee daarranaa in Geeska Afrika laga agaasimo hal dowlad oo ay Itoobbiya qoor u tahay, ugu yaraan awoodaha masiixiga ah iyo dowladaha carbeedi waxa ay maanta Itoobbiya kala shaqaynayaan sidii ay u maalgashan lahayd ama qayb uga noqon lahayd maalgashi lagu sameeyo dekadaha Soomaaliya.

Dad ayaa ku dooda in sidaas oo loo fekero ay tahay buufis, arrintaasna wax baa ka jira. Waayo, waa innaga isla aragna koox maanta ku doodaysa in sideeda ba aanu Itoobbiya iyo Soomaaliya dhex mari karin wax ka duwan colaadihii waligood ka dhexayn jiray ee xitaa ka da’ weynaa dowladoobidda casriga ah. Waxaa kale oo jirta in Soomaalidu wakhti badan ku bixiso ka hadalka Itoobbiya iyo danaheeda iyo himilooyinkeeda, balse aysan wakhti badan ku bixin sidii ay danaheeda ugu qumi lahayd oo ay dowladnimadeeda u hagaajin lahayd ama sidii ay gaashaanka ugu daruuri lahaayeen himilooyinka Itoobbiya.

Laakiin runta ina hortaalla maanta ayaa ah in Itoobbiya xiniinyo laga garab taagan yahay, ay dekado iyo ciidammo badeed iyo kalluun iyo howlahaa xiisaynayso, dhinac walba iska giijinayso, dhaqankii cabburinta iyo jajuubka ahaa ay dowladnimadeeda ka hufayso, madaxdeeduna ku baaqayaan in Geeska Afrika Ilaahay dartii hal dowlad laga dhigo. Waa in buufiska iyo aqoondarrada dadka qaarkood haysta aan runtan la la arki waayin.

Gunaanadkii, maanta waa gef in heshiis dekedeed lala galo Itoobbiya. Dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaaleed iyo kuwa nabadgalyeed ee Soomaaliya ka jira waxa ay u baahan yihiin in degdeg wax looga qabto, kala daadsanaantuna aad ayay u badan tahay. Laakiin xoog waxaa ugu xun midka xarigga kaa gooya; ma aha in baahiyaha Soomaaliya ka jira laga xanaaqo, dabadeed afka loogu dhaco Itoobbiya oo waligeed ba ku taamaysay in ay hesho awood sharciyeed ama tu lahaanshiyo oo ay ku adeegsato dekedaha Soomaaliya. Ugu yaraan waa in dalka iyo dadka loo diyaariyaa xaalad la maalgashan karo, xaaladdaas oo ah in la dhammaystiro asaasiyaadka dowladnimo, sida dastuurka iyo federaalaynta iyo xoojinta ciidanka qaranka. Waa in meesha laga saaro foolxumooyinka aan kor ku soo sheegnay ee uu yar yahay waddan maanta la nool.

Waxaa se suuragal ah in Farmaajo iyo dadka tallaabadiisa ku qancay ay ku doodaan in aan la haysan dhaqaale lagu dhammaystiro asaasiyaadka dowladnimada Soomaaliya. Oo waa yaabe, haddii aan la haysan dhaqaale lagu islaaxiyo dowladnimada Soomaaliya, miyaanu jirin waddan kale oo ka dhaqaale fiican Itoobbiya, kaas oo aan xisaabo inaga dhexayn, hankiisuna aanu ahayn in uu ina liqo? Oo waa yaabe, maxaa miisaaniyadda qoondo fiican looga siin waayay wasaaradaha xoolaha, beeraha, kalluumaysiga iyo hay’adaha kale ee waxsoosaarka dalka xoojiya, waa iyaga cadquureedyada loo tuuraye? Oo waa yaabe, maxaa suuq kale oo caalami ah loogu raadin waayay xoolaha Soomaaliya, ee looga dul dareerin waayay carabta dharagtay? Oo waa yaabe, hay’adaha Soomaaliya jooga ee sannad walba la dhuunta cashuurta malyuumaadka doollar ah maxaa wax looga qaban waayay?

Gebogebadii, maanta MAYA ayaan leennahay in Soomaaliya ay la gasho Itoobbiya heshiisyo gaarsiisan maalgashi dekado afar ah, berri ka maalinse haddii ay Soomaaliya xishooto oo ay dowladnimadeeda hagaajisato, HAA.

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *