Home / Amni / Mu’min god labo jeer lagama wada qaniino

Mu’min god labo jeer lagama wada qaniino

Meelaha ay Xabashidu dullaysatay waxaa ka mid ah gobolka Gedo, oo ilaa 1996’dii ay waxay rabto ka samaynaysay. Waxaa ku cibro-qaadasho mudan qaabka ay markii hore ku timid gobolka oo u eg midda maanta socota.

Dhammaadkii 1992’dii waxaa Gedo qaybo ka mid ah qabsaday ururkii al-Itixaad. Wuxuu xarun ka dhigtay dagmada Luuq marki dambena wuxuu u gudbay Baladxaawo iyo Doolow oo uu si buuxda maamulkeeda u hantay. Inta kale gobolka inuu afkaar ku joogo mooyee xukun kuma lahayn marki laga reebo dhawr tuulo oo aad looga taageersanaa.

Itixaad waa dulmi badnaa tacaddiyo badanna waa gaysan jiray. Dhinacse khayr ayuu ka lahaa oo meelaha uu ka taliyo masaajid camiran iyo malcaamado buuxa ayaa lagu yaqaannay. Sidoo kale, dulmigiisu wuu ka yaraa midkii dagaal-oogayaasha wuxuuna ku koobnaa qaybo bulshada ka mid ah.

Markii laga reebo saddexdaas dagmo ee Itixaad haystay, gobolka intiisa kale maamul shaqeeyaa kama jirin. Hasa yeeshee waxaa taallay nabad buuxda. Way yarayd inaad maqasho qof la dilay, dhac ama dhib kale. Ma dhici jirin xataa inaad maqasho xabbad iska dhacaysa. Garbahaarrey oo aan anigu joogay ma dhici jirin inaad aragto ruux qori sita. Shaqo la’aan, waxbarasho la’aan, iyo dhaqaalo la’aan baahsan waa jirtay laakiin nimco nabadeed ayaa la haystay.

Mar la joogo horraantii 1996’dii ayaa waxaa wada hadlay saraakiil Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah oo matalayay qabiillo dareemay inay khatar kaga imaanayso koox diimeedkaas. Waxaa lagu heshiiyay kooxdaan khatar ayay nagu wada tahaye aan iska wada qabanno. Heshiisku wuxuu ahaa in ciidammo Soomaali ah ay qabsadaan meelaha laga saaray kooxda. Kaalinta Itoobiya waxaysaa noqonayaa taageero keliya. Markii la qabto magaalooyinkana way laaban sida ugu dhaqsaha badan, sida uu sheegay—Alle ha u raxmadee—Cumar Xaaji Masalle oo ahaa masuulkii ugu sarreeyay raggii keenay Xabashida.

Dadkii shakiga ka qabay Itoobiya waxaa loo sheegay in Itoobiyada maanta aysan ahayn middii aan dirirnay. Waxaan xusuustaa iyada oo la leeyahay Tikree xukunka annagaa u dhiibnay maantana inay abaalgudaan ayay diyaar u yihiin. waxaan xusuustaa iyada oo laga sheekeeyo sida Zenaawi abaal ugu hayo Soomaalida iyo sida uu u jecel yahay inuu arko Soomaaliya oo nabad ah. Waxaan xusuustaa iyada oo laga sheekeeyo inuu Zenawi ku dhoofi jiray baasaboor Soomaali waxna ku bartay Soomaaliya (run iyo been kay ahayd ma aqaan). Waxaase xusid mudan in shalaydaan qoyan nin akhyaar ah igu yiri Abiy Axmed wuxuu ka mid yahay dhalintii Soomaaliya qaxootiga ku noqday oo waa nin qaraabo ah. “Sagaaro soo ima barato” nin baa laga sheegay!

Waxaan ka  mid ahaa carruurtii lagu anqariyay nacaybka Itixaad ee aad u dhegaysan jirtay sheekooyinka lagu doonayo in lagu dumiyo. Waxaan xasuustaa farxaddii iyo raynrayntii ka dhacaysay maalintii Xabashidu xasuuqday dhalinyardii qurraada ahayd ee Soomaaliyeed. Waxaan xusuustaa rejadii la qabay ee ahayd in gobalku uu ku soo noqon doono gacanta beesha deggan oo aaminsanayd in rag ka yimid gobollo kale kala wareegeen maamulka gobolkooda. Waxaan xusuustaa iyada oo ciidammada Tikreega ee dadkeenni xasuuqay loogu yeero “Facaye Sade” (Facaye waa beel Marreexaan la dhalatay) si loo muujiyo walaaltinimada naga dhexaysay.

Abaalgudkii wuxuu noqday dullaysi, addoonsi, iyo layn. Muddo yar gudaheed waxaa la waayay meel nabad ah. Kuwii keenay waxay ka dhigtay mid ay xiraan iyo mid dalka ka carara. Bil ka dib markii Xabashidu gobolka qabsatay, Allaha u raxmadee Cumar Xaaji ayaa BBC’da u warramay oo sheegay inay ballantii ka baxday. Isaga iyo intii dareen ku danbeeyay waa hadleen intii kalena wixii lagu amray ayay qaateen.

Waxay bilowday in dadkii walaalaha ahaa ay isku hubayso. Gedo oo caan ku ahayd meel nabadeed oo dagaallada dhacaa aysan dad ku dhiman ayay u beddashay meelaha ugu ammaanka xun Soomaaliya. Waxay abuurtay dagaallo ummulo-doox oo foolxun weligeedna aan gobolka soo marin. Askarteedii ayaa bilaabay inay sal dhigtaan meelo badan oo gobolka ka mid ah, ciddii ay rabaan ay xiraan, dilaan, ama masaafuriyaan.

Itoobiyadii cusbayd ee aan abaalka ku lahayn wayba ka darnaatay middii hore. Dhibkii sidaas ayuu ku socdaa ilaa maanta, oo bil ka hor ayay ahayd markii askarteeda ka tirsan AMISOM, mushaharka badanna lagu siiyo shaqadooda, sharcigana ku joogaa, ay xoog ku cabbayeen biyaha shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Iyada oo taasi nagu dhacday, Itoobiya cusub ma aamini karnaa? Maxaa dammaanad ah inaysan mar kale inna khiyaami doonin? Muxuu Abiy kaga duwan yahay Zenaawi? Sideen ku illaawi karnaa tacaddigii ay innoo geysatay ilaa maantana nagu hayso?

Dad dakanadooda illaaway weligood sharaf ma helaan. Haddii la i weydiiyo sheeg hal shay oo Yurub gaarsiiyay inay karaamo ku noolaadaan, waxaan dhihi lahaa waa in aysan weligood illaawin cid dakano ka qabta. Kun sano ha gaartee, reer Yurub ninkii maalin dullaystay kama haraan ilaa ay ka gacan sarreeyaan. Fiiri Andulus! Itoobiya waa sidaas oo daali mayso ilaa ay gaarto yoolkeeda oo ah hanashada dhulka Soomaaliyeed iyo dadkiisa.

Mu’min god labo jeer lagama wada qaniino.

https://reliefweb.int/report/somalia/ethiopian-forces-and-somali-militia-control-border-area

 

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *