Home / 2018 / March

Monthly Archives: March 2018

Saldhig Berbera ah iyo Weydiimo La xidhiidha

Waxa la yidhi Soomaaliland iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku heshiiyey saldhig ay dawladda gadaal ka magacdhabani ka dhisato Berbera. Adduunka maanta way ku badan tahay dawlad saldhig millatari ku leh dal shisheeye oo la yaab ma laha; ma se aha, run ahaan, wax la isku majeerto, faan na hadalkii …

Sii akhri

Maxay tartaa sheeko faneeddu?

In kasta oo dhaqammada adduunku ay wadaagaan curinta sheekada male-awaalka ah, haddana sheeko faneedda buugga buuxisa, ama noofalku, gadaal buu ka yimid, mana aha qayb ka mid ah suugaanteenna soojireenka. Noofalku waxa uu ku hanaqaaday Ingiriiska, halkaas oo uu bulshada ugu jiro halka gabaygu innoogu jiro, gaar ahaan nooca lagu …

Sii akhri

Wadaad waa Nin!

Adeegsiga ereyga “wadaad” dhibaatooyin baa ku hoos jira. Waxa uu noqday dallad la hoos hadhsado, dadka lagu hodo, eeddana lagaga gabbado. Dadku waa wada Muslin mana aha in magac gaar ah aynu siinno ku dhaqankii diinta ee qof walba looga baahnaa. In ninku gadhka la baxaa waa wax diinteenna ka …

Sii akhri

Fiyoorihii Taleex

Iyadoo lala hadlin bay dadka ka hadlisaa, qosol aanad u jeedin bay kaa keenaysaa. Siddeed sano ayaa u dheer tobanka. Wejiga sida dhuuban u samaysan iyo sanqaroorka dhex qotama bay muraayadda hor haysaa. Waa muraayad dhererkeeda ka hoosaysa. Indho kuul bay si jiifa u marinaysaa indho leh uma baahnin. Gacanteeda …

Sii akhri