Home / Falanqayn / Hadhkii Xoriyadda

Hadhkii Xoriyadda

Ummada Soomaliyeed waxay soo martay halgan dheer  oo ay ku higsanaysay xornimo iyo madaxbanaani. Halgankaa iyo dadaalkaa looma kala hadhin, miyi iyo magaalo, gudo iyo debed,  waxa loo guntaday in la helo madaxbannaani buuxda oo lagaga hoos baxo gumaystihi reer yurub ee qaybiyey ummad isku af iyo diin ah. dhulkeedana aanay u dhaxayn bad iyo buuro.

Dabayshii xorriyada ee Soomaalida saaqday waxay ahayd mid ka curatay dhammaan dadyawgii la gumaysan jiray ee qaaradda Afrika oo dhan. Tilmaamaha iyo tusaalaha ay leedahay madaxbannaanidu waxa laga tiriyey murti iyo maanso dhaxalgal ah; dadkuna waa u riyaaqay isla markaana waxa lagu soo dhoweeyey raynrayn iyo caleemo qoyan. Waxay noqotay arrin aysan jirin wax loo dhigaa; gaar ahaan marka la eego jiilkii xornimada dhaliyey iyo in badan oo u soo joogay waayihii gumaystaha ee qadhaadhaa.

Waxaad sawirataa, meel dadkii loo qaybiyey, dabaqado iyo derejooyin. Caddaanku waxa uu ahaa derejada ugu sareysa, shaqaalihiisi ku dhowaa ee hindi, sawaaxili iyo shisheeye kale waxay ahaayeen dabaqada labaad. Soomaligii dhulka lahaana waxa uu noqday dabaqada  ugu hoosaysa. Dulmigii iyo duudsigii gumaytuhu waxa uu dhalay in colaad aan suulin loo qaaday ka dibna lagu tashaday sidii dhulka looga masaafurin lahaa isaga iyo inta u adeegtaba.

Waxa Soomaali badan niyaddooda ku jirtay in marka madaxbannaani la gaadho aanay dillaal iyo danayste dambe u daba fadhiisan doonin hantidooda iyo dhulkooda hodanka ah.

Dhinaca kale ummadda Soomaaliyeed oo u badan dad raacato ah waxa caqabad ku noqotay ka midha dhalintii himiladii ummada, aqoonta oo koobnayd, xamaasada iyo gaal nacaybka oo meel sare marayey waxa ka dhashay niyad jab iyo u qaadanwaa. In badani waxay filayeen in marka ninka caddi tago ay jannadii ifka cagaha gelin doonaan, in ay dhulkooda ka hodmi doonaan oo badhaadhe iyo barwaaqo gaadhi doonaan.

Hammigii iyo yuhuuntii Soomaalidu waxay shiiqday markay xaqiijisteen in wax badani maqan yihiin. Waxa cadaadatay markii gaalkii guuray in wax badanina ay raaceen. Sancadii, waxsoosaarkii, shaqa badnaantii, dishibiliinkii iyo kala danbeyntii ayaa la waayey. Waxa isku soo baxsaday Soomaali wada aftahan ah oo murmaysa aanse irbad dun gelin karin. Waxa la waayey caanihii badnaa ee laga naawilayey hashii xorriyada ee ‘Maandeeq’ loola baxay. Waxa abuurmay shaki iyo tuhun, waxa si tartiibtariib ah u bilaabmay is eedayn iyo dhaleecayn dusha looga tuuray intii hormoodka ahayd, oo aan laftoodu wax hagran laakiin markii la waayey jannaddii la ballanqaaday eeddii iyaga dusha laga saaray.

Markii xornimada la hantay waxa loo baahnaa in la helo khibrad iyo aqoon ku filan hagidda iyo maarayta hawlaha qaranka.  Waxa loo baahnaa in shisheeeyihii si hufan loola galo heshiish ah xagga farsamada, iyo tababarida soomalida si ay awood buuxda ugu yeeshaan hanashada arrimohooda oo dhan. Intaa wixii ka dambeeyey waxa gadaalgadaal loogu noqday dhaqankii baadiyaha ee dhowaan laga soo diga rogtay. Waxa la miciinsaday tolla’ayey  iyo reer hebel baa intiiba qaatay.

Maanta oo Soomaalidii ay waayo aragnimo iyo aqooniba u korodhay, waxa la rumaysanyahay taa mid liddi ku ah; waxa la rumaysan yahay in shisheeye wax walba inoo soo saaro innaguna aan dilaal ka noqonno.

Weli waxa maqan oo banaan, horumarkii aasaaska u ahaa nolosha maddaniga ah ’reer magaalnimo’ taasoo kor uga qaadi lahayd ummada Soomaaliyeeed halka ay maanta joogto. Isla markaana yarayn lahayd murankan iyo madax madax ku taaga.

Shakigii la kowsaday qiiradii soomalida halkii kuma hadhin ee waa uu la socday intii xornimada ka dambaysay oo dhan ilaa uu isu rogay eed iyo cambaarayn ay qoloba qolada kale ku eedayso in ay iyadu ka mas’uul ahayd wixii Soomaali maxamed ka xumaaday.

In hammi sare la yeeshaa waa astaanta koowaad ee gobanimada.

Isku soo duuboo Soomaalidiii xorowday ee calanka qaadatay lixdankii waxay u dhuratay dhaqankeedii baadiyaha ee raacataa ahaa isla markaana waa ay ku fashilantay in ay noqoto ummad ilbaxnimo iyo xaddaarad leh oo is barbar taagta ummadaha ay aqoontu hagto; taana waxa sabab looga dhig karaa hoosiiskii xorriyadda ee sida khaldan loo fahmay.

Check Also

Diintu horumar miyey innaga hortaagan tahay?

Waxaa jira dad ku dooda in diinta Islaamku u baahan tahay isbeddel la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *