Home / Muxammad Yuusuf (page 2)

Muxammad Yuusuf

“Soomaali baan ahay sarrif kuma galaayo”

Ilaa bilowgeedii, dawladnimada Soomaaliyeed waxay ku dhisnayd isir. Waxa aynu ku doodaynnay in aynu dadka kale gaar ka nahay oo ay inna mideeyaan isir, af, iyo diin. Waxa aynu halgan u galnay sidii intii Soomaali ku abtirsataa ay isu raaci lahayd, hal dawladna u yeelan lahayd. Kumannaan ayaa halgankaa innagaga …

Sii akhri

Xajkii Soomaaliya oo ku dhow inuu baaqdo sannadkan

Xajka yaan la siyaasadayne Dawladdu ha fasaxdo xajka ayaa siyaasiyiin iyo ganacsato kala duwani maalmahan ku soo celcelinayeen. Maadaama aysan jirin xayiraad ay Dawladda Soomaaliya saartay xajka ama shirkadaha xajka, dacwadda socotaa waa mid u muuqata in loola jeedo kootadii Jubba iyo Daallo xajku ugu xidhnaa halkeedii ha laga sii …

Sii akhri

Ganacsato dhiigmiirato ah iyo siyaasiyiin bilaa damiir ah

Sannadkii 2012 ayaan xajiyey. Waxaan mar la joogay xujaajta Kiiniya oo degganaa meel aad u wanaagsan oo nadiif ah, saddexda waqti cunto fiican loo karinayey, basaskoodu mar kasta diyaar ahaayeen, diyaaradda ay sii noqodka raacayaanna ay maalin la og yahay baxaysay. Dhanka kale, xujaajta Soomaaliya meeshoodu waxay ahayd sidii waabab aad …

Sii akhri

Isqabqabsiga Xajka Sannadkan

Maalintii Isniinta, 9’kii Julaay 2018, ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Khayrre waxaa xilka lagaga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xildhibaan Xasan Macallin Xuseen. Jagadaas ayaa waxaa si ku-meel-gaadh ah waxaa loogu wareejiyey Wasiiru Dawlahii wasaaradda, Mudane Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir. Xildhibaan Xasan Macallin Xuseen waxaa …

Sii akhri

Ma dad dhoohan baa nahay?

In arrinta taagan ee buuqa badan dhalisay uu Madaxweynuhu waraysi dheer dhexda u galiyo oo dhawr daqiiqadood la siiyo waxay muujinaysaa sida uusan Madaxweynuhu waxba isaga tirinayn dareenka shacabka ee uu isu arko Mahdi loo soo diray oo barwaaqo u jiidaya iyaguna ay ku khaldan yihiin in aysan “waayahay”-da iyo …

Sii akhri

Asalka Taraawiixda

Taraawiixdku waa salaad sunne ah oo Ramadaanta la tukado. Abuu Hurayrah RC iyo Caa’isha RC waxay soo weriyeen in uu Nebigu SCW dadka ku boorrin jirey in habeenka Ramadaanta salaad loo istaago, laakiin amar adag kagama uusan dhigin. Nebigu SCW waxa uu odhan jirey: مَن قام رمَضانَ إيمانًا واحتسابًا غُفِر …

Sii akhri

Maxay tartaa sheeko faneeddu?

In kasta oo dhaqammada adduunku ay wadaagaan curinta sheekada male-awaalka ah, haddana sheeko faneedda buugga buuxisa, ama noofalku, gadaal buu ka yimid, mana aha qayb ka mid ah suugaanteenna soojireenka. Noofalku waxa uu ku hanaqaaday Ingiriiska, halkaas oo uu bulshada ugu jiro halka gabaygu innoogu jiro, gaar ahaan nooca lagu …

Sii akhri

Wadaad waa Nin!

Adeegsiga ereyga “wadaad” dhibaatooyin baa ku hoos jira. Waxa uu noqday dallad la hoos hadhsado, dadka lagu hodo, eeddana lagaga gabbado. Dadku waa wada Muslin mana aha in magac gaar ah aynu siinno ku dhaqankii diinta ee qof walba looga baahnaa. In ninku gadhka la baxaa waa wax diinteenna ka …

Sii akhri

Macasalaama Kasiini

Saddex iyo toban sano ka dib, maalintii Jimcaha ee 15’kii Sibtambar 2017, waxaa soo gabagaboobay sahankii fagaagbuldiyaha Kasiini uu ku dul wareegayey meeraha Raage (Saturn). Saynisyannadii maamulayey ayaa Fagaagbuldiyahan (space probe) u jeediyey in uu galo gibil-haweedka Raage, isaga oo ku socda xawaare ah 120,000km/saacaddii, si uu ugu gubto. Farriintii …

Sii akhri

Diinta iyo Sayniska

Ilaahay—kor ahaaye—markii uu uunkan sameeyey waxa uu ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. Markii Aadan cs la abuurayna waxaa la baray dhammaan magacyadii waxyaalihii jirey. Isaga iyo Xaawoba cs waxaa loo kala sheegay dhirtii ku hareeraysneed kuwa dheefta u leh iyo kuwa dhibta u keeni kara, iyada oo …

Sii akhri