Home / Faallo / Macasalaama Kasiini
©NASA

Macasalaama Kasiini

Saddex iyo toban sano ka dib, maalintii Jimcaha ee 15’kii Sibtambar 2017, waxaa soo gabagaboobay sahankii fagaagbuldiyaha Kasiini uu ku dul wareegayey meeraha Raage (Saturn). Saynisyannadii maamulayey ayaa Fagaagbuldiyahan (space probe) u jeediyey in uu galo gibil-haweedka Raage, isaga oo ku socda xawaare ah 120,000km/saacaddii, si uu ugu gubto. Farriintii (signal) ka imanaysay waxay go’day 3’dii galabnimo saacadda Geeska Afrika.

Diyaarintii Kasiini. Waxa uu le’eg yahay qiyaastii basaska yaryar. NASA.

Kasiini waxa uu ahaa fagaag-buldiye qiyaastii bas le’eg, oo ay NASA dirtay sannadkii 1997’dii, ilaa iyo 2004’tiina waa uu sii socday, oo waxa ay ku qaadatay 7 sano in uu gaadho meeraha Raage (1.2 bilyan kiilomitir). Xogta ugu muhiimsan ee Kasiini soo diray waxay ka timid dayaxyada Raage oo baaxaddoodu ku dhexayso dhawr boqol oo kiimomitir ilaa qaar ka weyn meeraha Dusaa. Kasiini waxaa ku rakibnaa labo kamaradood, iyo qalab xusuus-duubid oo qaadaya 4 gb. Maalin kasta sawirrada iyo xogta kale ee uu ururiyo waxa ay qaadan jireen 9 saacadood in ay dhulka soo wada gaadhaan, maxaa yeelay waxa uu dhulka u jiraa qiyaastii hal bilyan (kun milyan) oo mayl. Fagaag-buldiyahan waxaa loogu magac daray Jiyofaani Kasiini (Giovanni Cassini) oo ahaa saynisyahankii daahfuray in maraaraha Raage aysan ahayn hal saxan oo isku dheggan, ee ay ka kooban yihiin walxo gaarkood u taagan. Hadda waxa aan ogsoon nahay in ay ka kooban yihiin beref iyo dhagxaan heehaabaya aanse isku wada dhegganayn.

Kasiini intii aan la dirin, dayaxa Taaytan muuqaalka aynu ka haysannay waxa uu ahaa kubbad hurdi ah. Bishii Disambar 2004’tii ayaa uu Kasiini Taaytan ku dejiyey fagaagbuldiye yar oo uu xambaaraanaa—Huygens—oo ay dhistay Wakaaladda Fagaagga ee Yurub. Huygens waxa uu ka gudbay gibil-haweedka Taaytan isaga oo ku dagey oogada dayaxa oo aan hore loo arkin, xog fiicanna laga hayn. Muuqaalladii uu soo diray waxa ay ahaayeen oogo saxare u eg oo ay daadsan yihiin dhagaxaan. Sawirradu waxa ay muujiyeen taagag iyo harooyin qallalay. Saynisyahannadu waxa ay filayeen in Taaytan oogadiisa ay ka buuxdo hawada miithaynta (methane) oo ay islahaayeen gibil-haweedka ayaa ka dab qaata. Laakiin waxba lagama helin taas oo filanwaa’ noqotay. Oogadu waa ay qallalan tahay waxaana loo malaynayaa in camuuddeedu ay ka samaysan tahay walxo sida caagga ah.

Ugu dambayn cidhifka waqooyi ayaa laga helay harooyin, laakiin maadaama ay aad u qabow dahay, neeftii miithayn waxa ay isu beddeshay dareere, oo iyadaa harooyinka buuxisay sida ay biyuhu u buuxiyaan harooyinka dhulka. Waxaa muuqata in uu Taaytan leeyahay wax u dhigma meeratada biyaha ee dhulka, laakiin biyihii ay beddeshay miithayn.

Intii uu Kasiini ku meerayey Taaytan, waxaa saynisyahannada u suuragashay in ay cabbiraan cufisjiidadka uga imanaya dayaxa, natiijaduna waxa ay muujisay in awoodda cufisjiidadku ay ku xidhan tahay meesha uu dayaxa kaga beegan yahay. Haddii gudihiisu uu adke malaasan ahaan lahaa, isbeddel lama cabbireen. Natiijadan waxa ay dhalisay soojeedin ah in Taaytan gudihiisa ay jiifto badweyn biyo ah.

Dayaxa labaad ee uu xogta yaabka leh Kasiini ka soo diray waa dayax yar oo baraf laguna magacaabo Enseladhas. Dayaxan yari waxa uu leeyahay gibil-haweed biyo ka dhisan. Gibishani ma wada daboosho dayaxa oo idile waxa ay ku kooban tahay cidhifka koonfureed, halkaas oo ay ka jeexan yihiin togag tiro badan oo ay ka soo butaacaan uumi biyood. Baadhitaanno badan ka dib, waxa ay u badan tahay in ay cidhifka koonfuureed ka hoosayso badweyn biyo ahi. Kasiini waxa uu oogada Enseladhas u jirsaday 16 mayl. Aaladaha dareenqaadeyaasha ah ee ku rakiban Kasiini waxa ay uumi biyoodkan ka dhex heleen molikuyuullo orgaanig ah, taas oo saynisyahannada ku dhalisay suuragalnimada in noole ama wax nololi ka suuroowdaa ku noolaan karo halkan.

Cidhifka waqooyi ee dayaxa Enseladhas oo la engegan beref.

“Idinkuna Ikhlaas iyo cilmaad ku aflaxaysaane

Irkig iyo la-yaab ma leh dayaxa inaydin aaddaane

Ilayskaad shiddeen baa dadkii aad u faaraxaye”

Xaaji Aadan Afqallooc

Guud ahaan 293 jeer ayaa uu Kasiini ku wareegay Raage iyo dayaxyadiisa. Ugu dambayntii markii shidaalkiisi uu ku dhowaaday in uu idlaado, taas oo dabadeed ay adkaan lahayd in dhulka laga maamulo, waxaa la gaadhey go’aan ah in lahu maqiiqo oogada meeraha Raage si uu halkaa ugu gubto, iyada oo laga cabsi qabey suuragalnimada in uu ku dhaco dayaxyada Taaytan (Titan) iyo Enseladhas (Enceladus) oo uu halleeyo bii’adooda, iyada oo ay suuragal ahayd in uu bakteeriya iyo noole la mid ah dhulka ka sii xambaaray markii uu sii ambabaxayey. Saynisyahannada qaarkood ayaa aaminsan in dayaxyadan laga heli karo noole ama xaalad nolol suuragalin karta.

Eraybixinta Sayniska: FAGAAGBULDIYE (space probe) Waa agab cilmibaadhis oo dhex socdaala fagaagga (space), soona ururiya xog saynis oo uu dib ugu soo diro dhulka. Waxa uu innoo suurageliyaa in aynu wax ka baranno meelo fog oo aynaan gaadhi karin. Eraybixintan waxaa sameeyey Ustaad Maxamed Aadan Ciiraale, waxa ayna ka kooban tahay labada eray ee FAGAAG iyo BULDIYE. Qaamuuska Bare Sare Cabdalla Cumar Mansuur iyo Annarita Puglielli sidan ayaa uu u fasiray erayadaas:

Fagaag: meel bannaan oo degaan ama aqal hortiis ah.

Buldi: (-iyo, m.dh ) bir, dhagax, iwm oo xarig dheer ku xiran yahay oo lagu cabbiro qotada biyaha badda, webiga, iwm.

Sawirkii uu Huygens ka qaaday oogada Taaytan

Intaa horteed, Kasiini waxa uu dhex maray Raage iyo maraarihiisa, taas oo aysan saynisyahannadu hore ugu dhiirran maadaama ay halisteedu badan tahay fagaagbuldiyuhuna uu ku burburi karey. Soo dhowaanshahani waxa uu suuragaliyey in xog dheeraad ah laga helo meeraha iyo maraarihiisa, gaar ahaan inta saacadood ee ay le’eg tahay maalinta Raage, taas oo ay adag tahay in dhulka laga cabbiro maadaama uu yahay hawo aan oogada ku lahayn calaamad laga qiyaas qaadan karo.

Kasiini 13 sano ayaa uu xog uruurin iyo sawir qaadis wadey, kaas oo wax badan innaga bartay meerahan Raage, maraaraha (rings) ku hareeraysan, iyo dayaxyadiisa. Inta aynu hadda ognahay, Raage waxaa ku meera 62 dayax oo uu ugu weyn yahay Taaytan (Titan). Sahankan waxaa ku baxday ilaa $4 bilyan oo doollar.

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In kasta oo uu aad u weyn yahay, cuf badan ma laha oo dhulkaa 8 jeer ka cuf weyn. Biyahaa ka cuf weyn, sidaas awgeedna waxaa la yidhaahdaa haddii la sameeyo baaf biyo oo meerahan qaadi kara (!) sidii kubbad ayuu dul heehaabi lahaa fudayd awgii.

Raage waa meeraha ugu dambeeya ee dadkii hore ay yaqaanneen, ishana lagu arki karo. Labada ka dambeeya isha laguma arki karo, waxaana la daahfuray ka dib markii soodhoweeyaha la sameeyey.

Sida Cirjiidh (Jupiter) ayaa uu ka samaysan yahay hawo (gas), gaar ahaan haaydrojiin iyo hiiliyam, waxaana lagu tilmaamaa Gas giants, ama waaweyneyaasha hawada ka samaysan.

Raage waxa uu caan ku yahay maraaro (rings) ku hareeraysan. Dhexroorka maraarahani waa 270, 000 kiiloomitir. Maadaama uu qorraxda aad uga fogyahay, 29.5 keenna sanaba hal mar ayaa uu qorraxda ku wareegaa. Taas oo macnaheedu yahay in halkiisa sano u dhigmo 29.5 sannad dhuleed. Waana sababta ay Soomaalidu ugu magacawday Raage.

Sawirkan waxaa ka muuqda meeraha Raage (bidix) iyo maraarihiisi (kor). Waxaa kale oo ka muuqda oo ay fallaadhu tilmaamaysa Dhulka oo hal bilyan oo mayl u jira goobta sawirkan uu Kasiini ka qaaday.

Xigasho:

NASA

BBC

The Economist

Check Also

Abaaraha.org

Markii ay meel daran gaadhay abaartii sannadkan bilowgiisa ka dillaacday qeybo badan oo ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *