Home / 2018 / June

Monthly Archives: June 2018

Shidaalka Ogaden Basin ee dhulka Soomaali Galbeed

Khatartii ugu weynayd oo soo wajahday Soomaalida gumeysiga ku hoos nool Wuxuu Barkinka idiin soo gudbin doontaa qoraallo taxane ah oo ku saabsan mawduuca shidaalka ee degaanka Soomaalida Itoobiya gumeysato. Qeybtii 1aad: Hordhac Shirkadda Shiinaha ee Poly-GCL ayaa maanta (28 Juun 2018) bilaabaysay soosaarka gaaska ceelasha Elelle (Hilala).  In kasta uu koobnaan doono, …

Sii akhri

Hadhkii Xoriyadda

Ummada Soomaliyeed waxay soo martay halgan dheer  oo ay ku higsanaysay xornimo iyo madaxbanaani. Halgankaa iyo dadaalkaa looma kala hadhin, miyi iyo magaalo, gudo iyo debed,  waxa loo guntaday in la helo madaxbannaani buuxda oo lagaga hoos baxo gumaystihi reer yurub ee qaybiyey ummad isku af iyo diin ah. dhulkeedana …

Sii akhri

Afkeenna: Halgelin

Halgelin: Ereygaan muddo aad u fog baa iigu dambaysey araggiis iyo maqalkiisba. Xalay ayaan Youtube ku arkay qof qoray hees uu qaaday Maxamed Mooge xilli uu jabhad ahaa. Meerisyadaan oo uu Maxamed ugu xogwarramayo raggii ay asxaabta ahaayeen oo weli Hargeysa ku dambeeya, ayaa sidaan loo qoray: Hadal iga dardaarana …

Sii akhri

Mu’min god labo jeer lagama wada qaniino

Meelaha ay Xabashidu dullaysatay waxaa ka mid ah gobolka Gedo, oo ilaa 1996’dii ay waxay rabto ka samaynaysay. Waxaa ku cibro-qaadasho mudan qaabka ay markii hore ku timid gobolka oo u eg midda maanta socota. Dhammaadkii 1992’dii waxaa Gedo qaybo ka mid ah qabsaday ururkii al-Itixaad. Wuxuu xarun ka dhigtay …

Sii akhri

Dillaal iyo Darwiish

Ismaaciil Mire Cilmi waxa uu ahaa gabyaa weyn oo maansaruug ah, waagiisiina si weyn loo wada yiqiinnay. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa maqaddimiintii horkacayay halgankii Daraawiisheed ee Sayid-Maxamed Cabdille Xasan odayga ka ahaa. Waxa uu ku dhashay ceelka la yidhaahdo Laasadaar oo degaanka Buuhoodle ka tirsan wakhti ku …

Sii akhri

Isbeddelka Geeska Afrika Iyo Saamaynta Imaaraadka

Booqashadii dhawaan uu ku tagay dalka Itoobiya dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayid isaga oo wada heshiis 3 Bilyan oo Dollar lagu daahfuray waxay booqashadaasi saldhig u noqon karaa aragtiyo siyaasadeed oo mar kale ka askunma Bariga Afrika oo muddooyinkii ugu danbeeyey dano siyaasadeed oo qoto dheer laga lahaa. Sadexdan …

Sii akhri

Maanta Maya!

Doodda ummadeed ee ka aloosantay wadaxaajoodka “degdegga” heshiiska loogu rogi doono ee dhex maray Md. Farmaajo iyo Rw. Abii Axmed labo kooxood ayaa loogu qaybsamay, sida loo badan yahay. Koox qabta in Soomaaliya iyo Itoobbiya uu iskaashi dhex mari karo, laakiin ku kala taggan in iskaashigaasi maanta munaasab yahay iyo …

Sii akhri

Tixraaca Qormadii Muxammad Yuusuf

Waxaan akhriyay qormo cinwaankeedu yahay “Ma dad dhoohan baan nahay?” oo uu inala wadaagay  Muxammad Yuusuf. Waa qormo qurux badan oo qiimigeedu waarayo qarniyo badan . Aan uga mahadceliyo dadaalka badan ee aniga iyo in badan oo bulshada ka mid ah uu ugu yahay macallin joogto ah Muxammad shakhsi ahaantiisa. …

Sii akhri

Ma dad dhoohan baa nahay?

In arrinta taagan ee buuqa badan dhalisay uu Madaxweynuhu waraysi dheer dhexda u galiyo oo dhawr daqiiqadood la siiyo waxay muujinaysaa sida uusan Madaxweynuhu waxba isaga tirinayn dareenka shacabka ee uu isu arko Mahdi loo soo diray oo barwaaqo u jiidaya iyaguna ay ku khaldan yihiin in aysan “waayahay”-da iyo …

Sii akhri

Kansarka hunguri-mareenka oo ku soo badanaya Soomaaliya

Bukaannadda qaba kansarka ku dhaca hunguri-mareenka, ayaa si aad ah ugu soo badanaya dalka, sida ay tilmaamayso daraasad ay laga sameeyey cusbitaalka Turkida ee Muqdisho (Somalia-Turkey Education and Research Hospital, Mogadishu, Somalia), laguna faafiyey wargeyska Seminars in Oncology. Kansarkan oo ku dhaca hunguri-mareenka, afka qalaadna lagu yiraahdo “Eosophageal Cancer”  wuxuu …

Sii akhri