Home / Aragti / Diinta iyo Sayniska

Diinta iyo Sayniska

Ilaahay—kor ahaaye—markii uu uunkan sameeyey waxa uu ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. Markii Aadan cs la abuurayna waxaa la baray dhammaan magacyadii waxyaalihii jirey. Isaga iyo Xaawoba cs waxaa loo kala sheegay dhirtii ku hareeraysneed kuwa dheefta u leh iyo kuwa dhibta u keeni kara, iyada oo la ogeysiiyey in wixii ay rabaan ay ku raaxaysan karaan, laakiin laga rabo in ay ka dheeraadaan hal geed oo laga xaaraantimeeyey. Waxaana la baray in ay ka feejignaadaan Ibliis oo cadow u ah. Waa aqoontii ugu horraysay ee aadane barto. Ilaa iyo maantana aqoon kororsi ayaa aynu ku jirnaa. Sidaas ayaa ay weligeed isu la socdeen aqoonta ku saabsan abuurta Alle (saynis) iyo ta ku saabsan amarka Alle (diin).

Marar badan ayaa aad Qur’aanka ku arkaysaa tilmaamo ku saabsan abuurta Alle, iyada oo la raacinayo in ay yihiin aayado ay tahay in aynu ku aqoonsanno awoodda Allaha abuuray, in aynu ku waantoowno, iyo in aynu baranno sidii aynu u dheefsan lahayn.

وَسَخَّرَ‭ ‬لَكُم‭ ‬مَّا‭ ‬فِي‭ ‬السَّمَاوَاتِ‭ ‬وَمَا‭ ‬فِي‭ ‬الْأَرْضِ‭ ‬جَمِيعًا‭ ‬مِّنْهُۚ‭ ‬إِنَّ‭ ‬فِي‭ ‬ذَٰلِكَ‭ ‬لَآيَاتٍ‭ ‬لِّقَوْمٍ‭ ‬يَتَفَكَّرُونَ

“Alle waxa uu idiin sakhiray waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, dhammaantood isaga ayaa ay ka ahaadeen, taas calaamado ayaa ugu sugan dad fekeraya.”

al-Jaathiyah: 13

Barashada abuurta Alle iyo dheefsigooda ayaa lagu gaadhaa horumar dhanka adduunka ah, jidka lagu bartaana waa aqoonta aynu hadda ku magacawno sayniska. Abuurta Alle—noole iyo manooleba—oo loo fiirsado, loo kuurgalo, tijaabooyinna lagu sameeyo si wax looga barto, iyada oo la adeegsanayo hannaan sugan, ayaa lagu tilmaamaa saynis.

Dad badan oo innaga mid ah waxa aad mooddaa in ay iska dhaadhiciyeen in saynisku yahay hanti ay si gaar ah u leeyihiin gaalada iyo reer Galbeedku. Waxaa layaab leh in isla dareenkani uu ka jirey qaaradda Yurub markii ay ku jirtey waxa ay ku tilmaamaan Xilliyadii Madoobaa (Dark Ages) ee Muslimiintu ay hogaaminayeen aqoonta sayniska. Xilligaas in badan oo reer Yurub ka mid ahi sayniska buufis ayaa ay ka qabeen iyaga oo uga carari jirey in uu yahay wax Muslimiintu wataan! Aqoonta sayniska ee maanta adduunka taallaa waa waayo-aragnimo iyo garasho daafaha dunida laga ururinayey ilaa iyo bilowgii nolosha aadanaha, cid gaar ahina ma laha.

In kasta oo ay Qur’aanka iyo Sunnadu wax badan innaga bareen abuurta Alle, haddana ujeeddadoodu ma aha in ay saynis inna baraan ee waa in ay innagu hanuuniyaan xaqa iyo jidkii aynu ku caabudi lahayn Alle—kor ahaaye. Waxa ay inna baraan xuquuqda la innagu leeyahay iyo sidii aynu u gudan lahayn. Diintu waxa ay qaabaysaa oo ay hagtaa fekerkeenna iyo aragtiyaheenna.

Nebiga scw ayaa innoo kala saaray. Magaalada Makah ma lahayn beero oo waa dhul aad u kulul aadna u qallalan oo buuraleey ah. Reer Makah aqoon wanaagsan uma aysan lahayn beeraha iyo qaabka loo fasho. Nebiga scw iyo saxaabadu markii ay Madiinah u hijroodeen, ayaa uu Nebigu scw arkay beeraleydii oo geedihii timirta qaybtii labka ahayd iyo tii dheddigga ahayd isku bacriminaya. Markaas ayaa uu yidhi, “u malayn maayo in ay wax tarayso”.

Saxaabadii beeraleyda ahayd markii ay warkii maqleen waa ay joojiyeen, taasina waxa ay sababtay in dalaggii timirtu ka xumaado. Markii Nebiga scw warkii gaadhey ayaa uu u sheegay in ay aragti uu istusay ka ahayd uuna yahay bashar, ee wixii uu Alle ka soo gudbiyo ay tahay in ay qaataan, wixii kale ee aragti shakhsiyeed ahna uu bashar u yahay ee sidaa loola socdo. Waxa uu ku sii daray, “Idinka ayaa iiga aqoon badan arrimaha adduunkiinna.” Waa xadiis saxiix ah oo uu weriyey Imaam Muslim.

Culamadeenu aqoonta waxa ay u qaybiyaan labo: mid lagu garto u fiirsasho, u kuurgalid, tijaabo, adeegsiga caqliga, iyo khibradda (sida xisaabta, caafimaadka, beeraha, dhar samaynta, guryo dhiska, iwm), iyo aqoon ku saabsan Alle iyo shareecadiisa: maxaa xalaal ah, maxaa xaaraan ah, maxaa iska bannaan, xidhiidhka Alle iyo addoonkiisa u dhexeeya, xidhiidhka qofka iyo dadka kale u dhexeeya, iwm. Diintu faahfaahin ka ma bixin sidii aad guri u dhisi lahayd, laakiin waxa ay sheegtay marka aad guri dhisaysid in aadan khiyaano samayn, in aadan dadka kale dhulkooda ku xadgudbin, in aad xaqa deriska ilaalisid, in aad shaqaalaha xaqooda siisid, iwm.

Aqoonta kawnkan iyo waxa ku dhex jira ee isheennu qabato ama aynu maqli karno ama aynu taaban karno waa wax u fiirsasho, u kuurgalid, iyo tijaabo lagu ogaan karo. Waa halka aqoonta saynisku ka shaqayso. Garashadeeduna ku ma xidhna diinta oo gaal iyo Muslinba waa loo siman yahay.

Iyada oo ay taasi jirto, haddana maanta waxaa aqoonta sayniska calanka u sida, hoggaankana u haya Alle-diid. Miyaa aysan wax lala yaabo ahayn innaga oo mu’miniin ah in aynu barashadii iyo u kuurgalkii abuurta Alle faraha uga qaadno mid aan Alle jiritaankiisaba oggolayn?!

Imaam Shaafici ayaa laga hayaa in uu yidhi, “Aqoontu waa labo: aqoon diineed iyo mid adduunyo. Aqoonta diintu waa fiqhiga, aqoonta adduunyaduna waa caafimaadka.” Waxaa kale oo laga hayaa in uu yidhi, “Xalaal iyo xaaraanta ka dib, ma ogi aqoon ka sharaf badan caafimaadka. Laakiin Ehlul Kitaabka ayaa innooga awood batay”. Sidaas oo kale waxa uu yidhi, “Waxa ay dayaceen [Muslimiintu] saddex meelood meel aqoontii, waxa ayna u talo saarteen Yuhuudda iyo Nasaarada.”

Markii aynu dayacnay aqoontii oo aynu ka hawlgabnay ayaa aynu ku meeraysanaynaa “gaalaa sidaa tidhi” iyo “waxaan diintu sheegin naga la tag”…

Mar ayaa aan dadka la wadaagey qoraallo saynis ah oo midkood dayaxa ku saabsanaa, midka kalena dayax madoobaadka iyo qorrax madoobaadka ku saabsanaa.

Waxbaa ka dhacay!

Qaar baa sidii ay u socdeen diintiiba iga saaray oo i gaaleysiiyey! Acuudu billaah.

“Abuurta Alle maxaa faraha kuu galiyey?”, “ma adigaa dayaxa tagey oo soo ogaaday?”, “waa aayad Alle dadka ku cabsi galinayee, sheekada gaalada nagala tag.”, “war Alle u tawbad keen.”, “dadka ha dembaajin waxaagan aan sida loo istijoodo aqoonin.”!, “Qur’aanka iyo xadiisku ma sheegin waxan aad sheegaysid.”

Kawnkan Alle abuuray baaxaddiisa marka la eego, dayuxu waxba innoo ma jiro. Diirad (telesecope) awood fiican leh haddii aad haysatid wax badan baa aad dayaxa oogadiisa ka baran kartaa. Midda madoobaadka dayaxa iyo qorraxduna waa sidaas oo kale oo kumannaan sano ayaa la ogsoonaa sida ay u dhacaan. Culumada Islaamkuna ma diiddana oo qaar ka mid ah kutubtooda ayaa ay ku qoran tahay iyaga oo sheegaya in aysan cilmul qayb ahayn ee lagu ogaan karo xisaab.

Dadka sidan u hadlaya marka xanuun qabto waxa ay aad ugu dedaalaan sidii ay u heli lahaayeen dawada ugu fiican ee waxa haya ka bogsiin karta. Isma weydiiyaan ma gaal baa sameeyey mise Muslin, ma aqoon gaal baa lagu sameeyey mise mid Muslin? Isma weydiiyaan aayadda iyo xadiiska daliilka u ah in dawada loo soo qoray ay wax ka qaban karto dhibta haysa.

Diintu waxa ay u soo degtay in ay dadka hagto oo ay ku hanuuniso jidkii Alle u doortay. Waxa ayna leedahay axkaam ay ku kala caddayso wixii bannaan (xalaal) iyo wixii aan bannaanayn (xaaraan). Waxaa jirta qaacido ah: asal ahaan wax kastaa way bannaan yihiin (اصل‭ ‬الأشياء‭ ‬الإباحة). In la yidhaahdo waxaasi ma bannaana oo waa xaaraan, ama waa waajib in la sameeyaa, waxa ay u baahan tahay daliil diinta ka yimid. Wax aan daliil loo cuskado loo hayn in waajib laga dhigo ama la xaaraantimeeyo waa Alle in lagu been abuurtay.

وَلَا‭ ‬تَقُولُوا‭ ‬لِمَا‭ ‬تَصِفُ‭ ‬أَلْسِنَتُكُمُ‭ ‬الْكَذِبَ‭ ‬هَٰذَا‭ ‬حَلَالٌ‭ ‬وَهَٰذَا‭ ‬حَرَامٌ‭ ‬لِّتَفْتَرُوا‭ ‬عَلَى‭ ‬اللَّهِ‭ ‬الْكَذِبَۚ‭ ‬إِنَّ‭ ‬الَّذِينَ‭ ‬يَفْتَرُونَ‭ ‬عَلَى‭ ‬اللَّهِ‭ ‬الْكَذِبَ‭ ‬لَا‭ ‬يُفْلِحُونَ

“Ha odhanina waxa ay carrabbadiinu tilmaamaan kani waa xalaal kanina waa xaaraan, si aad Alle ugu been abuurataan. Kuwa Alle ku been abuuranayaa ma liibaanayaan.”

an-Naxal: 116

Waxaa isweydiin mudan, maxaa u baahan daliil diini ah oo xalaal iyo xaaraan ama mubaax u kala bixi kara, maxaanse u baahnayn?

Soomaali haddii aynu nahay waxa aynu u badan nahay xoolo dhaqato. Qaabka aad xoolaha u dhaqanaysid, meesha aad degaysid, marka aad u guuraysid meel roob ka da’ay, iwm, daliil ma ugu baahan tahay? mise waa wax caado ah oo iska bannaan? Daliil miyaa aad u baahan tahay in dabku kulul yahay oo uu ku gubayo? Mise waa wax aad dareenkaaga ku garan kartid?

Haddii aad beeraley tahay, waxa aad beeranaysid, sida aad u beeraysid, marka aad beeraysid, marka aad dalagga goosanaysid, iyo habka aad u goosanaysid, ma daliil ayaa aad u baahan tahay? Mise waa aqoon lagu kasbado tijaabo iyo dedaal aadane? Daliilka booskiisu miyaa uusan ahayn in waxa aad beeraysaa uusan xaaraan noqon, sida daroogo, marka aad dalagga goosatidna sakadii masaakiinta aad siisid?

Dagaalkii Beder markii ay Muslimiintu yimaaddeen goobtii dagaalka oo ay degeen, nin saxaabada ka mid ahaa ayaa u yimid Nebiga scw, isaga oo ay u muuqatay in meesha la dagey aysan xeeladda dagaalka u wanaagsanayn. Nebiga scw ayaa uu u yimid waxa uuna kala weydiiyey in sababta goobtan loo degay ay tahay waxyi iyo in kale. Nebigu scw waxa uu ugu jawaabay in aysan waxyi ahayn ee ay tahay aragti. Saxaabigii waxa uu soo jeediyey in goobtii laga guuro, sidii baana la yeelay dagaalkiina lagu guuleystay. Sidaas oo kale, dagaalkii Axsaab godkii la qoday waxa uu ahaa talo uu soo jeediyey Salmaan al-Faarisii RC.

Saynis la dirirku ma aha diin difaacid ee waa dibudhac. Waa nin magaalo ka dudoow yaa ku og! Waa ta sababtay in aynu nolol maalmeedkeennii cid kale marti uga noqonno. Waa ta inna badday dibudhaca inna haysta maanta ee aynaan xitaa cod baahiyihii masjidka aynu gaaladaa aynu maagayno u daba fadhino. Waa ta keentay in cadowgii aynu iska ilaalinaynay aynu isagii hubkii ka gadanno!

Habacsanaanteenna iyo dullinimada aynu isku ridnay yaan diinta dusha laga saarin oo qiil looga raadin. Innagaa hawlgabnay. Diintu waa ka beri. Alle cidna ma dulmiyo, wanaag iyaga oo wadana xumaan uma dooriyo. Marbaa aqoonta iyo kartida Muslimiinta uu adduunku ku soo hiran jirey, oo ay boqorrada Yurub baryi jireen in ilmahooda wax loo baro. Maantana xaalkeenna la isaga sheekaynmaayo. Markii aynu sidan noqonnay ee aynu quful weyn saarnay maskaxdii iyo garaadkii Alle innagu mannaystay, ka dibna aynu furihii tuurnay, ayaa sidan la innoo dhaafay e aynu isdabaqabanno.

“Alle ku doori ducana way noqotaa.”

Check Also

JAWAAB: Caqabadaha hor taagan dawladowga Soomaaliya

Dhibaatooyinka hortaagan dawladnimada Soomaaliya waxa ugu weyn: (1) Xamar oo aanay dawladdu ka shaqeyn karin (2) …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *