Home / Abwaan / Hijri (Xilli-tirsi)
©Freepik

Hijri (Xilli-tirsi)

Xilli-tirsiga Hijriga loo yaqaanno ee Muslimiintu ay adeegsadaan waxa uu ka bilowdaa sannadkii uu Nebigu scw u hijrooday Madiinah. Ereyga ‘hijri‘ waxa uu ka yimid hijrah.

Xilli-tirsiga hijriga ah waxaa dejiyey khaliifkii labaad ee Muslimiinta, Cumar ibnul Khaddaab rc. Sababtana culumada taariikhdu waxa ay ku sheegaan in loo keenay dacwad ku saabsan dayn laba nin u dhaxaysay. Dacwadda waxaa dhaliyey jeeggii (cheque/check, الصك) ninka daynta leh loo qoray ayaa waxaa ku taalley in la bixinayo bisha Shacbaan. Cumar waxa uu weydiiyey Shacbaanta la iska rabaa midda ay tahay. “Ma ta sannadkan, mise tii ka horreeyey, mise Shacbaanta midka ka dambeeya?”. Ka dib waxa uu bilaabay in uu waxgaradkii isu keeno oo uu ka dalbo in la dejiyo taariikh dadku ku gartaan xilliga dayntoodii la baxinayo.

Dadkii qaar ka mid ah waxa ay soo jeediyeen in nidaamkii xilli-tirsiga ee Faarisiyiinta la qaato, laakiin looma bogin. Qaar kale ayaa iyaguna soo jeediyey in tii Roomaanka la qaato, taasna lama jeclaysanin. Waxaa kale oo la soo jeediyey in laga bilaabo dhalashadii Nebiga scw, ama markii Nebinimada la siiyey. Cali ibnu Abii Daalib rc iyo kuwo kale ayaa soo jeediyey in xilli-tirsiga Muslimiinta laga bilaabo xilligii uu Nebigu scw Makkah ka baxay ee uu Madiinah u hijrooday, maxaa yeelay waxa ay ahayd dhacdo taariikhdeedii la hayo oo aan muran ka taagnayn. Aragtidaas ayaa uu Cumar jeclaystay waxa uuna amar ku bixiyey in hijradii laga bilaabo, markii la tiriyeyna xilligii ay joogeen waxa uu noqday sannadkii 16’d hijrada ka dib.

In kasta oo ay hijradu ahayd bishii Rabiicul Awwal, waxaa la qaatay in lagu sii socdo nidaamkii jirey ee sannadku ka bilaabanayey bisha Muxarram, si aan biluhu isu daba marin.

Hijradu waxa ay ahayd dhacdo kala-wareeg; waxaa ku dhammaaday xilligii ay Muslimiintu ku hoos noolaayeen taliskii Quraysheed ee madaxa kaga taagnaa, waxaana ka bilowday xilligii ay noqdeen ummad madax bannaan oo dawlad leh.

Tirada biluhu waa 12, sida Alle ku xusay Qur’aanka. Afar ka mid ah ayaa xurmad dheeraad ah leh; al-Ash-hur al-Xurum (الأشهر‭ ‬الحرم)/ Bilaha Xurmada leh. Habeen-tirsigu waxa uu ku salaysan yahay dayaxa cusub (dhalashada bisha). Sidaas awgeed, biluhu waxa ay u dhexeeyaan 29-30 maalmood, taas oo sannadka ka dhigta 354 maalmood, halka sannadka qorraxda ku salaysani ka yahay 364 maalmood iyo saacado.

إِنَّ‭ ‬عِدَّةَ‭ ‬الشُّهُورِ‭ ‬عِندَ‭ ‬اللَّهِ‭ ‬اثْنَا‭ ‬عَشَرَ‭ ‬شَهْرًا‭ ‬فِي‭ ‬كِتَابِ‭ ‬اللَّهِ‭ ‬يَوْمَ‭ ‬خَلَقَ‭ ‬السَّمَاوَاتِ‭ ‬وَالْأَرْضَ‭ ‬مِنْهَا‭ ‬أَرْبَعَةٌ‭ ‬حُرُمٌ

Tawbah: 36

Bilaha Sannadka Hijriga ah

Muxarram

Safar

Rabiicul Awwal

Rabuul Aakhar

Jumaadal Awwal

Jumaadal Aakhar

Rajab

Shacbaan

Ramadaan

Shawwaal

Dul-Qacdah

Dul-Xijjah

Check Also

Abaaraha.org

Markii ay meel daran gaadhay abaartii sannadkan bilowgiisa ka dillaacday qeybo badan oo ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *