Saldhig Berbera ah iyo Weydiimo La xidhiidha

Waxa la yidhi Soomaaliland iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku heshiiyey saldhig ay dawladda gadaal ka magacdhabani ka dhisato Berbera. Adduunka maanta way ku badan tahay dawlad saldhig millatari ku leh dal shisheeye oo la yaab ma laha; ma se aha, run ahaan, wax la isku majeerto, faan na hadalkii …

Sii akhri

Maxay tartaa sheeko faneeddu?

In kasta oo dhaqammada adduunku ay wadaagaan curinta sheekada male-awaalka ah, haddana sheeko faneedda buugga buuxisa, ama noofalku, gadaal buu ka yimid, mana aha qayb ka mid ah suugaanteenna soojireenka. Noofalku waxa uu ku hanaqaaday Ingiriiska, halkaas oo uu bulshada ugu jiro halka gabaygu innoogu jiro, gaar ahaan nooca lagu …

Sii akhri

Wadaad waa Nin!

Adeegsiga ereyga “wadaad” dhibaatooyin baa ku hoos jira. Waxa uu noqday dallad la hoos hadhsado, dadka lagu hodo, eeddana lagaga gabbado. Dadku waa wada Muslin mana aha in magac gaar ah aynu siinno ku dhaqankii diinta ee qof walba looga baahnaa. In ninku gadhka la baxaa waa wax diinteenna ka …

Sii akhri

Fiyoorihii Taleex

Iyadoo lala hadlin bay dadka ka hadlisaa, qosol aanad u jeedin bay kaa keenaysaa. Siddeed sano ayaa u dheer tobanka. Wejiga sida dhuuban u samaysan iyo sanqaroorka dhex qotama bay muraayadda hor haysaa. Waa muraayad dhererkeeda ka hoosaysa. Indho kuul bay si jiifa u marinaysaa indho leh uma baahnin. Gacanteeda …

Sii akhri

Xoogga Debecsan

Waa xujada cilmiyaysan iyo akhlaaqda wanaagsan. Waa dhaqan aad u heer sarreeya oo ka muuqanaya taariikhdii Nebigeenna Muxammed (CSWS) iyo sidii uu dadka diinta ugu sheegayey. Wuxuu Nebigeenu u muuqanayay qof dad waalan oo dab isku tuuraya hor taagan oo haddii ay dadkaasu caayaan, ama u gacan qaadaan ama candhuuf …

Sii akhri

20 Feb 1982: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne!

Feberwari 20’keedii, 1982, waxa Hargeysa oo ahayd magaala madaxdii labaad ee Jamhuuriyaddii Dimoqraaddiga ahayd ee Soomaaliya ka dhacay kacdoon weyn oo ay bilaabeen ardaydii dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa, taas oo dhaqaajisay dadweynihii magaalada oo gadood kala hor yimi xukuumaddii kelitaliska ahayd ee xoogga badnayd ee Maxamed Siyaad Barre . …

Sii akhri

Afkeennu ma hodan baa?

“Nin ila biyo leh soo arkoo ooman baan ahaye” Raage Ugaas Afku waa astaanta ugu mudan ee lagu aqoonsado ummad. Waxa uu isku xidhaa bulshada afkaa ku hadasha. Afku waxa uu suurtogeliyaa in la isku fahmo oo uu noqdo mid abuura dareen wadajir ah iyo is ahaansho bulsheed. Si kale …

Sii akhri

Macasalaama Kasiini

Saddex iyo toban sano ka dib, maalintii Jimcaha ee 15’kii Sibtambar 2017, waxaa soo gabagaboobay sahankii fagaagbuldiyaha Kasiini uu ku dul wareegayey meeraha Raage (Saturn). Saynisyannadii maamulayey ayaa Fagaagbuldiyahan (space probe) u jeediyey in uu galo gibil-haweedka Raage, isaga oo ku socda xawaare ah 120,000km/saacaddii, si uu ugu gubto. Farriintii …

Sii akhri

Diinta iyo Sayniska

Ilaahay—kor ahaaye—markii uu uunkan sameeyey waxa uu ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. Markii Aadan cs la abuurayna waxaa la baray dhammaan magacyadii waxyaalihii jirey. Isaga iyo Xaawoba cs waxaa loo kala sheegay dhirtii ku hareeraysneed kuwa dheefta u leh iyo kuwa dhibta u keeni kara, iyada oo …

Sii akhri

Waxa aad hurtaa 30 daqiiqo si aad…

Earl Nightingale waxa uu baadhayay iskuna taxallujiyay guusha muddo tobanaan sanno ah, si dhab ahna waa uu u gudanayay shaqadiisa. Waxqabadkiisii inta u badan haddeer waa la iska illaaway, balse haddii aad in uun meel ku aragtid, waa kuwo u qalma in waqti la gesho ee ha sii dayn. Aniga …

Sii akhri