Home / Adduunka / Ma Ogtahay in Darajada ugu Sarayso ee la gaaro ay tahay in Bulshada loo adeego?
©Hussain [CC BY-SA 3.0]

Ma Ogtahay in Darajada ugu Sarayso ee la gaaro ay tahay in Bulshada loo adeego?

Dhammaan aadanuhu waxa uu ka siman yahay jacaylka darajo sare iyo sumcad. Qof walba waxa uu rabaa in la ammaano, la xusuusto, magaciisuna uu jiro qaruumo badan.

Waxa aan dedaal badan u galnaa sidii aan maal ku tabci lahayn kaas oo aan filaynno in uu inna gaarsiin doono maqaam sare. Qaarkeen waxa ay dhiig u daadiyaan, maal u dhacaan ama maato u laayaan in ay gaaraan hadafkaas sare. Qaar si nabad ah oo xeelad iyo xikmad la isku daray ah ayaa ay kursi ku doontaan si ay u xaqiijiyaan hadafka ugu danbeeya oo ah in ay magac sare yeeshaan, xusuusna reebaan.

Intaas oo dedaal ah markii la maro, cimrigu hore u socdo, lafahu jilcaan, waxtarkuna koobnaado, ayaa aynu fahannaa waddadii saxda ahayd in aysan ahayn midda aan wax ku doonaynay. Markaas ayaa ay qaarkeen iska quustaan, qaarna isdabaqabtaan oo isbeddel sameeyaan.

Waddada ugu sahlan ee lagu gaaro magaca ugu sarreeya adduunka waa in dadka bilaash loogu shaqeeyo—waqtigaaga aad ku bixiso caawinta, taakulaynta, horumarinta, iyo hagaajinta aadanaha. Jidkani waa midkii ay qaadeen dhammaan Nebiyadii Eebbe soo diray. Waxa aad in badan Qur’aanka ku arkaysaa iyaga oo leh maal idin wayddiinsan maynno. Kuwo badan oo ka mid ah, sida Nebi Daauud cs, dhinac waa ay ka xammaalan jireen, dhinacna dacwada ayay si bilaash ah uga wadeen.

Suubbanaheenna scw waa aad taqaannaan siiradiisa iyo sidii uu dadka ugu shaqayn jirey. Mar waa isagii yiri hadal macnihiisu ahaa “qofkii danta walaalkii wax ka qabta, Alle ayaa dantiisa u guda”. Sidaas ayaa ay saxaabadii iyo kuwii wanaagsanaana ka barteen.

وَافْعَلُوا‭ ‬الْخَيْرَ‭ ‬لَعَلَّكُمْ‭ ‬تُفْلِحُونَ

“Wanaaggana sameeya si aad u liibaantaan.”

al-Xajj 77

Haddii aan eegno dunida aan maanta ku nool nahay ee ay gaaladu ugu tun weyn tahay, waxa aad arkaysaa in kuwii ugu maalka badnaa ay yaqiinsadeen in maalkoodu uusan xusuus ka reebi doonin. Tusaale, Bill Gates oo hadda ah ninka ugu taajirsan aduunka, waa uu ka tagay shaqadiisi waxa uuna u jeestay in uu si bilaash ah ugu shaqeeyo aadanaha.

Waxa uu aasaasay hay’ad samafal oo magaciisa wadata, taas oo u adeegta ladagaallanka Malaariyada. Bill Gates waxa uu ogaaday haddii uu dhinto isaga oo shaqo bilaash ah aan qaban in magaciisu meesha ku hari doono laakiin haddii uu ka tago waxtar uu u sameeyay aadanaha muddo la xasuusan doono.

©Hussain [CC BY-SA 3.0]

Haddii aad tiraahdo kuwanu waa kuwo xoolo ka dhergay oo raba madaddaalo kale, aan ku siiyo tusaale kale. Cabdul Sataar Edhi (sawiran) waxa uu ahaa nin Baakistaani ah oo isagoo aan waxba hayn go’aansaday in uu caawiyo dadka masaakiinta ah ka dib markii uu arkay in aysan jirin dawlad caawinaysaa. 1951’dii ayaa uu furay xarun dadka lagu daweeyo, ugu danbaynna hay’addiisi waxay noqotay hay’adda ugu weyn Baakistaan ee dadka maasaakiinta ah caawisa. Waxa ay furtay dugsiyo iyo isbitaallo, guryo dadka masaakiinta la dajiyana waa ay dhistay. Isaguna waxa uu noqday dadka ugu caansan adduunka, waxa uuna ku guulaystay abaalmarinno badan.

Waxa uu yiri wariye  u shaqeeya wargeys ka soo baxa Ingiriiska oo la yiraahdo The Telegraph “waxaan la kulmay madaxweynayaal, raysul-wasaarayaal, wasiirro, iyo madaxda ugu caansan adduunka, lamase kulmin qof karaamo leh ilaa aan la kulmay CabdulSataar Edhi. Markaan gacanta isgalinnay waxaan qalbigayga ka dareemay naxariis iyo dareen ruuxaani ah”.

Cabdulsataar darajadii loo wada socday waxa uu gaaray isaga oo aan waddo dheer iyo warwareeg marin. Intii uu lixdan jir ku bilaabi lahaa u shaqaynta ummadda waxa uu go’aansaday in uu labaatan jir ku bilaabo. Allah ha u raxmadee, waxa uu geeriyooday isaga oo 82-jir ah, cimrigiisina ku idlaystay sadaqo iyo u adeegidda Muslimiinta.

Haddii guushu ku xiran tahay waqtigaaga, aqoontaada iyo maalkaaga, hadba ka aad hayso oo aad uga faa’iidayso dadkaaga, maxaad meel kale u qardajeexi? Maxaa innoo diidaya in aan haddaba bilowno hawl aan bilaabi doonno mar aannan tabar u hayn?

Check Also

Diinta iyo Sayniska

Ilaahay—kor ahaaye—markii uu uunkan sameeyey waxa uu ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *