Home / Falanqayn / Isbeddelka Geeska Afrika Iyo Saamaynta Imaaraadka

Isbeddelka Geeska Afrika Iyo Saamaynta Imaaraadka

Booqashadii dhawaan uu ku tagay dalka Itoobiya dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayid isaga oo wada heshiis 3 Bilyan oo Dollar lagu daahfuray waxay booqashadaasi saldhig u noqon karaa aragtiyo siyaasadeed oo mar kale ka askunma Bariga Afrika oo muddooyinkii ugu danbeeyey dano siyaasadeed oo qoto dheer laga lahaa.

Sadexdan Bilyan ee uu waday Maxamed Bin Zaayid ayaa u kala qaybsanaa Hal Bilyan oo Bangiga Dhexe ee Itoobiya uu Imaaraadku Dhigatay, iyada oo Itoobiya muddooyinkii ugu danbeeyey lacagta adag dhibaato ka haystay, amaah muddo dheer ay ku soo celin karaana lagu siiyey, labada Bilyan ee kalena maalgashi uu Imaaraadku u adeegsaday dhinaca beeraha iyo warshadaha, booqashadan iyo dhaqalahan tirada badan ee Maxamed Bin Zaayid waxay keentay hadal hayn badan oo aan ku eekayn bulshada Bariga Afrika oo kaliya, hasa yeeshee waxay saxaafadda dunida Carabtu aad isu weydiiyeen danaha Imaaraadka kaligii ka yeeshay Itoobiya oo uu sadex Bilyan ugu bixiyey oo ay afar dal oo carbeed intay isu tageen dalka Urdun oo dhibaato ka taagan tahay ay laba Bilyan iyo badh Dollar ugu qoondeeyeen.

Arrintan Imaaraadku Ka wado Itoobiya ayaa sadex waji leh.

  1. Imaaraadku waxa uu dareemay in Itoobiya tahay goob uu ka soo gali karo danaha uu ka leeyahay Geeska Afrika ka dib markii uu ku hungoobay Soomaaliya Iyo Jabuuti DPWold labada dalba diideen,oo uu Imaaraadku arkayey in ay yihiin albaabka laga soo gali karo suuqa weyn ee Afrikada Bari ee Itoobiya u tahay xudunta, gaar ahaan waxay dareemeen in raadka ay Itoobiya ku leedahay Soomaaliya uu yahay mid weyn oo ay Soomaalida ku tamaruday dusha uga imaan karaan.
  2. Imaaraadku wuxuu dareemay muddooyinkii ay Jabuuti iyo Soomaaliya gacan tugaalaynayeen in Qatar iyo Turkigu Dalka Itoobiya xidhiidh ganacsi oo qoto dheer la yeesheen , Qatar oo maalgashi ku samaysay dhul beereedka Itoobiya, dhaqaale badana amaahisay Itoobiya si ay mashaariicda waaweyn ugu fushadaan, iyo Turkiga oo suuq uga helay dalka Itoobiya wax soo saarkiisa, dhaqaale badana muddooyinkii ugu danbeeyey galiyey.
  3. Imaaraadku wuxuu dareemay in arrinta wabiga Niil iyo biyo xidheenka weyn ee mashruuca horukac ee Khilaafka ka dhex qarxiyey Masar Iyo Itoobiya uu wax ka qaban karo, Arrintan oo ay hore ugu fashilmeen Maraykanka Iyo Sucuudigu, arrinta biyo xidheenka oo muranka ugu weyni ka taagnaa mudada lagu buuxinayo Harada uu yeelanyo biyo xidheenku, arrintaas oo xukuumadihii ka horeeyey Abiy Ahmed ay ku adkaysanayeen in sadex sano lagu buuxiyo taas oo macnaheedu yahay in biyihii Masar heli jirtay aad u yaraadaan ,Haradan oo lagu qiyaasay in ay leegtahay inta ay ku fadhido magaalda London. Abiy Ahmed ayaa kulankii Bin Zayid ka dib lagu wadaa in uu ogilaado in lagu buuxiyo Haradaas 9-11 sanno, si aanay Masar dhibaato uga imaan dhinaca beeraha iyo biyo yaraanta.

Dhaqaalahan baaxadda weyn ee Itoobiya mar kaliya gacanta u soo galay xilli ay khasnada dawladu madhnayd oo mashruucan horukac ay dawladu dhamaystirkiisa dhaqaale u raadinaysay ayuu Imaaraadku u arkaa in uu raad ku yeelan karo dalka Itoobiya oo ugu yaraan loolanka dekadaha ee uu Imaaraadku doonayo in uu ku ilaashado dekadiisa Jabal Cali wax weyn uga tari karta, Yoolka Imaaraadka oo ah sidii uu san markasta u waayi lahayn dilaalnimada ganacsiga oo 40kii sanno ee ugu danbaysay uu hormuud ka ahaa, waana arrinta uu u danaynayo dekadaha Bariga Afrika in uu gacanta ugu dhigo isaga oo adeegsanaya shirka DPWORLD , qorshahan maalgashiga dekadaha Soomaaliya ee dawlada Itoobiya soo bandhigtayna uu Imaaraadku daba ka riixayo, taas oo u eeg Imaaraadku in uu Albaabka ka baxay oo uu daaqada ka soo galay, daaqadaas oo ah Itoobiya, dhaqaalaha maalgashi ee Itoobiya ay isku lahayn kartaana uu yahay kan Imaaraadka.

Yoolka Imaaraadka ayaa ah sidii uu laba dhinacba isaga moosi lahaa, labadaas dhinac oo ay kala hoggaaaminayaan Turkiga iyo Qatar , Dhinaca kalena Shiinaha oo u degay Imaaraadka Dekada Pakistan ku taala ee lagu magacaabo Jawaadir taas oo ka soo xigta badweynta Hindiya kuna taala badda Carabta, Suuqana ka saari karta Dubai, waxayna ka dagaalamayaan Imaaraadku in Shiinuhu Bariga Afrikana dekadaha ku yaala gacanta ku dhigo maadaama uu yahay dal wax soosaara dhaqaalaha adduunkana kaalinta 2aad kaga jira Dhawaana lagu wado in uu noqdo dalka Koowaad dhaqaalaha adduunka. Waana baqdinta ugu weyn ee Imaaraadka xilligan haysta.

Check Also

Kalatagga Itoobiya

Inta badan, dhulalka iyo ummaduhuba waxay ku midoobaan qori caaraddii. Marar aan badnaynna ayagoo israba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *