Ganacsiga Isxanbaarka ah iyo Soomaalida

Muddooyinkii ugu danbeeyey waxaa bulshada Soomaalida ku soo badanayey ganacsiga internetka, gaar ahaan qaabka loo yaqaanno Network Marketing oo ah qaabka silsiladda laysugu xidhan yahay ama Isxanbaarka Ganacsi (pyramid scheme/ ponzi scheme). Waa qaab dunida kale aad looga yaqaanno, hase yeeshee, Soomaalidu aanay aqoon badan u lahayn. Waxase ganacsigani aad …

Sii akhri

Dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Turkiga

Dagaal dhaqaale oo saf ballaaran ayuu Maraykanku ku soo qaaday dunida inteeda kale. Dagaalkan wuxuu si ba’an u saameeyey dhaqaalaha Turkiga waxaana hoos-u-dhac aad u weyn ku yimid Liiraha Turkiga. Toddobaadkii hore, warbaahinta dunida, kuwa gudaha, indhaha shacabka Turkida ah, iyo guud ahaan caalamkuba waxay ahaayeen kuwo ku foogan suuqyada …

Sii akhri

Kalatagga Itoobiya

Inta badan, dhulalka iyo ummaduhuba waxay ku midoobaan qori caaraddii. Marar aan badnaynna ayagoo israba ayay midoobaan. Marar badanna waxaa dhacda inay dawladuhu u kala googo’aan dawlado iyo maamullo. Hore waxaa kala furfurtay dawlado waaweyn sida Cuthmaaniyiintii, Midowgii Soofiyeeti iyo Yuguslaafiya. Haddaan fiirinno sababaha ay ku burbureen kuwaasi, waxaan arkaynaa …

Sii akhri

Waa maxay Xummadda Dooxada Rift?

Sannadahan danbe waxa aan warbaahinta ka maqalnaa xoolaha Soomaalida oo laga soo celiyo Sucuudiga iyada oo lagu sheegayo inay qabaan cudurka Xummadda Dooxada Rift (Rift Valley Fever), taas oo bulshada Soomaalida ku keenta dhibaato dhaqaale. Haddaba waa maxay cudurkani? Maxaa sababa? Maxay yihiin calaamadaha lagu garto iyo kahortaggiisa? Waa maxay …

Sii akhri

Saxariirintii Sabaad

“Qabta, marada xagga hoose ka soo mari. Aayar,…. Aaa,.. Yarta duraaxadda u dhig.” Ayay Qaali ku tidhi islaantii ka ummulinaysay oo sacabbada labeenta kaga duwaysa ilmaha yar ee dhashay. Kolkaas ayay iyadoo neeftuuraysa oo laabta gacanta ku haysa furaashkay ku foolatay isku nabtay oo dhabar-dhabar u jiifsatay. Kolkii ay ummushay, …

Sii akhri

Ammaanta dumarka iyo suugaanta: “Sahdi iyo dareen weeye”!

Waxaa beryahan danbe dood ka imaanaysay habka halabuurkii hore haweenka u ammaanay ama adeegsiga halabuurka ee ekeeyayaasha afka kolka la joogo ammaanta dumarka. Suugaantu waa meesha ay ku jiraan oo laga dheehdo laguna kaydiyo dhaqanka iyo xeeldheeraanta afeed ee ay ummadi leedahay. Haddaba, halabuurka Soomaaliyeed kolkuu ammaanayo haweenka wuxuu adeegsadaa …

Sii akhri

Indha deeraleeyeey, Dhexda geenyo ugubleey

Bare Sare Axmed Nuur Yuusuf oo ahaa laashin iyo macallin suugaaneed ayaa waxa uu dhaliili jirey laashimmada allifa heesaha jacaylka gaar ahaan kuwa ay ku jiraan ammaanta dumarku. Waxa uu sheegi jirey in mu’allifka Soomaaliyeed marka uu rabo in uu gabar ammaano quruxdeeda uu ku matalo wax kale sida geenyo, …

Sii akhri

Sharciga Jinsiga: milicsi kooban

Kolka aad akhriso hindise sharciyeedka ay Wasaaradda Haweenku soo diyaarisay waxa aad isweydiin doontaa cidda loogu talogalay ee uu khuseeyo waxa ay yihiin diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. In dalka loo qoray uu yahay dal reer galbeed ah oo ay dadkiisu ku nool yihiin xorriyad jinsiyeed aan xuduud lahayn, mashaakil …

Sii akhri

Sharci dejinta Soomaaliya iyo danaha shisheeye

Marka la dejinayo sharci ama la jaangoynayo siyaasad waxaa muhiim ah in lagu saleeyo nolosha bulshada lagu dabbaqayo sharciga, gaar ahaan, marka sharcigu yahay mid dhaqanka bulshada la xidhiidha. Maadaama waddanku uusan haysanin lacag uu ku bixiyo qoritaanka sharciyada iyo aqoon uu ku qorto sharciyada iyo siyaasadaha ka maqan, inta …

Sii akhri

“Soomaali baan ahay sarrif kuma galaayo”

Ilaa bilowgeedii, dawladnimada Soomaaliyeed waxay ku dhisnayd isir. Waxa aynu ku doodaynnay in aynu dadka kale gaar ka nahay oo ay inna mideeyaan isir, af, iyo diin. Waxa aynu halgan u galnay sidii intii Soomaali ku abtirsataa ay isu raaci lahayd, hal dawladna u yeelan lahayd. Kumannaan ayaa halgankaa innagaga …

Sii akhri